Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo shaacisay liiska shirkadaha taageera Israel ee qeybta ka ah xasuuqa Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   

Geneva (Caasimada Online) – Khabiir ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa warbixin ku magacawday in ka badan 60 shirkadood, oo ay ku jiraan shirkado waaweyn oo sameeya hubka iyo kuwa teknoolajiyadda, iyadoo ku eedaysay inay ku lug leeyihiin taageeridda deegaameynta Israa’iil iyo hawlgallada militari ee ka socda Gaza, kuwaasoo ay ku tilmaantay “ol’ole xasuuq ah.”

Francesca Albanese, oo ah qareenad u dhalatay Talyaaniga kuna takhasustay xuquuqda aadanaha, ahna Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhulka Falastiin ee la haysto, ayaa warbixintan ku soo ururisay xog ay ka heshay in ka badan 200 oo dhinac oo isugu jira dawlado, u doodayaal xuquuqda aadanaha, shirkado, iyo aqoonyahanno.

Warbixinta, oo la daabacay Isniintii xilli dambe, ayaa ku baaqaysa in shirkaduhu ay joojiyaan la macaamilka Israa’iil iyo in lala xisaabtamo madaxda shirkadahaas ee ku lugta leh ku xadgudubka sharciga caalamiga ah ee lagu eedeeyay.

“Xilli nolosha Gaza la baabi’inayo, Daanta Galbeedna ay wajahayso duullaan sii kordhaya, warbixintani waxay muujinaysaa sababta uu xasuuqa Israa’iil u socdo: waayo waa mid faa’iido u ah dhinacyo badan,” ayay Albanese ku qortay dokumentiga ka kooban 27-ka bog. Waxay ku eedaysay shirkadaha inay “dhaqaale ahaan ku xiran yihiin midab-takoorka iyo militariyadnimada Israa’iil.”

Xafiiska wakiilka Israa’iil ee Geneva ayaa sheegay in warbixintu ay tahay “mid aan saldhig sharci lahayn, sumcad-dil ah, oo si bareer ah loogu takri-falay xafiiskeeda.” Xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo wasaaradda arrimaha dibadda ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo loo diray oo ku saabsanaa arrintan.

Dhanka kale, wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay ee New York ayaa ugu baaqay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, inuu cambaareeyo Albanese oo uu dalbado in xilka laga qaado, isagoo intaa ku daray “in tallaabo la’aanta ilaa hadda ay awood u siisay Ms. Albanese inay sii waddo ol’oleheeda dagaalka dhaqaale ee ka dhanka ah shirkadaha caalamka oo dhan.”

Israa’iil ayaa iska diiday eedeymaha xasuuqa ee Gaza, iyadoo ku andacoonaysa inay xaq u leedahay is-difaacid ka dib weerarkii Xamaas ee Oktoobar 7, 2023, kaasoo lagu dilay 1,200 oo qof, isla markaana lagu afduubtay 251 qof, sida ay sheegeen tirokoobyada Israa’iil.

Weerarada ka dhashay ee Gaza ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 56,000 oo qof, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza, wuxuuna dhulkaas u rogay burbur.

Shirkadaha hubka ee warbixinta lagu xusay

Warbixintu waxay shirkadaha ugu kala saartay qaybo, sida kuwa militari ama teknoolajiyadda, mar walbana si cad uma sheegayso inay la xiriiraan deegaannada sharci-darrada ah ama ol’olaha Gaza. Waxaa lagu sheegay in qiyaastii 15 shirkadood ay si toos ah uga jawaabeen xafiiska Albanese, laakiin jawaabahooda lama daabicin.

Warbixintu waxay magacawday shirkado hubka sameeya sida Lockheed Martin iyo Leonardo, iyadoo ku eedaysay in hubkooda loo adeegsaday Gaza. Waxay sidoo kale liiska ku dartay shirkadaha qalabka culus keena sida Caterpillar Inc iyo HD Hyundai iyadoo sheegtay in qalabkoodu uu gacan ka geystay burburinta hantida dhulka Falastiiniyiinta.

“Iibka hubka ee dibadda waa macaamil dhexmara dawladaha. Doodaha ku saabsan iibkaas waxaa ugu habboon inay ka jawaabto dawladda Mareykanka,” ayuu yiri afhayeen u hadlay shirkadda Lockheed Martin.

Midkoodna shirkadaha kale si degdeg ah ugama jawaabin codsiyada faallo-bixinta ee ay u dirtay wakaaladda wararka ee Reuters. Shirkadda Caterpillar ayaa hore u sheegtay inay filayso in qalabkeeda loo isticmaalo si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada.

Shirkadaha waaweyn ee teknoolajiyadda sida Alphabet ama Google, Amazon, Microsoft, iyo IBM ayaa lagu magacaabay inay “udub-dhexaad u yihiin qalabka basaasnimada Israa’iil iyo burburka ka socda Gaza.”

Shirkadda Alphabet ayaa hore u difaacday qandaraaskeeda adeegyada cloud services ee qiimihiisu yahay $1.2 bilyan oo ay la gashay dawladda Israa’iil, iyadoo sheegtay inaan loogu talagalin hawlgallo militari ama sirdoon.

Shirkadda Palantir Technologies ayaa sidoo kale lagu xusay inay ciidanka Israa’iil siisay agab sirdoonka macmalka ah (AI tools), inkastoo aan la faahfaahin sida loo adeegsaday.

Warbixintan ayaa sii ballaarinaysa keyd-xogeed hore oo ay Qaramada Midoobay ka diyaarisay shirkadaha lala xiriiriyo deegaannada Israa’iil, kaasoo markii ugu dambaysay la cusboonaysiiyay Juun 2023, iyadoo ku soo kordhisay shirkado cusub ayna faahfaahinayso xiriirka lagu eedeeyay ee ay la leeyihiin colaadda Gaza ka socota.

Warbixinta ayaa la horgeyn doonaa Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay (U.N. Human Rights Council), oo ka kooban 47 xubnood, maalinta Khamiista. Inkastoo Goluhu aanu lahayn awood sharci oo qasab ah, haddana kiisaska ay diiwaangeliyaan baaritaannada Qaramada Midoobay waxay mararka qaar saldhig u noqdeen dacwado caalami ah.

Israa’iil iyo Maraykanka ayaa isaga baxay Golaha horaantii sanadkan, iyagoo ku sababeeyay eex ka dhan ah Israa’iil.

Liiska shirkadaha waxaa ka mid ah:

Heavy Machinery / Infrastructure
Caterpillar (USA), Leonardo-owned Rada Electronic Industries (Israel/Italy), HD Hyundai (South Korea), Volvo Group (Sweden)

Rental / Tourism Platforms
Booking.com (Netherlands), Airbnb (USA)

Energy / Commodities
Drummond Company (USA), Glencore (Switzerland)

Agriculture / Food
Bright Dairy & Food (China), Tnuva (Israel), Netafim (Israel), Orbia Advance Corporation (Mexico)

Banking / Finance
BNP Paribas (France), Barclays (UK)

Investment Firms
BlackRock (USA), Vanguard (USA)

Oil & Gas
Chevron (USA)

Arms Manufacturers / Military Tech
Lockheed Martin (USA), Leonardo S.p.A (Italy), FANUC Corporation (Japan), Elbit Systems (Israel)

Technology Companies
Microsoft (USA), Alphabet (USA), Amazon (USA), IBM (USA), Palantir Technologies (USA)

Insurance Companies
Allianz (Germany), AXA (France)
 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this