Sign in to follow this  
Deeq A.

Beenin koox is been fariintay: Cali Cabdilaahi Daahir ma aha musharax lagu midaysanyahay

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20250701-WA0003.jpg
Waxa aan halkan ka cadaynyaa in aanay waxb ka jirin kooxda sheeganaysa magaca Dhuuxweyn ee leh waxa la kala saaray ragii ku tartamaayay ka mid noqoshaha golayaasha deegaanka iyo wakiiladda ee degmada Hargeisa iyo gobolka Maroodijeex ee matali doona beesha Dhuuxweyne ee Cabdalle Isaxaaq arinkaasi waa been cad oo ah waxba kama jiraan.

Kooxdan ama garabkani is soo urursday waxa ay ku guuldaraysteen in ay kala saaraan ragii tartamaayay, kulankii ugu danbeeyay ee todobaadkani dhacay waxa uu ahaa mid burburay oo lagu kala kacay.

Cali Cabdilaahi Daahirna ma aha shaqsiga kali ah ee reerka ama golaha wakiilda u sharaxan waxa xaqiiq ah in ay wataan garab gaar ah oo dano shaqsiyadeed eryanaaya

Kooxdani caawa xaflada qabsatay waxa ay ka been sheegeen in ay ragii tartamaayay ay kala reebeen hadalkaasi waa been cad oo iyaga dib ugu soo noqonaysa wali murankii iyo is qancin laantii way taagantahay

Waxa kale oo ay jideeyeen in qof kastaaba uu qabsado xaflad taasi oo ka soo hor jeeda in la sugo oo aan wax xaflad ah aan musharaxna aanu qabsan tan iyo inta beesha Maxamed Ismaciil ay isku raacayso qokii matali lahaa.

Waxa ay kooxda Cali Cabdilaahi Daahir uu hor boodayaa ay jabisay habkii soo jireenka ahaa ee beesha Maxamed Ismaciil ay wax ku dooran jirtay taasi oo ahayd in xaflad lagu shaaciyo qofkii ay beesha Maxamed Ismaciil ay isku raacdo.

Waxana ay ka masuul noqon doonaan wixii halkaas kanyimaada

Maxamed Cismaan

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this