Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya, France, Spain iyo 5 dal oo kale oo isbahaysi cusub ku dhowaaqay

Recommended Posts

Deeq A.   

Paris (Caasimada Online) – Dalal ay ku jiraan Faransiiska, Soomaaliya, Barbados iyo Spain ayaa Isniintii daah-furay isbahaysi cusub oo ku baaqaya in canshuur lagu soo rogo rakaabka diyaaradaha ee hodanka ah, si looga caawiyo wadamada saboolka ah inay la tacaalaan saamaynta isbeddelka cimilada, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Faransiiska.

Isbahaysigan, oo ay sidoo kale ku bahoobeen wadamada Kenya, Benin, Sierra Leone iyo Antigua iyo Barbuda, ayaa sheegay inuu u olalayn doono sidii loo kordhin lahaa tirada wadamada canshuura tikidhada diyaaradaha, gaar ahaan duulimaadyada heerka ganacsiga (business-class) iyo diyaaradaha khaaska ah.

Duulimaadyada ayaa ah isha ugu weyn ee qiiqa wasakhaysan ee sii kordhiya kulaylka adduunka, kaasoo dhibaatada ugu daran ku haya wadamada soo koraya ee nugul, kuwaas oo ah kuwa ugu yar ee ka mas’uulka ah dhibaatadan.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Faransiiska ayaa lagu sheegay, iyadoo loo diyaar-garoobayo shir-madaxeedka Qaramada Midoobay ee cimilada oo bisha November ka dhacaya dalka Brazil, in isbahaysigu ka shaqayn doono sidii waaxda duulimaadyada looga dhigi lahaa mid si weyn uga qayb qaadata maalgelinta la-qabsiga isbeddelka cimilada.

Bayaanka ayaa intaa ku daray in ujeeddadu tahay in ugu yaraan qayb ka mid ah dakhliga canshuurta laga helo loo weeciyo “maalgashi adkeysi leh iyo isbeddello caddaalad ah,” iyo in laga caawiyo wadamada saboolka ah inay kordhiyaan dakhligooda gudaha, taasoo ah qodob muhiim u ah horumarka.

Dalalka Faransiiska, Kenya iyo Barbados ayaa horey ugu ololeeyay waxa loogu yeero “canshuuraha iskaashiga” si lacag loogu uruuriyo wax-ka-qabashada cimilada, iyagoo soo jeediyay in canshuur lagu soo rogo maraakiibta, shidaalka fosilka, caaga (plastic) iyo lacagaha dhijitaalka ah (cryptocurrency).

Kooxdan ayaa soo jeedisay in canshuuraha duulimaadyada laga uruurin karo lacag gaaraysa ilaa 187 bilyan oo Yuuro ($220 bilyan) haddii si guud loo wada hirgeliyo.

Hay’adda Greenpeace ayaa soo dhaweysay tallaabadan, kuna tilmaantay “tallaabo muhiim ah” oo lacag dheeraad ah looga uruurinayo “nooca safarka ee ugu wasakhaynta badan uguna qaalisan,” kaasoo ilaa hadda aan si ku filan loo canshuurin.

“Tallaabo geesinimo leh oo iskaashi ku dhisan oo wasakheeyayaasha lagu ciqaabayo ma ahan oo kaliya caddaalad — waa lagama maarmaan,” ayay tiri Rebecca Newsom, oo ah madaxa siyaasadda caalamiga ah ee Greenpeace, war-saxaafadeed ay soo saartay.

Ku dhawaaqistan ayaa timid xilli uu dalka Spain ka socday shirka Qaramada Midoobay ee horumarinta, kaasoo looga gol leeyahay in dardar cusub la geliyo waaxda horumarka oo la daalaa dhacaysa dhimis ba’an oo lagu sameeyay kaalmada dibadda, taasoo saamayn ku yeelatay dagaalka ay wadamada saboolka ahi kula jiraan isbeddelka cimilada.

Wadamada hodanka ah, ee taariikh ahaan sida weyn uga qayb qaatay isbeddelka cimilada, waxaa waajib ku ah inay bixiyaan dhaqaale ay kaga caawiyaan wadamada saboolka ah la qabsiga cawaaqibka ka dhasha, sida ku cad Heshiiskii Paris ee Cimilada (Paris Agreement) ee 2015.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this