Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Waxaan hawlgal tirtirid ah ku qaadaynaa kooxda Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1750656327878.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Qaraaje oo ku sugan magaalada Dhahar ayaa sheegay in dowladdu hawlgal xooggan ku qaadi doonto argagixisada Al-shabaab ee buuraha Calmadow, si cirib-tir dhammaystiran loogu sameeyo kooxdaasi.

Guddoomiye Qaraaje ayaa sheegay in argagixisada Calmadow dhac iyo dil aan kala sooc lahayn ku sameeyeen rayid badan oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo ka soo jeeda degaannadaasi, halka qaar kalena si khasab ah uga bara-kiciyeen guryahooda, sidaasi darteedna dowladda Puntland go’aansatay in au ku kooxdaasi ku qaaddo hawlgal ciribtir ah.

“Hawlgalkii Calmiskaad, waxaa ku xiga Hawlgalka Calmadow oo isagana bilaabanaya, nimankaasi Al-shabaab ee Calmadow waxay dhibaato badan gaarsiiyeen shacabkii degaanka oo ay ku sameeyeen dhac iyo dil aan kala sooc lahayn, halka qaarna ay si khasab ah guryahoodii uga bara-kiciyeen, marka waxaan rabnaa in si dhammaystiran loo soo afjaro kooxdaasi” ayuu yiri Cabdirisaaq Qaraaje.

Warkan ayaa imaanaya, iyadoo dhawaanahan xukuumadda Puntland bilowday diyaar-garow ciidan oo ku jihaysan argagixisada Al-shabaab ee buuraha Calmadow, maadaama uu geba-gabo marayo Hawlgalkii Calmiskaad ee bilowday horraantii sannadkan, kaasi oo lagu burburiyay awooddii Daacish.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Waxaan hawlgal tirtirid ah ku qaadaynaa kooxda Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this