Sign in to follow this  
Juje

Dhac iyo Boob

Recommended Posts

Juje   

Dhac iyo Boob kadib Alshabaab oo Maleeshiyaad Beeleedkii ka qaybgalay dagaalkii Kismaayo hubkii ka dhigey

 

KN:Maleeshiyaad beeleedkii ka garab dagaalamayay ururka Alshabaab ayaa la bilaabay in hubka laga maanta kadib markii ay maleeshayadaasi ku kaceen dhac iyo boob ay u gaysteen dad gaar ah oo dagganaa magaalada Kismaayo.

 

Ururka Alshabaab ayaa maanta isugu yeedhey maleeshiyaad beeleedkii ka qaybgalay dagaalka ayna usheegeen inuu jiro shir dagdag ah oo arimo muhiim ah looga hadlayo. Markii ay yimaaddeen goobtii ayaa dhamaan loo qaybiyey lacag gaadheysa $50 lana amrey iney hubka iska dhigaan isla markaana amrey iney soo celiyaan waxii hub ah ee loo qaybiyey.

 

Arintan ayaa timid kadib markii maleeshiyaad beeleedkani ay ku kaceen boob iyo dhac ay u geysanayaan cidwalba oo ay u gartaan beelaha qaar ama waxii culimo ah oo aan taageersaneyn xarakada Alshabaab.

 

Xarakada Alshabaab ayaa iyadu si ula kac ah hub ugu qaybisey maleeshiyaad beeleed si ay uga caawiyaan weerarkii ay ku qaadeen walaalahii hore ee Xisbul Islaam taasoo keentey in Xisbul Islaam laga saaro magaalada Kismaayo.

 

Xidhiidhka udhaxeeyay labada Xarako ayaa maraya meeshii ugu xumeyd abid iyadoo gacan fudeydka Alshabaab uusan ku simeyninba in wax wada hadal iyo waanwaan ah la isugu yimaaddo ayna ku socoto ninkii roon reerka ha uhadho.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Maleeshiyo beeleedkii ka bar bar dagaalamay Al-shabaab oo dhac iyo boob ka bilaabay Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyo beeleedkii ka qeyb qaatay dagaalkii khamiistii ka dhacay Kismaayo ay bilaabeen inay u dhacaan dukaanada iyo Guryaha dadkii taageersanaa Ururka Xisbul islaam iyadoo lagu soo waramayo in dukaan ku yiilay isgooyska Warshada hilibka ay ka dhaceen qalab xafiiseed iyo hanti gaadhaysa 30.000 oo doolar.

 

Wararku waxa ay intaas raacinayaan in maleeshiyada dhacan iyo boobka geysanaya ay yihiin maleeshiyadii ay Al-shabaab hubka u qeybisay maalmo ka hor intuusan dagaalku dhicin.

 

Dhanka kale warar goor dhaweyd naga soo gaadhay magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Xarakada Al-shabaab ay lacag abaal marin ah u qeybisay maleeshiyo beeleedkii ka bar bar dagaalamay iyagoo calaa shaqsi siiyey $50 doolar.

 

Waxaa nasiib daro ah in Al-shabaab ay dadka fikir ahaan kasoo horjeeda ay qabiil ku duraan iyaguna ay si xun u adeegsanayaan maleeshiyo beeleed aysan xataa ka muuqan calaamad diimeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Madoowe wuxuu keenay maleeshiyaad magac qabiil lagu soo aruuriyay si uu Al-shabaab meesha oga saaro.

 

Haduu warka kor kuqoran sax yahay, Al-shabaab maleeshiyadii magaalada daganeed ee ka soo jeeday Gedo ayay hubeeyeen oo dagaalka wax kagalay.

Marka meeday Islaamnimadii iyo sharcigii diinta Islaamka iyo Jihaadkii iyo wixii la sheegijiray?

 

Geemku wuxuu ku fiicnaa Qabiilka markii la isku dab saarijiray, hada diintii ayaa magaca looga ciyaarayaa which is wrong!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Dhubad.:

Geemku wuxuu ku fiicnaa Qabiilka markii la isku dab saarijiray, hada diintii ayaa magaca looga ciyaarayaa which is wrong!!!

Hada ma wagu ku baryay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^Maya sxb, Wuxuu waagu ii baryay markii :

 

 

->Layiri qabiil dhan siduu u dhamaa (culumo iyo caamo) waxay noqdeen Maxkamadaha Islaamiyiinta

 

->Markii IndhaCade uu Qaadkii Xamar soo galijiray uu qaarna gubay qaarna suuqa ku fasaxay

 

->Markii Bu'aale lagu laayay dhaawacii Barre Hiiraale ciidankiisa laga qabsaday magac qabiil dartiis.

 

->Maxkii maxkamadihii ay burbureen oo Sh-Shariif uu dhinaca kale ka soo jeestay.

 

 

Intaas oo dhan anoo ogaa ayaan haddana waxaan aaminsanaa Al-shabaab inuu saafi yahay marka loofiiriyo xaga qabiilka.

 

Laakiin dhinaca Xizbul -Islaam iyo Ahmed Madoowe shaki iigama jirin inay qabiil ahaan wax ku wadaan!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Dhubad.:

Laakiin dhinaca Xizbul -Islaam iyo Ahmed Madoowe shaki iigama jirin inay qabiil ahaan wax ku wadaan!!

Sababta aad u mudayso Xisbul Islaam ama Madoobe yaan ka baxsanayn qabiil dartiis.

 

Weligeed Somali way isu qoonsan jirtay ilaha dhaqaale iyo kursiba, wax cusub ma aha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Juje:

Ururka Alshabaab ayaa maanta isugu yeedhey maleeshiyaad beeleedkii ka qaybgalay dagaalka ayna usheegeen inuu jiro shir dagdag ah oo arimo muhiim ah looga hadlayo. Markii ay yimaaddeen goobtii ayaa dhamaan loo qaybiyey lacag gaadheysa $50 lana amrey iney hubka iska dhigaan isla markaana amrey iney soo celiyaan waxii hub ah ee loo qaybiyey.

This is so hilarious. So Al-Shabaab tricked the ragtag mercinary militia. loool. That is justice awooweyaal. No one is above the law in Kismayo.

 

You do, you pay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Originally posted by Jafe101:

quote:Originally posted by Dhubad.:

Laakiin dhinaca Xizbul -Islaam iyo Ahmed Madoowe shaki iigama jirin inay qabiil ahaan wax ku wadaan!!

Sababta aad u mudayso Xisbul Islaam ama Madoobe yaan ka baxsanayn qabiil dartiis.

Sababta aad adigana iiga shakisantahay inaan Madoowe iyo meleeshiyadiis aan qabiil ku sheegayo ayaa ayadana qabiil ka marnayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Rag hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay agab kala duwan ka qaateen guriga Sh. Axmed Madoobe oo isaga iyo ciidamadiisa Xisbul Islaam laga saaray Kismaayo 2 maalmood ka hor.

 

Maleeshiyo beeleed ka tirsan kuwii Col. Barre Hiiraale ee magaalada laga qabsaday sanad ka hor balse Xarakatul Shabaab ay hubeeyeen Arbacadii ayaa la sheegayaa in ay boob iyo dhac ka geeysteen gudaha magaalada, isla markaasina ay qaarkood diideen in ay hubka dhigaan.

 

 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaarkood hubkii laga qaaday, qaarkoodna ay diidanyihiin in wareejiyaan kuna hanjabeen in ay isdifaacayaan haddii la tixgalin waayo garabkii ay Shabaabka siiyeen xiligii loo baahnaa.

 

 

Saraakiil kale oo Xisbul Islaam ka tirsan ayaa iyana guryahooda agab laga qaatay, lamina oga waxa ay yihiin alaabaha la furtey iyo qiimahoodaba.

 

 

Maamulka Kismaayo ee wali kasii taliya magaalada ayaanan wax war ah kasoo saarin arrinkan.

 

 

Isla markii lagu kala baxay dagaalkii magaalada ayaa waxaa biloowmey boob baahsan oo lala eeganayay dad kasoo jeeda beelaha Alshabaab ay sheegeen in ay kusoo duuleen magaalada oo ay shacabka magaalada ugu baaqeen in ay iska difaacaan.

 

 

Hubeynta Maleeshiyaadkani ayaa yimid kadib markii afayeenka Maamulka Sheekh Xassan Yacquub uu idaacada Andulus baaq ugu jeediyey dadka magaalada isagoo leh “waxaa nagu soo duuley beel, ee dad magaalada waxaan ugu baaqaynaa in ay iska difaacaan, haddii aad garab na siin waayaana inaga ayaa diyaaru ah in aan is difaacno”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Dhubad.:

quote:Originally posted by Jafe101:

quote:

Originally posted by Dhubad.:

Laakiin dhinaca Xizbul -Islaam iyo Ahmed Madoowe shaki iigama jirin inay qabiil ahaan wax ku wadaan!!

Sababta aad u mudayso Xisbul Islaam ama Madoobe yaan ka baxsanayn qabiil dartiis.

Sababta aad adigana iiga shakisantahay inaan Madoowe iyo meleeshiyadiis aan qabiil ku sheegayo ayaa ayadana qabiil ka marnayn.
Shaki meesha kuma jiro saaxiib haddii adaan adu shaki galinin in aad si kale farta ugu mudayso sheekha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Dhubad, even if such is the case, a Kismaayo takeover by the tribal militias of Kambooni/Canoole/Xis bul Islam would have fared worse for the Gedo community than the Shabaab hold of the city. The Shabaab's target is international and not a specific clan whereas the primary target of the tribal alliance on the other side would have been the Gedo community in the city.

 

Even if such is the case, it is a strategic decision for both the alleged supporters and the alleged supported.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this