Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo u weecatay diblomaasiyad iyo qorshe ay ku soo jiidaneyso shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib sannado ay awoodda ku hayeen cabsi gelin iyo rabshado, kooxda jihaad-doonka ah ee Al-Shabaab ayaa hadda u muuqata inay beddeshay istaraatijiyaddeeda, iyada oo isku dayaysa inay dib ugu soo ceshato saameynta ay ku lahayd Soomaaliya —iyadoo kasbaneysa qalbiyada iyo maskaxda shacabka.

Kooxdan oo horey loogu yaqiinay arxan darro iyo xagjirnimo, ayaa maamulkeedii deegaanada ay gacanta ku haysay lagu xasuustaa dilal dadweyne, gacmo-goyn, madax-jarid, iyo ciqaabo kale oo adag oo lagu fulin jiray iyadoo loo marayo fasiraad daran oo ka mid ah shareecada Islaamka.

Al-Shabaab waxay si joogto ah u baahin jirtay muuqaallo naxdin leh oo muujinaya madax-jarid iyo askar la tooganayo, si ay ugu cabsi geliso shacabka iyo ciidamada ammaanka. Ku lug yeelashada dowladda ama ciidamada nabad ilaalinta caalamiga ah waxa ay ka dhignayd dil sugan — ma aha oo kaliya shaqsiyaadka, balse mararka qaar guud ahaan bulshooyin dhan.

Hase yeeshee, kooxda ayaa lagu warramayaa in ay qaadaneyso qaab dhaqan cusub oo u eg mid dadweyne loo daneynayo, si ay ugu fidiso saameynteeda guud ahaan dalka. Sida ay sheegayaan falanqeeyayaal amni iyo ilo-wareedyo gudaha ah, Al-Shabaab waxay isku dayaysaa inay isu muujiso in ay tahay door kale oo suurtagal ah oo ka duwan dowladda federaalka, iyada oo soo rogeysa canshuuro hooseeya, nidaamyo maamul deegaaneed, iyo kala dambeyn muuqata meelaha aysan dowladda ka jirin ama aan ka shaqeynin si hufan.

“Way yareeyeen muuqaalladii xagjirka ahaa ee naxdinta lahaa ee aan horey u arki jirnay,” ayay tiri Samira Gaid, oo ah falanqeeye amni oo caan ah. “Meelo badan ayay isku dayayaan inay bulshada dhexgalaan, iyagoo adeegsanaya tanaasul xisaabsan iyo xakameyn istiraatijiyadeed si ay kalsooni u dhisaan.”

Halkii hore beel dhan loogu ciqaabi jiray eedeyn la xiriirta la-shaqeynta dowladda ama ciidamada, kooxda hadda waxay u oggolaaneysaa qaar ka mid ah beelaha inay hubkooda haystaan. Sidoo kale, waxay hoos u dhigtay heerka zakada ay qaaddo, waxayna u muuqatay mid dulqaad badan u leh dadka lagu tuhmay inay hore ula shaqeyn jireen dowladda.

“Marka laga reebo goobo dagaal sida Aadan Yabaal, waxay si xeeladaysan u qaateen tanaasul, si ay uga hortagaan iska caabin ballaaran oo ay dib ugu cusbooneysiiyaan sumcaddooda,” ayay tiri Gaid.

Isbeddelkan cusub wuxuu ku soo beegmayaa xilli ay jirto firaaq amni oo sii fidaya. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa wajahaya guul-darrooyin isdaba joog ah, gaar ahaan jiidaha dagaalka sida Aadan Yabaal. Inkasta oo maalgelin weyn laga helay beesha caalamka — gaar ahaan Mareykanka — haddana CXDS ayaa ku dhibtoonaya inuu xasiliyo guulaha la gaaray ama uu si buuxda u maamulo deegaannada lagu muransan yahay. Taageerayaashii caalamka ayaa hadda dib u eegaya ballanqaadyadooda, maadaama Soomaaliya ay u sii dhowaaneyso inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa dhawaan ka digay hoos u dhac ku yimid mushaarka ciidanka Soomaaliya, taasoo la xiriirta yaraanta taageerada dhaqaale ee ay haystaan. Wuxuu sidoo kale muujiyay walaac ah in aysan jirin calaamado muujinaya xasillooni dhaw.

Dhanka kale, shir dhawaan ka dhacay Kampala oo ay isugu yimaadeen waddamada ciidamada u dira howlgalka Midowga Afrika ayaa lagu soo jeediyay in la geeyo 8,000 oo askari oo dheeraad ah — xilli Qaramada Midoobay ay qorsheyneyso in la dhimo tirada ciidamada ATMIS, lana kordhiyo tababarka iyo qalabeynta CXDS.

“Hawlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee 2022 waxaa huriyay kacdoon dadweyne, balse weligiis uma uusan wareegin mid ciidan oo xirfadeysan,” ayay tiri Gaid. “Hoggaamiyeyaasha siyaasadda ayaa la wareegay, iyagoo dejiyay yoolal siyaasadeed oo ballaaran, balse aan la socon istiraatijiyad milatari oo dhab ah.”

Waxay intaas ku dartay in dhibaatooyin gudaha ah — sida saadka aan la isku halleyn karin, saraakiil aan waayo-aragnimo lahayn oo xilal muhiim ah loo dhiibay, iyo ciidamo tababar cusub ka baxay oo si deg-deg ah loo diray — ay wiiqeen hufnaanta hawlgallada.

Isbeddelka joogtada ah ee hoggaanka ciidanka ayaa sidoo kale carqaladeeyay sii wadidda qorshayaasha. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday taliyihii ciidanka bishii Juun 2023, balse dib ugu soo celiyay xilkii bishii November 2024, iyadoo laga jawaabayay guuldarrooyin soo noqnoqday oo laga soo hooyay dagaallada.

In kasta oo dowladda federaalka ay qaaday tallaabooyin lagu bartilmaameedsanayo maalgelinta Al-Shabaab iyo joojinta marinada warbaahineed ee kooxda, haddana khubaradu waxay ka digayaan in dadaalladaas aysan ku filnaan doonin haddii istiraatijiyadda cusub ee kooxda ay kasbato taageerada bulshada.

“Tani ma aha isbeddel ku wajahan dhexdhexaadnimo,” ayay Gaid ku adkeysatay. “Waa xeelad istiraatijiyadeed oo ay kooxda doonayso inay si qoto dheer ugu dhex milmaan bulshada Soomaaliyeed. Iyagoo yareynaya cabsi gelinta, waxay isku muujinayaan inay yihiin hay’ad kale oo maamul — si ay dib ugu hantaan saameyntoodii hore.”

Iyadoo dowladda federaalka ay ku mashquulsan tahay khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha, dhaliilayaal ayaa ka digaya in dowladda ay indhaha ka laabato halista weyn. “Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab laguma guuleysan karo siyaasadda oo keliya,” ayay tiri Gaid. “Waxa uu u baahan yahay istiraatijiyad ciidan oo la isku halleyn karo iyo qorshe mideysan oo lagu kasbado kalsoonida shacabka — kahor inta aysan Al-Shabaab helin.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this