Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin heerarkii uu soo maray shirka Madasha wada-tashiga qaranku

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta oo ah 5-ta bisha May waxaa lagu wadaa inuu magaala-madaxda dalka ee Muqdisho ka furmo shirka madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyadu, inkastoo masuuliyiinta qaarkood aysan weli caasimadda soo gaarin.

Shirkan oo lagu magacaabo shirka Madasha wada-tashiga qaranka ayaa soo maray heerarka kala duwan, ayadoo looga arrinsado xalaadda dalka iyo go’aan ka gaaridda arrimaha taagan ee wada-xoojoodka u baahan.

Shirkan waxaa markii ugu horraysay la billaabay sanadkii 2015-kii, isagoo looga gol lahaa in la helo madal siyaasadeed oo ay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada si ay uga wada tashadaan arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Ujeeddooyinkii ugu waaweyn ee Madasha loo aas-aasay waxaa kamid ahaa:

 

• Dejinta habraaca doorashooyinka.

 

• Wadaagista awoodda iyo kheyraadka.

 

• Dhismaha hay’adaha dastuuriga ah.

 

• Xoojinta wada shaqeynta dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe.

• Iyo qodobo kale

 

2. Marxaladihii ay soo mareen Shirarka Madashu

 

a) Marxaladda koobaad (2015–2016)

 

Shirarkii ugu horreeyay ee Madasha waxaa diiradda lagu saaray sidii doorasho loo dhanyahay ay dalka uga dhici lahayd 2016-kii, waxaana is jiid jiid badan ka dib lagu heshiiyay in la qabto doorasho dadban oo lagu saleynayo hanaanka 4.5 ee lagu soo xulayo xubnaha baarlamaanka.

 

2) Marxaladdii Labaad Xilliga Doorashada (2016–2017)

 

Madashu waxay kaalin muhiim ah ka ciyaartay diyaarinta doorashooyinkii 2016–17, waxayna heshiis ku gaareen madaxdii xilligaasi in la dhiso Aqalka Sare iyo nidaamka federaalka oo dhameystiran.

 

3) Marxaladda Seddaxaad Doodaha Dastuurka iyo Federalka (2018–2020)

 

Intii u dhexaysay 2018-2020 arrimaha Siyaasadda iyo awood qeybsiga ka sokow Shirarkii madashu waxay u wareegeen arrimo la xiriira dib-u-eegista Dastuurka KMG.

 

Waxaa sidoo kale laga hadlay maqaamka Muqdisho, qaabka awood qeybsiga, iyo dhismaha ciidamada qaranka.

 

4) Marxaladda Khilaafaadka Siyaasadeed (2020–2022)

 

Waqtigani wuxuu ahaa mid lagu muransanaa doorashada 2020/2021, iyadoo shirarku noqdeen kuwo isdaba joog ah, inkastoo dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay kulamada qaar ka maqnaayeen.

 

Marxaladdaasi oo lagu tilmaamay karo mid kamida xilliyadii ugu adkaa ee dalku uu soo maray waxay ku soo gaba-gabawday in 2022-dii doorasho dadban lagu qabtay xerada Afisyoone.

 

5) Marxaladda shanaad Dib-u-heshiisiinta iyo Isbeddelka (2022–2024)

 

Wixii ka dambeeyay doorashadii sanadkii 2022-kii shirarka Madasha waxaa diiradda lagu saarayay dhammaystirka dastuurka, arrimaha ammaanka, gaar ahaan dagaalka kooxaha Daacish iyo Alshabaab, iyo dhacdooyinkii taagnaa sida deynta cafintii, jaan-goynta qaab dhismeedka ammaanka qaranka, iyo arrimo kale.

 

Marxaladdan oo ku billaabatay xasillooni siyaasadeed iyo wada-shaqayn u dhexaysa laba heer dowladeed, waxaa markii dambe hareeyay khilaaf ku saabsan hannaanka wax ka badelka Dastuurka, nooca doorashada soo socata, iyo wadaagga mashaariicda.

 

Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, iyo maamulka SSC-Khaatumo oo dhowaan ku soo biiray waxay xoogga saarayaan qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah, halka Puntland iyo Jubbaland ay sheegeen inay diidanyihiin hannaankii loo maray wax ka badelka 4 cutub oo kamid ah dastuurka, sidoo kale ay dalbanayaan in si dhab ah looga wada-hadlo tabashooyin ay sheegeen inay si gaar ah u qabaan.

 

Qodobada aan weli xalka loo helin

 

Qodobada weli aan xalka loo helin waxaa kamid ah

 

1) dhammaystirka dastuurka

 

2) mideynta hannaanka Maaliyadeed ee dalka

 

3) isku dhafka ciidamada

 

4) awoodaha dowladda iyo dowlad goboleedyada.

 

5) Maqaamka caasimadda.

Iyo Qodobo kale, kuwaas oo ah layli weli horyaalla madaxda Soomaalida.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this