Sign in to follow this  
Xudeedi

Faroole i warn you: Poem by Mohamuud Shiino (audio)

Recommended Posts

Xudeedi   

Gabay: Faroolow waxaan kaaga digi – Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine)

 

Aniga oo ah Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine) waxan idiin soo gudbinayaa gabay aan u dirayo Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Faroole. Gabaygan waxan tiriyey ka dib dagaallada ka aloosmay Puntland, kuwaasoo la qaboojiyey oo odayaasha degaanku u guntadeen, laga soo yaabo inay dib u qarxaan. Waxa xusid mudan in Dawladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya hub iyo saanad u soo dirtay maammulka Garoowe. Waxan uga digayaa madaxweyne Faroole shirqoolka lala doonayo in Puntland lagu dumiyo. Gabaygiina sidan buu ku bilaabmayaa: Akhris/dhegesi wanaagsan.

 

 

Faroolow waxaan kaaga digi dabin colaadeede

Dayaca koonfureed buu Shariif soo dawinayaaye

Daabbaddaa la soo raray Hartaa lagu dubaaqayne

Dulmigiyo inkaarada ka carar nabaddu waa doore

 

 

Duullaan Galgala lagu baxshiyo damaca hoos yaalla

Duhur weerarkaa shalay Caddaa loogu daw galaye

Dambas lama dugsado iyo walaal dooxatada jaane

Duufaankii Xamar baaba’shay kugu dagaayaane

 

 

Dambiishiyo dhitada kuu dedane darinta kuu yaalla

Doobigaaga buuxaa nin kale daadi leeyahaye

Dalkeennaa barwaaqada ahee beeshu wada daaqdo

Dambaaburiyo olol lagu shidaa loo dan leeyahaye

 

 

Puntland duruufaha jiriyo xaalkan degi waayey

Doorroone oday iyo waxgarad laysku wada duubay

Isin daadahshoo nabadda jira kuma dedaaleene

Dulqaadka iyo gobannimadu waa dhaxal da’weynaaye

 

 

Atam iyo dariiqada Galgala maaha deyn qolo’e

Alshabaabna duub uma xidhine daacaddii qire’e

Degaankiisii buu doonayaa inuu difaacdaaye

Haddaan lays dafirihayn cid kale dooxya muu geline

 

 

Afartaasi waa dood oon furay deelka maansada dheh

Dawan nabad ku baaqiyo wanaag deeqsi hadalkii dheh

Dawaaraha israaciyo murtida dadab dhiggeedii dheh

Afarkalena daabaan gobeed dacawigeedii dheh

 

 

Dadku waa dad nabadeed haddaan laysku dirahayne

Dalku waa dal nabadeed Buntlaan oo is daasade’e

Waa tol isu daacada hadday dani timaaddaaye

Hoggaankii laguu doortaybaan xil u dedaadalayne

 

 

Dawlad inaad hagtaa bay ahayd dalal heshiisaane

Dummaddaada Soomaalinnimo wada dabiibtaaye

Danyartii kolkaad didisey iyo maato kula deyra

Damacaaga laga yaab haddaan lasku diganayne

 

 

Dalku waa dal khayraadka yaal deeqo aadmiga’e

Darkase lama wadaagine bahdaa baa duxdii cunaye

Dulmi niman tirsanyoo wax badan samir ku daadduumay

Dibindaabyo inaad ugu dartaa ma aha dawgaayee

 

 

Nin damiirle lama soo shireen muusannow darane

Dadweynaha mindiyo uma direen la isku dooxaaye

Dabka iyo madaafiicda ba’an uguma diiqiine

Dafaar uguma baaqeen inay Dhahar duqeeyaane

 

 

Dabaabdaha iyo xoogganaad Laag u daabulaysid

Dooyada aad Eyl, Garacad iyo Gaalkacyo u doontay

Kalluun dabatadii kolay ku tahay daafta Bari joogay

Laascaanood ku daaddihi haddaad daacadda u jeeddid

 

 

W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine)

Email: mabdalle@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Dabaabdaha iyo xoogganaad Laag u daabulaysid

Dooyada aad Eyl, Garacad iyo Gaalkacyo u doontay

Kalluun dabatadii kolay ku tahay daafta Bari joogay

Laascaanood ku daaddihi haddaad daacadda u jeeddid

lol>> Hadal xikmad leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Nin damiirle lama soo shireen muusannow darane

Dadweynaha mindiyo uma direen la isku dooxaaye

Dabka iyo madaafiicda ba’an uguma diiqiine

Dafaar uguma baaqeen inay Dhahar duqeeyaane

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Laascaanood ku daaddihi haddaad daacadda u jeeddid

 

Faroole haa loo sheego Nin Kuu Digey Kuma Dilin, lakiin Faroole waa Fool waxba fahmimaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dayaca koonfureed buu Shariif soo dawinayaaye

Ma Alshabaab baa sharif noqday. This should read

 

Dayaca koonfureed buu shabaab soo dawinayaaye. Where is Attam in the poem the man who brought alshabaab to Galgala.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ ^

 

Atam iyo dariiqada Galgala maaha deyn qolo’e

Alshabaabna duub uma xidhine daacaddii qire’e

Degaankiisii buu doonayaa inuu difaacdaaye

Haddaan lays dafirihayn cid kale dooxya muu geline

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this