Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Ilhaan Omar ku dhawaaqday in ay markale u tartamayso kursigeeda Aqalka Wakiillada

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Ilhaan Omar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay markale u tartamayso kursigeeda Aqalka Wakiillada, taasoo meesha ka saaraysa saadaasha ahayd inay u hanqal taagayso kursiga Senate-ka ee bannaan doona sanadka 2026. “Xilli ay xuquuqdeenna weerar wajahayaan, waa lama huraan in aan si adag uga hortagno fowdada, musuq-maasuqa, iyo arxandarrada maamulka Trump,” ayey Ilhaan ku sheegtay wareysi ay siisay Idaacadda Minnesota Public Radio. “Innaga oo ku sugan Minnesota, waxaan ognahay in dadka abaabulan ay mar walba ka adkaan doonaan lacagta abaabulan. Ololaheena wuxuu diyaar u yahay in uu sii xoojiyo dadaalladii abaabul ee hore si aan u gaarno ka-qaybgal doorasho oo rikoor ah oo aan dib ugu soo celinno aqlabiyadda,” ayey raacisay. Doorashadii ugu dambeysay ee degmada 5-aad ayay si sahlan ugu guuleysatay, iyadoo 50 dhibcood kaga adkaatay weriye Republican ah oo asal ahaan kasoo jeeda Ciraaq, Dalia al-Aqidi. Ilhaan ayaa hore loogu tiri jiray dadka la hadal hayay inay beddeli karaan Sen. Tina Smith oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, taasoo bishii hore ku dhawaaqday inaysan markale u tartami doonin xilka Senate-ka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this