Sign in to follow this  
Juje

Xildhibaan Maxed Cusmaan Maye

Recommended Posts

Juje   

Xildhibaan Maxed Cusmaan Maye oo Baydhabo lagu toogtay

xildhibaanmaye.jpg

 

War goor dheweyto naga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xildhibaan Maxed Cusmaan Maye oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee ka soo jeeday beelaha Banaadiriga in rag bastoolado ku hubeysan ay caawo toogasho ku dileen marxuumka xili uu salaada cishaha ku soo tukaday y masaajid ku yaala dhabarka danbe ee xarunta shirkada Dahabshiil ay ku leedahay magaalada Baydhabo, iyadoo ragga dilka geystayna ay goobtaasi ka baxsadeen.

Marxuum Maxed Cusmaan ayaa ragga soo weeraray waxey la heleen saddex xabbadood, isagoo isla goobta ku geeriyooday, waxaana goobta ka qaaday meydkiisa rag.

Waxaa ka soo wareegatay wax ka yar 24 saacadood markii wareysi uu shalay siiyey warbaahinta uu ku sheegay in aysan xildhibaanadu haysan damaanad qaad dhinaca ammaanka ah, waxaana hadaladii uu shalay yiri xildhibaan Maye ka mid ahaa "ma jirto cid ammaankeeda damaanad qaadi karta waxaana nahay meyd socda"

Dilka Marxuum Maxed Cusmaan Maye ayaa ku soo beegmay xilli shir jaraaid oo u maanta ku qabtay magaalada Baydhabo xildhibaan Xassan Maxed Nuur (Shaatiguduud) uu sheegay in ammaanka magaalada Baydhabo uu yahay mid aad u sarreeye, ciddii ku tilmaanta Baydhabo magaalo aan ammaan aheynna in ay been sheegtay.

 

Xafiiska war qabadka Dayniile

 

 

Inna Lillahi Wa Ina Ileyhi Rajacuun...Allah uu Naxaristo ..amiin!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this