Sign in to follow this  
miles-militis

Waa Siday Tahay

Recommended Posts

Waa Siday Tahay - Abdirizak Durqun

 

Julius Neyrere, Madaxweynihii hore ee Tanzania issagoo dhogortiisu dhantahay oo loo xil-qabo ayuu xukunka iskaga degay. Dadka maamulka iyo madaxda Africa u fiirsadaa waxay yiraahdaan, Neyrere si fiican buu u qancay in Tanzania ka soo darayso maalinba maalinta ka dambaysa. Badanka waxaa la barbar dhigayaa madax African ah oo badan oo si nacasnimo ah iskaga tuun-tuunsaday xukunka, dadkooda iyo dalkoodana la haray. Kuwaa markii loo eego Neyrere wuxuu ku soo baxayaa nin Tanzania badbaadiyay oo garaad iyo xilkasnimo ku dhaqmay, markuu xukunka iska dhiibay.

 

Professor(ad) ii dhigi jirtay Horumarinta Africa, markay Neyrere ka hadashaba waa qiirootaa oo ku celcelisaa sida ninkaa African ka ahi uu dalkiisaa horumar ula jeclaa iyo sida xarigguu qabsadaba ula soo ruqay. "Neyrere" bay tiraahdaa, "madaxweyne kaliya ma ahayn ee wuxuu ahaa nin fakira iyo fiilasuuf". Inteenna African ahi inta isku baaqnay baan dhoolla-caddeynay. Waa iskaga xoodannay in meel fog oo dad cad-cadi ka buuxu laga faaniyo nin madow; waa dareen fiican. Aniguse waxaan hoosta iska lahaa, Allow Yaa Runeey Ku Sheega!

 

Mar bannanka loo soo baxay baan isla taagay Professor(addii), oo waxaan ku iri, "Haddusan Neyrere xukunka iskaga degin, maxaa kaloo u bannaanaa?" Xogaa bay inta suulka bishinta saartay tiri "ma cadda; malaha kolleey waa iska cam-camin karay ilaa ay qaraxdo ama uu dhinto. Taasina Jaxiimadii Soomaaliya oo kale ayey noqon lahayd." Markiiba inta is garatay bay tiri, " laakiin waa garanayaa meesha aad u socotid. Caqliga fiicani ma qaadan karo go'aankaas oo kale. Marka, inuu iska daayo xukunka sax bay ahayd." Waxaan isla garanay inuu caqli fiican lahaa, laakiin inuu Tanzania u danaynayey markuu dhiibay talada waa isa soo tari weyday.

 

Kuwo xusuus yar baa habeyn hore CNN(ta) ka lahaa Charles Taylor waan-waantii buu aqbalayoo Nigeria buu magan-gelyo u aadayaa, sidaana Liberia ayaa ku badbaadaysa. Mr. Taylor marka waa nin waddaniya illeen waa ninka xukunkiisa iskaga tagaye. Wax lala wareeraa meesha ma yaallaan. Taylor waa dilaa bahal ah, lakiin runtu waxay tahay, wuxuu hubsaday inuu dhammaadkii jidka yimid. Markuu jeebabka buuxsaday fursad badbaadana loo soo bandhigay, naftiisuu la cararay, sida Mingestu, Shah Bahlavi, Mbotu Sesse Seko Kuku, IWM. Midkoodna dalkiisa uma danayn ee naftooda ayay la carareen. Soomaaliyi been ma sheegin markay tiri "Meel leg lagu cunay, lafo laguma feento." Waxaa ka maqnaa oo kaliya inay intaas gartaan ka hor intaan dagaalku caassimadda soo gaarin, ama in la isdilo ayan gaarin, sida Neyrere(ba) yeelay.

 

 

Aabbihii nacasyadoo dhan waa Saddam Xuseen oo la yiri 12 sano ayaad haysataa ee si uun yeel. Wuxuu go'aansaday inuu 57 qasri dhisto, addunkana la caraatamo. Maxamed S. Barre, waa diiday shiikh iyo shariif, lakiin ******** buu maqlay. Is-giririxintu waa nacasnimo wayoo labaduba waa ogyihiin inay dalkoodi gabeen laakiin beer jileec bay uga barteen diblomaasiyadda adduunka.

 

Raca afaraad oo African ka ahi, waa cabdiqassim oo kale. Bal hadduu madaxweyne runa oo la aqoonsanyahay ahaan lahaa maxay kaa dhimi lahayd!? Cabdi Qassim waxaa mar gacantiisa soo galay kaar (card) bangi oo Soomaaliya la yiraahdo, laakiin mar-mar shaqeeya. Intuu xoqan karay waa xoqday, feen baana ku hartay buu isleeyahay. Qofkii la hadla dhegooluu iskaga dhigaa. Shalay wuxuu yiri, Rai'isul Wasaaraha iyo Guddomiyaha Barlamaankaba waan eryay, lakiin dawladaydu ma dhacayso! Wallaa? Malaha Booy iyo Boqor baad isku khaldaysaa. Waxaa hubaal ah in macallinkaagi kaa caqli badnaa, hal darajo. Waxaan ka baqayaa adigoo bangigii aad dhacday hor taagan in laguugu yimaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this