Sign in to follow this  
Deeq A.

Arrin Mareykanka ku qasbi karta inuu faro-gelin militari ku sameeyo Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Donald Trump uu sare u qaadayo weerarrada militari ee ka dhanka ah hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta Yemen, khubaro ayaa ka digaya in iskaashi sii xoogeysanaya uu ka dhex abuurmay Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaeda.

Bishii Juun 2024, hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa daaha ka qaaday wada-hadallo dhex maray Xuutiyiinta Yemen iyo dagaalyahannada Al-Shabaab ee Soomaaliya, taasoo muujineysa khatar sii kordheysa oo ku wajahan xasilloonida Geeska Afrika.

Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay bishii Febraayo 2025 ayaa xaqiijisay in wakiillo ka kala socda labada koox ay laba jeer ku kulmeen Soomaaliya bishii Luulyo iyo Sebteembar 2024, xilli uu cirka isku shareeray khilaafka Badda Cas.

Khubaradu waxay sheegayaan in Ansar Allah (Xuutiyiinta) ay oggolaadeen in ay Al-Shabaab ku taageeraan hub iyo khibrad farsamo, si ay ugu beddeshaan in Al-Shabaab xoojiso howlgallada burcad-badeedka iyo madax-furashada ee Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Soomaaliya.

Weerarada Mareykanka

Weerarro cirka ah oo dhawaan Mareykanku la beegsaday Xuutiyiinta ayaa sii xoojiyay walaaca laga qabo xiriirkooda sii xoogeysanaya ee Al-Shabaab.

Khubaro ka tirsan Machadka Carnegie Endowment ayaa ka digaya in iskaashigan uu Xuutiyiinta iyo xulafadooda, gaar ahaan Iran, u furo fursado istiraatiiji ah, oo ay ka mid yihiin:

  • Xoojinta iyo kala-duwanaanta silsiladaha sahayda
  • Helitaanka hub casri ah
  • Xoojinta taageerada gudaha
  • Kobcinta fursadaha istiraatiijiga ah

Khubaradu waxay sheegayaan in iskaashigan uu dib u qaabeyn karo ammaanka badda ee Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab al-Mandab, iyaga oo uga faa’iideysanaya xaaladda dagaal ee ka jirta gobolka.

Xiriirka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Falanqeeyayaal qaar ayaa aaminsan in iskaashigan uu Xuutiyiinta u oggolaan karo in ay sii xoojiyaan weerarrada ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga iyo kuwa militari ee maraya Badda Cas.

Omar Mahmood, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan hay’adda International Crisis Group, ayaa u sheegay The Africa Report in Yemen ay inta badan tahay suuq hub oo muhiim u ah Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in wada-shaqeyntan ay ujeedadeedu noqon karto in la abuuro xiriir ganacsi oo toos ah, taasoo sahleysa in noocyo cusub oo hub ah loo gudbiyo Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in ay adag tahay in iskaashi ballaaran oo istiraatiiji ah uu dhex maro labada koox, maadaama ay kala haystaan aragtiyo siyaasadeed iyo jihooyin juqraafiyeed oo aad u kala fog.

Falanqeeye amni, Liam Karr, ayaa tilmaamay in Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab aysan ahayn iskaashi dabiici ah, maadaama ay si weyn uga duwan yihiin dhinaca caqiidada iyo yoolalka militari. Sidaas darteed, wuxuu sheegay in xiriirkoodu inta badan ku kooban yahay shabakadaha ganacsiga hubka ee gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, Karr wuxuu xusay in labada koox ay xiriir la leeyihiin xulafada Iran ee loo yaqaan “Tiirka Iska Caabbinta” (Axis of Resistance) iyo shabakadaha Al-Qaeda, taasoo u suurtagelin karta in ay iskaashi ku sameeyaan dano gaar ah oo ka dhan ah Mareykanka.

Inkasta oo ay jiraan kala duwanaansho caqiido iyo juqraafi, khubaradu waxay isku raaceen in nacaybka ay u qabaan Mareykanka iyo Israel uu mideeyo Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab.

Falanqeeye Sakhri Mohamed ayaa qoray: “Si loo fahmo xiriirka ka dhexeeya Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta, waa muhiim in la eego xiriirka guud ee u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo Al-Qaeda, iyo doorka Iran ee hagaajinta wada-shaqeyntooda.”

Mohamed wuxuu xusay in laanta Al-Qaeda ee Yemen, oo loo yaqaan Al-Qaacidada Gacanka Carbeed (AQAP), ay noqotay laanta ugu awoodda badan ee gobolka, taasoo sare u qaadaysa xiisaha iskaashi ku dhisan dano wadaag ah halkii ay ka ahaan lahayd xiriir caqiido ku saleysan.

Wuxuu soo jeediyay labo aragti oo la xiriira doorka Iran:

  1. In Iran ay si toos ah u daneyneyso una xoojineyso xiriirka Al-Shabaab.
  2. In Iran ay si dadban u fududeyneyso wada-shaqeynta Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab.

Xiriirka Iran

Karr wuxuu xusay in Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab ay si dadban isugu xiran yihiin iyada oo loo marayo shabakadaha ka ganacsada hubka ee gobolka.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Al-Shabaab ay horay u haysatay hub yar-yar oo Iran ay u waday Xuutiyiinta, iyadoo sidoo kale la wadaagta xiriir laamaha hubka ee Gacanka Cadmeed.

Warbixin ay diyaarisay hay’adda Global Initiative Against Transnational Organised Crime (GITOC) ayaa xaqiijisay in hubka Al-Shabaab qaarkood ay toos uga yimaadeen maraakiib Iran ay u waday Xuutiyiinta Yemen.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay tilmaamtay in tani ay u badan tahay ganacsi faa’iido lagu raadinayo halkii ay ka ahaan lahayd taageero istiraatiiji ah oo toos ah oo ka imaaneysa Iran ama Xuutiyiinta.

Xogaha sirdoonka ayaa tilmaamaya in Iran ay si dhaqaale iyo militari ah u taageerto Al-Shabaab, iyada oo u maraysa yoolal ay wadaagaan oo ka dhan ah reer Galbeedka. Tehran ayaa la sheegay in ay kooxda siisay walxaha qaraxyada (IEDs), moortarka iyo kiimikooyin loo adeegsado samaynta waxyaabaha qarxa.

Mareykanka ma ka falcelin doonaa?

Iskaashiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta wuxuu sare u qaadayaa walaaca la xiriira:

  • Kororka burcad-badeednimada
  • Khataraha ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga iyo kuwa militari
  • Halista ka soo fool leh marinnada muhiimka ah sida Gacanka Cadmeed iyo Bab al-Mandab

Sidoo kale, helitaanka hub casri ah iyo taageero farsamo oo Al-Shabaab ka helayso Xuutiyiinta, iyada oo ay gacan ka geysaneyso Iran, waxay si weyn u xoojinaysaa awoodda hawlgal ee kooxda.

Dhammaan halistan isku darsamay—argagixisada, burcad-badeednimada, iyo dagaalka ay taageerto Iran—waxay Mareykanka cadaadis ku saareysaa inuu qaado tallaabo degdeg ah oo militari oo u uku fara-gelinayo Soomaaliya, iyo ka hortag ah si loo xasiliyo gobolka loona sugo amniga badda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this