Sign in to follow this  
Deeq A.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay dhaq-dhaqaaqa Fahad iyo Kheyre ee Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   
9ad1c338-dda4-4ea7-bdd9-af10a01107d0.jpe

Nairobi (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi ahayn iyo hadalheyn xooggan ayaa ka dhalatay dhaqdhaqaaq ay haatan magaalada Nairobi ka bilaabeen ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre iyo taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin oo shalay kulmay.

Labada mas’uul ayaa xalay afurkii is arkay, waxaana wehlinayay Xildhibaan Aadan Qoryooley oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, sida uu muujinayo sawir lagu baahiyay baraha bulshada.

Khayre ayaa horey u joogay magaalada Nairobi, halka Fahad Yaasiin uu Isniintii tegay, isagoo qorsheynaya inuu halkaas ku soo bandhigo buug uu dhowaan qoray.

Fahad Yaasiin, Xasan Cali Khayre, iyo Xildhibaan Aadan Qoryooley ayaa kulankan kaga wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo marxaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo dagaalka kooxaha argagixisada.

Fahad iyo Khayre ayaa muddo saddex sano ah wada shaqeynayay xilligii Farmaajo, iyadoo ugu dambeyn xilka laga tuuray kadib markii uu isku dhacay Farmaajo iyo Khayre.

Kulankooda ayaa kusoo aaday, iyada oo haatan xaalad siyaasadeed oo cakiran ay ka taagan tahay dalka, taas oo ka dhalatay is qabqabsiga hareeyay doorashooyinka oo ay weli isku hayaan dowladda federaalka, qaar kamid ah maamullada iyo mucaaradka.

Haddaba sidee looga falceliyay dhaqdhaqaaqa Fahad iyo Khayre ee Nairobi?

Cabdiweli Nuur: “Miisaanka culus baa wada kulmay, rag fahan weyn ka heysto dhan walba”.

Saadaam Cabdi: “Waa miisan culus oo 2026 Somalia wax ka goyn kara Fahad baa raba inuu helo miraha iyo maanka khayre, Khayrane waxuu rabaa taagerada iyo dhisida Fahad”

Cali Zaki oo kamid ah dadka ka falceliyay kulankaan ayaa yiri “Waa garabkii ugu waynay siyaasada Soomaaliya.”

Axmed Faratooyo: “Xaalada dalka kamaysan shirine waxay ka shireen sidii xaglada bandhiga buugga ay u qabsoomi lahayd”.

Cabdiqani Cadaysey: “Khayre iyo Fahad odayaal soo wada shaqeeyey, hadana shaqo diyaar u ah hore usocda.”

Maxamed Yuusuf: “Fahad Yaasiin markale Xasan Cali Khayre ma aaminayee maxaa kaloo haysaan?”.

The post Fal-celin xooggan oo ka dhalatay dhaq-dhaqaaqa Fahad iyo Kheyre ee Nairobi appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this