Sign in to follow this  
Jumatatu

Marwada Madaxweynaha

Recommended Posts

Jumatatu   

Marwada Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliyeed oo maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka Magaalada Jowhar

 

xawa2.jpg

 

Khamiis, October 13, 2005(HOL): Marwada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Marwo Xaawo Cabdi Samatar ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jowhar, iyadoo soo dhaweyntaasna ay ka qeybgaleen Madaxwyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka.

 

Marwo Xaawo ayaa madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku wehlineysay socdaalkii uu dhawaan ku tegay Dalka Mareykanka, waxayna kadib ku soo hakatay magaalada Nairobi oo la sheegayo in ay haatan xubno ka tirsan qoyska madaxweynaha Soomaaliya ku nool yihiin.

 

Sida uu noo soo sheegay Wariye jooga magaalada Jowhar oo aan wararkiisa ku kalsoonnahay marwada Madaxweynaha waxaa la socday Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed iyo weliba Wariyayaal Ajnabi ah oo dabcan Jowhar maanta u tegay in ay berri iyo habeen dambe ka qeybgalaan xuska xafladdii caleemo saarka madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo muddo sanad ah ay ka soo wareegatay.

 

Xuska xafladda caleemo saarka madaxweynaha oo berri ku beegan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo magaalada Jowhar ay ka wada maqan yihiin Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo ku kala sugan magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi ee dalalka Itoobiya iyo Kenya

Xaawo.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this