Sign in to follow this  
Juje

President Sharif we are open to constructive criticism

Recommended Posts

Juje   

Madaxweynaha Soomaaliya oo qadka taleefoonka uga qeybgalay Shirweynaha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee ka socda Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya

 

madax1.jpg

 

Khamiis, December 10, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa qadka taleefoonka uga qeybgalay shirweyne ay xubno ka socda bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo tiradooda gaareyso 180 xubnood, kuwaasi oo shir uu uga Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn u mahadceliyay qabanqaabiyayaasha shirka iyo ka qeybgalayaasha, wuxuuna kaddib ka hadlay dhibaatooyinka dalka Soomaaliya ka jira ee isugu jira amni darrada iyo bani’aadannimada.

Qaraxii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho ee ay dadka badan ku dhinteen ayuu madaxweynaha ka hadlay, wuxuuna sheegay in qaraxaas uu ahaa mid dhibaato weyn geystay, wuxuuna xusay in ay ku dhinteen dad badan oo qiimo weyn ugu fadhiyay bulshada Soomaaliyeed, sidoo kalena wuxuu xusay qarax bartamihii sanadkan ka dhacay Magaalada Beledweyne, kaasi oo ay isna ku dhinteen dad badan oo isugu jira siyaasiyiin, nabaddoonno, ganacsato, saraakiil ciidan iyo dad rayid ah.

Ergooyinka shirka ka qeybgelaya ayuu ugu baaqay in ay ka fekeraan dhibaatada mugga leh ee Soomaaliya ka taagan, “Maanta waxaa laga yaabaa in cadawga ku talagay in aysan dowlad jirin oo uu dalka dowlad la’aan ahaado marka in dowlad jirto waa fursad muhiim ah oo dadka iyo dalka Soomaaliyeed muhiim u ah”ayuu yiri Madaxweyne Shiikh Shariif.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ay yihiin kuwo ku shaqeynaya fikrado dibadda ka yimid, “Si aan Kooxahaas uga guuleysanno waxaa waajib nagu ah dhamaanteen in aan ka qeybqaadanno badbaadinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed”ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha.

Wuxuu sheegay madaxweynaha in ay dhaliilo lahaan karaan Dowlad ahaan, wuxuuna caddeeyay in aysan ka soo horjeedin in la dhaliilo balse waxaa uu codsaday in ay dhaliishaas noqoto mid wax dhiseysa, “Waxaa caado noo noqotay in aan wax dhaliilno oo aan wax duminno, weli ma baran in aan wax dhaliilno oo aan wax dhisno” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

“Dowladda waxay diyaar u tahay wax walba oo garab istaag ah, wax walba oo toosin ah, dhaliilo ayaa jira waan ogolnahay, laakin sida wax loo saxayo waa in ay noqoto mid sax ah oo wax dhiseysa”ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in xaaladda dalka Soomaaliya uu haatan ku sugan yahay ay tahay mid culus wax ka qabasho dhab ah u baahan.

“Arrinta waa ka culus tahay sida loo maleynayo, dad shisheeye ah ayaa dalka ku sugan, kuwaasi oo raba in aaney dowlad ka dhalan Soomaaliya, nabadna aysan ka dhalan, waxaa lala dirirsan yahayna waa dowladnimada, astaamihii qarannimada ayaa lala dagaallayaa marka arrintaas waxay tahay mid na hortaalla oo loo baahan yahay in aan wax ka qabanno”ayuu yiri Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shirka u socda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed u rajeeyay in uu noqdo shir gacan ka geysta xal u helidda mushkiladda maanta ka jirta dalka Soomaaliya.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mombasa, Kenya

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this