Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ukraine's Ship and the New Shocking Development

Recommended Posts

Xarar-Dheere/Nairobi/Bahrain, October 1, 2008 (Haatuf/W. Wararka) – Waxa isa soo taraya xiisado iyo fadeexado saamayn ku yeeshay gobolka iyo Caalamkaba, kuwaas oo ka dhashay arrinta Markabka Ukraine ee dabley Soomaali ahi khamiistii dhawayd ka soo afduubtay badda u dhaxaysa Somalia iyo Kenya.

 

Hadaba markabkan la afduubay oo siday shixnad hub ah ayaa waxa uu wali muran ka taagan yahay cida rasmiga ah ee hubkaasi loo waday.

 

Markii uu soo shaac baxay warka ku saabsan afduubka markabkani jimcihii dhawayd ayaa dawlada Kenya waxay sheegtay in iyadu ay lahayd saanada Milatari ee markabka saarnayd taas oo isugu jirtay soddomeeyo Taangi, Qoryaha lidka Duyuuradaha, lidka Taangiga iyo rasaastoodii, haseyeeshee waxa ka dib sheegashadaas Kenya ayaa waxa soo baxay warar kale oo sheegay in hubkaasi uu dalka Kenya u sii dhaafayey dhinaca maamul hoosaadka xukuumada Koonfurta Sudan.

 

Inkasta oo Xukuumada Koonfurta Sudan ay beenisay in hubkaasi iyada u socday, haddana waxa la sheegay in sannadkan horaantiisii shixnad weyn oo hub ah Kenya loo sii mariyey Xukuumada Koonfurta Sudan iyadoo hubkaasi laga soo dajiyey dekada Mombasa dabeetana Tareen la saaray ilaa magaalada Eldoret , ka dibna dhulka la mariyey ilaa Koonfurta Sudan.

 

Sida la ogsoon yahay Xukuumada Koonfurta Sudan waxay u diyaar garoobaysa sidii ay sanadka soo socda doorashooyin uga hirgelin lahayd dhulkeeda, taas oo ay dadku ku kala dooran doonaan inay ka mid ahaanayaan dalweynaha Sudan iyo inay gooni isu taagayaan oo ay noqonayaan dal madaxbanaan.

 

Dhinaca kale dawladaha ciidamada ku hareeraysan markabka afduubka loo haysto ayaa fariin ay u direen mdaxweynaha Mbagathi Cabadilaahi Yuusuf iyo Xaakinka Puntland Cadde Muuse ayaa waxay labada nin ku canaanteen sida aanay isuguba hawlin wax ka qabashada afduubka markabkaa.

 

Sida la sheegay fariintani oo Cabdilaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse loo mariyey xafiiska QM ee Somalia, taas oo xambaarsanayd erayo kulul oo loogu digayo laguna dareensiinayo labadaasi nin in lala socdo xidhiidhka ay la leeyihiin budhcad badeeda ka qawlaysata xeebta Somalia.

 

Fariintan oo la sheegay in loo mariyey Xafiis ay leedahay QM, waxaa la sheegay in ay nuxur ahaan walaac weyn ku keentay Cadde Muuse.

 

Sida ay illo xogogaal ahi Haatuf u sheegeen Cadde Muuse waxa uu maalintii Axadii dhawayd la xidhiidhay niman ay isku beel yihiin oo ka tirsan budhcad badeeda markabka haysata iyada oo uu ka codsaday inay saaxiibadooda kale ku qanciyaan sidii markabka shuruud la’aan loogu siidayn lahaa.

 

Haddaba arrintan ayaa waxay keentay in budhcad badeedii markabka haysatay ay u kala jabaan laba qabiil oo kala ah ********** iyo Habar-gidir oo midna ku talinayo inay is dhiibaan ka kalana ku adkaysanayo inay markabka sii haystaan ilaa la siinayo lacag madax furasho ah oo gaadhaysa labaatan Milyan oo Doollar.

 

Haddaba isla maalintii Isniintii dhawayd ayaa waxaa isku dhacay labadii kooxood ee budhcad badeeda kuwaas oo la sheegay inay saddex nin iska dileen.

 

Dhinaca kale ciidamada Maraykanka ee ku hareeraysan markabka Ukraine ayaa waxay sheegeen in dabley hubaysan oo cusub ay ku soo biireen budhcad badeedii hore ee markabka saarnayd.

 

Sarkaal sare oo u hadlay Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in budhcad badeeda u ogolaadeen inay raashin iyo xoolo ay qashaan-ba xeebta looga keeno xeebta, balse loo ogolayn in ay habayaraatee markabka wax kala dagaan.

 

Dhinaca kale wargeys ka soo baxa dalka Kenya oo la yidhaa Business Daily ayaa faalo uu shalay daabacay waxa uu ku sheegay inay lagama maarmaan tahay in marka hore la Ictiraafo Somaliland si ay u suurto gasho in wax looga qabto budhcad badeeda ka dilaacday badda Somalia.

 

Wargeysku waxa uu canaan u soo jeediyey shirkadaha maraakiibta ee lacagta madax furashada ah ka bixiya soo daynta maraakiibtooda la qafaasho taas oo uu wargeysku ku tilmaamay inay budhcad badeeda ku dhiirigaliso inay sii wadaan afduubka maraakiibta ee meherada ay ka dhigteen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhinaca kale wargeys ka soo baxa dalka Kenya oo la yidhaa Business Daily ayaa faalo uu shalay daabacay waxa uu ku sheegay inay lagama maarmaan tahay in marka hore la Ictiraafo Somaliland si ay u suurto gasho in wax looga qabto budhcad badeeda ka dilaacday badda Somalia.

looooooooooooooooooooooooooooooooool icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadaba markabkan la afduubay oo siday shixnad hub ah ayaa waxa uu wali muran ka taagan yahay cida rasmiga ah ee hubkaasi loo waday.

 

Markii uu soo shaac baxay warka ku saabsan afduubka markabkani jimcihii dhawayd ayaa dawlada Kenya waxay sheegtay in iyadu ay lahayd saanada Milatari ee markabka saarnayd taas oo isugu jirtay soddomeeyo Taangi, Qoryaha lidka Duyuuradaha, lidka Taangiga iyo rasaastoodii, haseyeeshee waxa ka dib sheegashadaas Kenya ayaa waxa soo baxay warar kale oo sheegay in hubkaasi uu dalka Kenya u sii dhaafayey dhinaca maamul hoosaadka xukuumada Koonfurta Sudan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this