Sign in to follow this  
Gabbal

Ethiopians have been coming in so much, only special occasions warrant coverage!

Recommended Posts

Gabbal   

Ciidamo Ethiiopian ah oo wata xaasas iyo caruurtooda oo u soo ruuqaansaday Baydhabo

 

 

Mogadishu - 17-November -2006-Allceeldheer.com Ciidamo Ethiopian ah oo aad u hubeysan ayaa soo dhoobtay meel aan ka fogeyn magaalada Buur-hakaba, iyadoo ay suurto gal tahay in dagaal uu ku dhex maro halkaasi iyaga iyo maxkamadaha islaamka, waxaana dhinaca kale degmada Luuq ka soo gudbay ciidamo Ethiopian ah oo wata xaasaskooda oo ku soo wajahan magaalada Baydhabo.

 

Sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan magaalada Baydhabo ciidamo Ethiopian ah oo lixaad leh ayaa u soo ruuqaansaday dhinaca magaalada Buur-hakaba, iyadoo dhaq dhaqaaq ciidan laga dareemayo duleedka magaaladaasi.

 

Sidoo kale wararka laga helayo degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo Ethiiopian ah oo wata lix baabuurta waaweyn ee Uralka ah ay ka soo gudbeen degmadaasi, kuwaasi oo u soo gudbay dhinaca magaalada baydhabo oo fariisin u ah dowladda KMG ah ee Somalia.

 

Ciidamadaan Ethiopian ka ah ayaa qaarkood waxa ay wataan xaasas iyo caruur, iyadoo ay tahay arimo ay si weyn ula yaabeen dadka indhahooda ku soo arkay oo la soo xiriirey warbaahinta.

 

Si kastaba ha ahaatee ciidamadaan Ethiiopianka ah ee lagu soo daadgureynayo gobolka Baay ayaa waxaa si weyn uga soo horjeeda maxkamadaha islaamka oo iclaamiyay jihaad ka dhan ah, waloow aanu jirin wax talaabo ah oo ay qaadeen maxkamadaha islaamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Ciidamo Ethiopian ah oo u soo gudbay dhinaca Baydhabo

 

 

Mogadishu 17, Nov.06 ( Sh.M.Network) – Ciidamo Ethioipian ah oo geedi ah oo wata xaasaskooda iyo caruurtooda ayaa shalay ka soo gudbay degmada Luuq ee gobolka Gedo, kuwaasi oo ku soo jeeda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

 

Ciidamadaan oo wata ilaa 6 gawaari oo kuwa dagaalka oo loo yaqaano Uralada ayaa waxaa saaran xaasas iyo caruur da'doodu ay yartahay, iyagoo soo maray dhinaca Doolow, kana soo gudbay magaalada Luuq.

 

Ciidamadaan Ethiopianka ah ayaa baabuurta ay wataan waxa ay jiidayaan madaafiic sida uu shabelle u sheegay Cabdi Nuur Cali Xaashi oo ka mid ahaa dadka deegaanka Luuq.

 

Cabdi Nuur ayaa waxa uu intaasi ku daray in ciidamada Ethiiopia ee u soo gudbay dhinaca Baydhabo ay yihiin kuwo aan kala go' laheyn oo markasta u soo gudbaya.

 

Waana markii ugu horeysay oo ciidamada Ethiopoia oo wata xaasaskooda iyo caruurtooda ay soo galaan gudaha Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Re: Ethiopians have been coming in so much, only special occasions warrant coverage!

And what is the special occasion exactly?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this