Sign in to follow this  
Maaddeey

Cabsi dagaal oo laga dareemayo Dhuusomareeb

Recommended Posts

Maaddeey   

Xiisado colaadeed ayaa saaka laga soo sheegayaa magaalada Dh/mareeb xarunta gobalka G/gaduud oo ay maalmihii la soo dhaafay ku soo dhawaanayeen cutubyo ka tirsan ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee G/gaduud ka dagaalama. Weriye Xasan Kaafi Xalane oo ku sugan magaalada Guriceel ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyey in Boqolaal qoys ay saaka ka baxsanayaan magaalada Dh/mareeb ka dib markii ay soo bexeen warar sheegaya in magaalada weerar lagu soo yahay.

 

 

Gaadiidka xamuulka iyo gaari dameero ayaa saaka bilaabay in ay shacabka rayidka ah ka daabulaan magaalada, waxaana sidoo kale saaka albaabada loo laabay Iskuuladii waxbarashada magaalada ka jiray iyo goobaha ganacsiga waxaana lawada sugayaa isbedel dhaqso ah oo magaalada ka dhaca.

 

 

Xariiro kala gedisan oo ay SomaliMeMo lasamaysay taliska Milateriga Al Shabaab ee Gobalka G/gaduud ayay noo suura geli weysay in aan wax ka ogaano xiisadaha saaka ka taagan magaalada Dh/mareeb oo ah meesha kaliya oo ay weli ku xooganyihiin maleeshiyaadka Qabuura galeenka ah.

 

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan beelaha G/gaduud oo dhawaan ka gadooday falalka ay wadaan qabuuriyiintu ay ka soo kicitimeen deegaanka Gadoon islamarkaana ay soo dul degeen Dhuusamareeb.

 

 

Lama oga in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay weerari doonaan magaalada Dh/mareeb xilli colaad xoogan maalmihii la soo dhaafay laga dareemayey magaalada Gurcieel oo ay Shabaabul Mujaahidiin dul degeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Dhuusamareeb oo kacsan

By Somalimirror on 1 May, 2010 9:29 AM in Main, Wararka

 

Xaalad Kacsanaan ah ayaa Xalay illaa saaka laga dareemayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobollka Gal-gaduud, ka dib markii ay Dadka Deegaanku Cabsi ka muujiyeen Dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda inta u dhaxeysa Ceel-buur iyo Dhuusamareeb.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in Dadka Deegaanka ay Xalay 12:00 Saq dhexe Bilaabeen inay isaga Barakacaan Degmada Dhuusamareeb, waxayna u badanyihiin Dadkaasi Dumar iyo Caruur.

 

Saaka ayaa la arkayay Dad isaga Barakacaya Guryahooda, waxaana Magaalada ku soo haray Dad yar oo u badan Rag.

 

Wariye ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inay Kooxda Sheegata Ahlu Sunah ay soo galiyeen Magaalada Ciidamo cusub oo ka badan kuwii horey u sii joogay.

 

Dagaal dhex mara Islaamiyiinta iyo Kooxda Sheegata Ahlu Sunah ayaa laga cabsi qabaa inuu ka dhaco Maalmaha inagu soo aadan Degmooyinka ay Gacanta ku hayaan Kooxdaasi.

 

Ma jiro Wax ciidan ah oo hadda isku horfadhiya Degmada Dhuusamareeb, laakiin wararka la helayo ayaa sheegayaa inay Dhaq-dhaqaaqyo xoogani ka socdaan inta u dhaxeysa Ceel-buur iyo Dhuusamereeb.

 

Ciidamo ka wada tirsan Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin iyo Al-Xisbul Islaami ayaa Maalimihii la soo dhaafay ku sii qul-qulayay Goobaha ay ku xooganyihiin Kooxda Sheegata Ahlu Sunah wal-jamaaca, waxaana la filayaa inuu dhex maro Dagaal culus oo labada dhinac ay isugu Itaal sheegtaan.

 

Kooxda Sheegata Ahlu Sunah waxaa Taageero Maaliyadeed, Hub, iyo Mid siyaasadeedba siiya Dowlada Itoobiya oo iyadu Faragalinta ugu badan Soomaaliya ku haysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this