Sign in to follow this  
Xaq

saciid dheere replaced

Recommended Posts

Xaq   

Taliyihii ciidamada Military-ga dowladda KMG oo xilkiisii laga wareejiay iyo taliye kale oo la magacabay.

 

 

shabelle Posted: 5/14/2009 9:09:00 PM

Shabelle: MUQDISHO

Taliyihii ciidamada Military-ga dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta waxaa laga wareejiyay xilkiisa iyadoo sidoo kale la magacabay taliye cusub.

 

 

 

kadib kulan ay maanta Xafiiska ra’iisul wasaaraha ku yeesheen wasiirada dowladda KMG Soomaaliya ayaa kulankaasi kadib wasiirka warfaafinta dowladda KMG Soomaaliya Farxaan Cali Max’uud oo saxaafadda shir jaraa’id ugu qabtay hoyga Ra’iisul wasaaraha ee magaalad Muqdisho waxaa uu ku sheegay in xilkii ay ka qaadeen taliyihii ciidanka xooga dalka general Sacdiid Max’ed Xirsi (Saciid Dheere).

 

 

 

Wasiirku waxaa uu sheegay in xilkaasi loo dhiibay oo ay u magacaabeen talaye ku xigeenka ciidanka Booliska dowladda KMG Soomaaliya Yuusuf Cusmaan Dhumaal,waxaana uu xusay in Saciid Dheere laga dhigay taliyaha dhanka Ammaanka ee madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekhg Axmed.

 

 

 

Wasiirka ayaa mar uu ka hadlayay Mucaaradka ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya waxaa uu sheegay in sheikh Xasan Daahir Aweys uu doonayo in uu afgambiyo dowladda uu madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

 

 

Dhinaca kale wasiirka warfaafinta dowladda KMG Soomaaliya waxaa uu warbixin ka bixiyay dagaalada maalmihii u dambeeyay ka dhacaya Magaalada Muqdisho iyo qasaaraha dadka rayidka ka soo gaaray.

 

 

 

Waxaa uu tilmaamay in dagaaladaasi ay ku dhinteen 103-qofood halka sidoo kale uu sheegay in ay ku dhaawacmeen 420-qofood oo rayid ah sida ay ka ******** xariir ay la samneeyeen isbitaalada magaalada Muqdisho,waxaana uu sidoo kale carabka ku dhiftay in dagaaladaasi ay ku barakaceen in ka badan 18-kun oo qof oo rayid ah kuwaasi oo u adgeysan waayay dagaalada gudaha Magaalada Muqdisho ku dhexmaraya Mucaaradka iyo dowladda KMG Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this