Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Intee lagu badbaadaa

Recommended Posts

5 ruux oo cudurka shuban biyoodka ugu geeriyootay Degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose

 

[Abriil 09, '07]

 

Ilaa 5 ruux ayaa Maanta ugu geeriyootey cudurka shuban biyoodka Gobolka Sh/Hoose.

 

5-ta ruux ee ugu geeriyootey cudurka shuban biyoodka 24-kii saac ee ugu danbeeyey isbitaalka degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose ayaa 4 ka mid ah waxa ay yihiin carruurta dadka ka soo barakacay dagaalada ka soconaya Magaalada Muqdisho halka ruuxa kalena uu yahay dadka deegaanka.

 

Howl wadeena Caafimaadka ee degmada Afgooye ayaa sheegay xiligaan inay jiraan dhibaatooyin aad u fara badan oo haysta dadka ku dhaqan degmada afgooye iyo deegaanada ku teedsan iyagoona sheegay inay jiraan dad aad u fara badan oo xiligaan la il daran ama la jiifa isbitaalka degmada Afgooye cudurka shubanka.

 

Inta badan dadkii ka qaxay dagaalada Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay dhibaatooyin isagu jira hooy la'aan cuduro nafaqo daro iyo waliba biyo la'aan ay ku haysataa goobo fara badan oo ka mid ah gobolka Sh/hoose gaar ahaan inta u dhaxaysa Afgooye iyo Magaalada Muqdisho oo tiro aad u badan oo dad ah ay kusuganyihiin xiligaan.

 

Mas'uuliyiinta deegaanadaasi ayaa waxa ay ka codsanayaan dadka Soomaaliyeed iyo waliba Hay'addaha samafalka inay taageero deg deg ah la soo gaaraan dadka dhibaataysan ee ka soo ka qaxay Magaalada Muqdisho kuwaasoo haatana ay ugu dar sameen cuduro uu ka mid yahay shuban biyoodka oo xiligaan fara ba'an ku haaya guud ahaan dalka Soomaaliya.

 

Waxaana haatan sidoo kale Jiifa isbitaalka degmada Afgooye in ka badan 40 ruux oo cudurka shuban biyoodka uu haleelay kuwaasoo intooda badan ka cararay dagaaladii Muqdisho ka dhacay.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dad yaxaas ku cunay Degmada Afgooye

 

Dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho oo Yaxaas ku cunay Wabiga Afgooye Ilaa iyo 3 Caruur ah ayaa la sheegay in maanta yaxaas uu ku qaaday wabiga Sh/hoose ee degmada Afgooye, iyadoo dadkaasi la sheegay in ay yihiin dadkii ka qaxay magaalada Muqdisho

 

Dadkaan oo u badan caruur ayaa la tilmaamay in ay ahaayeen kuwo aan garaneyn sida loogu dabaasho Wabiga, waxaana soconaya dagaalo lagu baadi goobayo halka yaxaaska uu ka qaatay.

 

Waxa uu sheegay in dharka ciyaalkaasi ay yaalaan banaanka hore ee wabiga, iyadoo halkaasi ay gaareen qoysaskii ay ka soo jeedeen Caruurta.

 

Wali lama oga in Caruurtaan uu yaxaas qaaday iyo in kale, laakiin waxaa la xaqiijiyay in ay ku maqan yihiin biyaha wabiga.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Walaahi dadkii dhibaataa haysata ,,,,, dagaal, qax, cudurro, daadad iyo roobab,

 

 

Ilaahay ha u sahlo masaakiinta iyo kuwa aan waxba geysan ee 16ka sannno lagu dul dagaalamayay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadkii Muqdisho ka barakacay ee Geedaha Hoostooda ku noolaa oo Roobkii Guga uu ka dul curtay

 

Axad, Abriil 15, 2007 (HOL): Dadkii ka qaxay magaalada Muqdisho ee u barakacay Daafadaha Magaalada Muqdisho, gaar ahaana Hareeraha Wadada isku xirta Xamar iyo Afgooye oo awalba ay heysatay xaalad nolol xumo ah ayaa hadana waxaa ugu sii darsamay Roobkii Guga oo ka dul curtay iyagoo aan heysan meel ay ka galaan.

 

Dadkani oo Geedo ku hoos nool ayaan heli karin meel ay ka galaan Roobka, waxaana dushooda ku hooray roobabkii xalay iyo habeen hore ka da'ay Magaalada Muqdisho iyo Nawaaxigeeda.

 

Qoysaskani oo roobka ka hor ay heysatay xaalad caafimaad darro kadib markii ay caruurtooda ku dhaceen xanuuno ay ka mid yihiin shuban biyoodka iyo xasaasiyad ay ka qaadeen geedaha ay ku hoos nool yihiin ayaa haatan waxaa la soo deristay xaalad kale oo culeyskeeda leh oo ah in uu roobkii dushooda ku hoorayo, waxayna qoysaska qaarkood sheegayaan in loo qaatay in ay dib ugu laabtaan guryahoodii oo ay Madaafiic darteed uga soo carareen.

 

Ugu Dambeyntiina Qoysaskani ayaa ka qaxay dagaalladii xoogganaa ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho kadib markii ay u dulqaadan waayeen madaafiic aan loo meel dayin oo ay isku ridayeen dhinacyadii dagaalka iskala soo horjeeday.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

2 ruux oo ku geeriyootay gaari ku qalibmay deg Afgooye (markii la weeraray ka bacdi)

 

Afgooye 13 Abriil, 07 (Shabeelle) Labo ruux ayaa ku geeriyootay qaar kalena dhaawaca ayaa ka soo gaaray, ka dib markii uu qalibmay gaari nuuca waaraadka loo yaqaan oo koox dabley ah ay rasaas ooda kaga qaadeen.

 

Gaarigaan oo ka tagay magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday magaalada Baydhabo ayaa koox dabley ah waxa ay ku tacshiirtay Godka Owxeeloow oo hal KM u jira Ctrl ka magaalada Afgooye., iyadoo tacshiiraddaasi oo qalqal galisay darawalkii waday gaariga ay sababtay in gaariga uu la rogmado.

 

Labada ruux ee ku geeriyootay shilkaasi ayaa waxa ay ahaayeen wiil yar iyo aabihii halka labo kale oo haweeneey ah ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo dhamaantood ahaa rakaabkii la socday gaariga sida uu ku soo waramay Wariye Xasan Mayow oo ka tirsan shabelle, gaarayna halkaasi.

 

Dadka dhaawacyada soo gaaray oo ay ku jiraan labo haween ah oo uu qabay ninka geeriyooday ayaa waxa ay ahaayeen qoysas ka barakacaya dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho, iyadoo haweenkaan ay wateen 5 caruur ah oo marka gaariga uu rogmaday ku dhex dhacay tiitiin, iyagoona xalay ka jiifan waayay.

 

Gudoomiye K/xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka degmada Afgooye Xasan Axmed Xasan iyo taliyaha ciidamada Militariga Cali Xabad oo dadkaasi geeyay xalay Isbitalka Degmada Afgooye.

 

Lama soo sheegin in gacanta lagu dhigay dableydii falkaasi geysatay oo aheyd sida la sheegay labo nin oo ku hubeysan qoryaha Ak47.

 

Dhowaan ayay aheyd markii gaari Hoomeey ah oo ay saaran yihiin dad safar ah kooxo dabley ah ay ku rasaaseeysay halkaasi, iyadoo ay ku dhaawacmeen ilaa 7 ruux.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaalada nolol xumo ayaa la soo deristay qoysaskii ka barakacay Magaalada Muqdisho
[/b]

 

Waxaa aad looga deyrinayaa Xaalada dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho oo ku dhowaad gaarayay boqolaal kun oo qoys.

 

Qoysaskii ku barakacay Magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in xaalad nolol xumo ay ku heyso inta u dhaxeysa Deegaanada Xaawa Cabdi iyo Afgooye.

 

Qoysaskaas oo u badan haween iyo caruur, ayaa ku jira xaalad aad u khalafsan, iyagoo hoy ka dhiganaya geedaha hoostooda.

 

Dadkan ka barakacay dagaalada Muqdisho ayaa ah dadkii ugu faraha badnaa ee ka qaxa Muqdisho 15-kii sano ee la soo dhaafay.

 

Xaalada ay ku jiraan dadkan ayaa ah kuwo heysata biyo la'aan, iyadoo fuustadii biyaha ee halkaas lakala siisanayo lacag aad u badan.

 

Qoysaska ugu faraha badan ee ka qaxay Magaalada Muqdisho ayaa saldhigat Deegaanada Ceelasha, Xaawa Cabdi, Jaamacada iyo Degmada Afgooye.

 

Dadkan ayaa waxaa la soo daristay cudurka shuban biyoodka, oo inta badan uu haleelay caruurtooda.

 

Dhibaatada ugu ba'an ee ay heysato ayaa waxaa ka mid ah biyo la'aan, waxaana maalinmadii shalay ay Hey'adaha sama falka ay gaarsiiyeen booyado biyo.

 

Hey'adda Qaramada Midoobey ugu qeybsan dhinaca qaxootiga ayaa daboolka ka qaaday in tiradii ugu badneyn ay ka qaxeen magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay sheegeen in ay la soo deristay xaalad Qatar ah oo nolol xumo.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afhayeen u hadlay hey'adda qaxootiga UNHCR oo lagu magacaabo Ron Redmond ayaa sheegay in maalinta sabtida ah bustayaal iyo bacaha laga dhigto hoyga la gaarsiin doono kumanaan ruux oo ka barakacay dagaalada Muqdisho kuwaasi oo ku sugan nawaaxiga Afgooye iyo iyo Marka.

 

"Kumanaan qoys oo ka soo barakacay dagaalada Muqdisho ayaa ilaa muddo labo usbuuc ah ku baryay nawaaxiga Afgooye iyagoo aan haysan cuno, biyo, iyo hoy toonna iyo weliba waxyaalaha kale ee aasaasiga u ah nolosha," ayuu yiri Mr. Redmond oo intaa raaciyay in xafiiskiisa ay hayaan gargaar dheeri ah oo deeqi kara ilaa 5,000 oo qoys.

 

28 Tan oo gargaar deg deg ah ayaa diyaaraddo ku dejiyeen koonfurta dalka Soomaaliya todobaadkii hore iyadoo gargaarkan laga soo daabulay keydka gargaarka degdega ah ee fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta.

 

Ron Redmond ayaa intaa raaciyay in ay jiraan warbixino sheegaya in boqolaal qoys ay ku qulqulayaan dhinaca Dhoobley oo xuduud la leh dalka Kenya, laakiin buu yiri ma awoodno inaan gaarno halkaasi sababo amaan darteed.

 

Deeqdan oo bilaabaneyso bixinteeda maalinta bari ah ayaa waxay ku soo beegantay xili dowladda Federaalka iyo Hey'addaha samafalka khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

g3.jpg

 

Weriyaal ka tirsan Idaacada Simba 95.00 Fm Muqdisho ayaa markii ugu horeeysay booqday dadkii ka barakacay Muqdisho oo daadsan kuna dandareeysay wadada dheer ee isku xirto Muqdisho iyo Afgooye

 

Wariyaasha waxaa ay la kulmeen hooyooyin xanuunsanayo iyo Caruurtii ay wateen oo aan heysan wax Caano ama biyo ah oo ay ku qabtaan,waxayna qaarkood la tiicayeen cudurka shuban biyoodka oo si wayn u saameeyay sababa la xiriira qoraxda oo aad u kulul iyo biyaha ay mararka qaar helaan oo ah kuwa Caafimaad ahaan liita.

 

Dadka barakacay ee ku dhibaateeysan inta u dhaxeeysa Muqdisho iyo Afgooye
waxaa hooy u ah geedaha oo laga kireeyay
, mana jiraan wax hay'ad Samafala oo la xiriiray ama gargaarsiiyay laakiin sida Soomaalida looga bartay waxaa jira dad fara ku tirisa oo u istaagay sidii ay gargaar ku gaarsiin lahaayeen dadkaas barakacay.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khilaaf ba’an ayaa soo kala dhex galay Hey’adaha Samafalka ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka.

 

Khilaafkani ayaa yimid kadib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere) laga diiday in Dowladda ay gacanteeda ku qeybiso Deeqaha ay Hey’adaha Samafalka ugu talagaleen Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka barakacay Magaalada Muqdisho.

 

Gacmadheere ayaa ku andacoonaya in Hey’adaha ay ku amreen in raashiinka inta aanan la qeybinin la baaro taasi oo uu sheegay in ay ka diideen Hey’adahaasi ayna sababtay in Wasaaraddiisu ay amar kubixiso in ogolaanshiyo aanan soo marin wasaaraddiisu aanu wax hawl ah laga fulin Karin Magaalada Muqdisho.

 

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay in ay qeybiyaan Raashin dhacay iyo wax qurmay iyagoo sidoo kale waxa ay qeybinayaanna kusheegay Gacmadheere in uu yahay wax aad u yar oo loo qeybinayo dad aad u fara badan.

 

Mr.Gacmadheere ayaa ugu dambeyntii sheegay in dhowaan ay soo bandhigi doonaan sababta dhabta ah ee
ay u diideen in Hey’adaha Samfalka ay raashiin kaga qeybiyaan Magaalada Muqdisho iyo goobaha loo barakacay
.

 

Iyadoo ay arrimahaasi isku heystaan Hey’adaha Samafalka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hadana waxaa taagan dhibaato xoogan oo ku aadan gaajo iyo macluul soo wajahday dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho ee kusugan Waddooyinka Magaalada looga boxo isla markaana aysan heysanin wax ay quutaan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadkii Ka barakacay magaalada Muqdisho oo loo diiday in ay galaan magaalada Baydhabo

 

Dadka maalmihii ugu danbeeyay ka barakacayay magaalada Muqdisho oo qaarkood isku dayay in ay galaan magaalada Baydhabo ayaa laga hor istaagay,sababo ay ku sheegeen ciidamada dowladda FS dhinaca Amaanka,sida ay inoo sheegeen ehelada dad halkaasi laga soo celshay.

 

Cabdoow Xuseen oo kamid ah ehalada dad u barakacay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in qoyskiisa loo diiday in ay galaan magaalada Baydhabo inta ay ka heliyaan cid damiinata isla markaana ka taqaana magaalada Baydhabo gudaheeda.

 

Ciidamada dowladda FS ayaa jidgooyooyin fara badan ka sameystay goobaha laga soo galo magaalada iyagoona su'aalo weydiinaya dadka soo galaya maalin waliba magaalada Baydhabo,iyagoo wax ka weydiiyay ula jeedka socodkooda iyo halkii ay kasoo tageen.

 

Mar aanu Cabdow wax ka weydiinay hadii dhamaan dadka loo diidayo magaalada ayuu sheegay in kaliya laga soo horjeedo dadka kasoo tagay magaalada Muqdisho,waxaana ay ciidamada dowladda ka cabsi qabaan howlgallo ka dhan ah danaha dowlada in ay ka dhacaan fariisimaha dowladda.

 

Dadka lasoo celiyay oo qoysas fara badan ka kooban ayaa kusoo laabtay qaarkood degmada Buur Hakaba halka kuwo kalena ay iska dageen daafaha magaalada Baydhabo,mana jirto cid halkaasi ku daryeesha sida ay xaqiijinayaan wararka nasoo gaaraya.

 

Dowrkii dowladda FS ee ku aadanaa daryeelka dadkeed ayaa meesha ka baxay iyadoo aysan muuqan talaabo ay masuuliyiinta dowladda wax uga qabanayaan dadka maatida ah ee hoos degan geedaha oo mararka qaar masasku ay cunaan,iyo kuwa kale ee daafooyinka magaalooyinka degan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this