Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Cirro oo kaga dhabeeyay balanqaadkii uu u qaaday ciidanka una kordhiyay mushaarkii

Recommended Posts

Deeq A.   

img_10_1737207346262.jpg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 22/01/2025 uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XERM/249-044 /012025 uu ku soo saarey Kordhinta Mushaharka Ciidamada kala duwan ee Somaliland.

Waxaana uu xeerku u dhignaa Sidan:-

๐—ซ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ ๐— ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜…๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฒ ๐—Ÿ๐—ฟ ๐Ÿฌ๐Ÿฎ/๐Ÿฌ๐Ÿญ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ.

๐—ž๐—ผ๐—ฟ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐— ๐˜‚๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—–๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—ฎ ๐—ฑ๐˜‚๐˜„๐—ฎ๐—ป ๐—ฒ๐—ฒ ๐—๐—ฎ๐—บ๐—ต๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ.

๐Œ๐š๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐š๐š๐ง ๐š๐ซ๐ค๐š๐ฒ: Qoddobka 90aad faqraddiisa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

๐Œ๐š๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐š๐š๐ง ๐š๐ซ๐ค๐š๐ฒ:Qodobka 123aad iyo Qodobka 124aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

๐Œ๐š๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐š๐š๐ง ๐š๐ซ๐ค๐š๐ฒ: Muhiimadda ay Ciidammada kala duwan ee Qaranku u leeyahay, Madax-bannaanida Qaranka, Difaaca, Ilaalinta iyo sugidda nabadgelyada gudaha, Badbaadinta iyo illaalinta nafta iyo hantida bulshada, Dhawridda Xorriyaadka aasaasiga ah iyo Fulinta ku dhaqanka Dastuurka iyo Shuruucda Jamhuuriyadda Somaliland;

๐Œ๐š๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐š๐š๐ง ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐ง๐œ๐š๐ฒ: Muhiimadda ay leedahay in Ciidammada Qaranku ay helaan mushahar joogto ah oo ku filnaan kara;

๐Œ๐š๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐š๐š๐ง ๐ ๐จโ€™๐š๐š๐ง๐ฌ๐š๐๐š๐ฒ: In aan fuliyo Ballan-qaadkaygii ahaa kordhinta Mushaharka joogtada ah ee Ciidammada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland;

๐–๐š๐ฑ๐š ๐š๐š๐ง ๐’๐จ๐จ-๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ

1. In aan kordhiyo Mushaharka joogtada ah ee Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, laga bilaabo sannadkan 2025-ka.

2. In sannad miisaaniyadeed kasta Ciidammada kala duwan ee Qaranka loo kordhiyo Mushaharka joogtada ah xaddi dhan (50%) muddo xileedka koowaad ee Xukuumadda, iyada oo laga duulayo Mushaharka joogtada ahaa sannad miisaaniyadeedkii 2024-ka.

3. In lagu sameeyo diiwaangelinta buโ€™da (IRIS Biometric Registration) dhammaan Ciidammada kala duwan ee Qaranka muddo soddon (30) maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa 01-02-2025.

4. In mushahar kordhinta Ciidammada kala duwan ee Qaranku ka bilaabanto marka la soo dhammeeyo diiwaangelinta iyo tiro koobka Ciidammada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland;

๐€๐ฅ๐ฅ๐š๐š ๐Œ๐š๐ก๐š๐ ๐‹๐ž๐ก
________________________________________
๐‚๐š๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ฑ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข (๐‚๐ข๐ซ๐ซ๐จ)
๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this