Sign in to follow this  
General Duke

Latest on rising tension..Government Vs Courts.

Recommended Posts

Maxakiimta oo gurmad u diray Buur

21 Oct 21, 2006, 18:04

 

 

Wararkii ugu danbeeyay ee xaaladda Buur Hakaba ayaa iminka mareysa meel xasaasi ah iyadoo maxkamaddaha Islaamiga ay abaabuleen maliishiyooyin fara badan iyo gaadiidka dagaalka, iyadoo gurmadkii ugu xooganaa ay gaareen deegaanka Qardho oo raaca koowaad ee maxkamaddaha difaac adag ugu jira.

 

Dhinaca kale ciidamada dowladda KMG ayaa u soo dhaqaaqay caawa fiidnimadii dhinaca wadada Muqdisho iyadoo ay afka isku saran yihiin ciidamada labada dhinac, waxaana laga cabsi qabaa in subaxnimada beri dadka deegaanadaasi ay ku waabiriistaan dhawaqa rasaasta ay is weydaarsanayaan labada dhinac.

 

Waxaa xirmay wadada dheer ee isku xerta gobolka Bay iyo magaalada Muqdisho taas oo ay isticmaalaan gaadiidka labada dhinac u kala gooshta iyadoo ay ka cabsi qabaan dagaal ka dhaca halkaasi.

 

Wixii warar ah ee kusoo kordha xaalada dagaal ee Buur Hakaba kala soco Garowe Online.

 

Cali Muxayadiin Cali, Muqdisho

 

Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Buur hakabo : Xukuumadda Federaalka oo cadaysay in ay qabteen gawaari dagaal oo ay maxkamaduhu leeyihin.

Sabti, October 21, 2006

 

Buur hakabo (AllPuntland)- Warka soo baxay taliska ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamda dawladdu ay gacanta ku dhigeen tiro ka mid ah gawaarida dagaalka oo ay lahaayeen taageerayaasha maxkamadaha magaalada Muqdisho.

 

Taliyaha Guutada Koowaad ee ciidamada dawladda Soomaaliya C/risaaq Afguduud ayaa waxa uu saxaafadda uu Radio Gaalkacyo u sheegay in ciidamada dawladdu ay qabteen 11 gaari oo ah nooca dagaalka iyo ciidamdoodii.

 

Waxa uu afguduud sheegay in ciidamadani lagu qabtay dagaal aan sidaasi u sii waynayn oo dhacay saacado ka hor, iyada oo ciidamadani ay ku dhuumaalaysanayeen duleedka magaalada Buur hakabo.

 

Ciidamada Dawladda Soomaaliya ayaa haatan waxa ay ku sii siqayaan gobolada Shabeelooyinka iyada oo ay magaalada Buur hakaba dhanka Koonfureed uga baxeen ciidamo ka tirsan kuwa dawladda.

 

M. J. Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

I always hear Ethiopians soldiers were involved. So can someone explain why no photographs have been taken showing them fighting? I mean the Tfg denies they were part of this particular assault, why wouldn't the Courts show photographic proof of Ethiopians among the TFG fighters? For instance Ethiopians patrolling the streets of Buur Hakaba.

Let’s be honest, both sides are accusing each other of a lot of different things. I hope some concrete proof starts being produced.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^The Mogadishu clans have this thing where they belive only they have the millitary means to wage war. They think everyone else is weak. Which is their greatest weakness.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

“I saw many government troops with heavy weapons entering the town. They settled in the main strategic points in the town,†Hussein Ibrahim Ali, a resident, told The Associated Press by telephone

 

 

You can read from that statement. The troops that entered Bur Hakaba were exlusively the government troops. The witness would have stated otherwise. However the government is depicted as a pliant cliant after its masters' bidding, the fact is we have government troops comprised of well-nigh Somalis that are powerful enough to withstand insurgent forces such as the Islamic Courts.

 

Who is this journalist Mohamed Olad Hassan. He seems to be contradicting himself.

 

-----------------------------------

ASSOCIATED PRESS

 

12:40 p.m. October 21, 2006

 

MOGADISHU, Somalia – Somali government forces backed by Ethiopian soldiers have retaken a main town between the capital and the government's base from Islamic fighters, residents said Saturday.

The soldiers and Ethiopian troops in about 30 pickup trucks mounted with machine guns fought Islamic militiamen for about 20 minutes before regaining control of Bur Haqaba, which has been held by the government's Islamic rivals for three months, the residents said

 

“I saw many government troops with heavy weapons entering the town. They settled in the main strategic points in the town,†Hussein Ibrahim Ali, a resident, told The Associated Press by telephone.

 

It was not clear whether the Ethiopian soldiers actively took part in the battle. If they did, it would be the first time they have fought Islamic militiamen in Somalia following reports that Ethiopian soldiers entered the country in July.

 

--------------------------------

 

 

Heed attention to the quality of his news. He is mercilessly contradicting his news report. I don't know why News Agencies baught it without at recognizing the cracks of the report.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gurmad lixaad leh oo Muqdisho iyo Baydhabo uga kala tagay dhinacyadii shalay Buur Hakaba ku diriray ayadoo cabsi dagaal degmadaasi ayka jirto

 

October 22, 2006 Markacadeey

Xaalada degmada Buur Hakaba ee gobolka Baay ayaa iminka u muuqata mid degan inkastoo dhinacyadii shalay halkaasi ku diriray ay wadaan abaabul dagaal oo baahsan waxaana degmada haatan ay gacanta ugu jirtaa ciidamada dawlada federaalka.

 

Ciidamo iyo gawaari dagaal oo gurmad ah ayaa labada dhinac uga kala tagay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayadoo cabsi dagaal oo baahsan ay ka jirto degmada Buur Hakaba waxaana dadka deegaankaasi ku dhaqan ay iminka qaarkood bilaabeen in ay isaga hayaamaan si ay uga baxsadaan hubka labada dhinac ay is dhaafsanayaan.

 

Ciidamada dawlada federaalka ayaa la sheegayaa in haatan ay ku suganyihiin deegaanka Jameeco oo 30 kilomitir u jira degmada Buur Hakaba halka kuwa maxkamadahana ay ku suganyihiin deegaanka Qardho.

 

Wararka ka imanaya deegaanadaasi ayaa sheegaya in gurmad xoogan labada dhinac uu u imanayo waxaana laga cabsi qabaa in dagaal qaraar uu qarxo waqti kasta ayadoo aysan jirin id labada dhinac waan waan ka dhex wada.

 

Gawaari dagaal iyo ciidamo lixaad leh ayaa ka tagay magaalada Muqdisho kuwaasi oo ku biiray ciidamo dhawaan gaaray xadka kala qeybiya Baay iyo Sh/hoose iyo kuwiii deegaanka ee shalay Buur Hakaba laga soo saaray ayadoo dhinaca Baydhabana sidoo kale gawaari dagaal iyo ciidamo xoogan ay kasoo dhaqaaqeen.

 

Labada dhinac ayaa haatan waxaa ka go’an in ay khilaafaadka ka dhaxeeya ay ku dhameeyaan dagaal ayadoo ay muuqato in la iska indha tirayo baaqyada nabadeed ee lagu dalbanayo joojinya dagaalka ee ay jeedinayaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

 

Maxamed Carab

Xafiiska Markacadeey Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyeyaasha Jiida hore ee ciidamada dowladda ee Buur-hakaba oo sheegay inay heegan buuxa ay ku jiraan iyo ciidamada maxkamadaha oo..

 

Col.C/risaaq Afguduud iyo Col. Saciid Dheere oo hogaaminyey ciidamada dowladda federaalka, sheegtayna iney keligood la wareegeen gacan ku heynta Buur hakaba oo xalay u waramayey Idaacada SIMBA ayaa sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah aysan la socon markii ay yimaadeen Buur hakaba sida ay hadalka u dhigeen, isla markaana degmadaasi dadka deegaanku ay ku soo dhoweeyeen.

 

Labada sarkaal ayaa ku nuuxnuuxsaday in wax dagaal ah uusan shalay ka dhicin Buur hakaba, ayna ka baxeen magaaladaasi maleeshiyooyin ka gadoodsanaa dowladda federaalka, waxayna Xuseen in wax cabsi ah aysan ka qabin haddii uu weerar uga yimaado dhinaca maxkamadaha, ayna ku sugan yihiin degmo ka tirsan gobolka Bay oo ay gacanta ku heyso dowladda federaalka, iyagoo uga digay ineysan ku soo degdegin Buur hakaba.

 

Dhinaca kale, ciidamada maxkamadaha ee ka dhanka ah kuwa dowladda federaalka iyo ciidamada Itoobiya ee qabsaday Buur hakaba ayaa isu diyaarinaya sidii ay mar kale dib ula soo noqon lahaayeen Buur hakaba oo ay sheegeen iney tahay magaalo si weyn looga taageersan yahay maxkamadaha, waxaana laga cabsi qabaa in saacadaha soo socda uu dagaal ka qarxo halkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this