Sign in to follow this  
raadamiir

Ma doonay dawlad aan ahayn dawlad islaami ah What happen to the recognised TFG?

Recommended Posts

The courts a week ago recognised the TFG as the sole government of Somalia what happen now? The courts want POWER!

 

Muqdisho: " Ma doonayo dawlad aan ahayn dawlad Islaami ah" Sheekh Xasan Daahir Uways oo waraysi bixiyay..

 

Muqdisho(AllPuntland)-Guddoomiyaha guddiga Shuurada ee golaha maxkamadaha Islaamiga Sheekh Xasan Daahir Uways ayaa shaaca ka qaaday inuu taageerayo oo kaliya dawlad lagu saleeyay Shareecada Islaamka.

 

" Soomaaliya waa dal Muslim ah , dadkiisuna waa kuwo 100% Muslim ah" Sheekh Xasan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press(AP).

 

Xasan Daahir wuxuu Intaasi raaciyay in markaasi ay taageerayaan dawlad lagu saleeyay qur'aanka Kariimka iyo sunnada nabi Muxamed (NNKH).

 

Guddoomiyaha golaha Maxkamadaha waa markii ugu horaysay oo saxaafadda la hadlo tan iyo markii loo magacaabay guddoomiyaha ugu sareeya ee maxkamadaha.

 

Mr: Uways wuxuu Maraykanka ugu jiraa Liiska argagixisada , walina kama hadlin Maraykanku in Xasan Daahir Noqdo madaxa ugu sareeya Maxkamadaha.

 

Hadalka Xasan Daahir ayaa kusoo beegmaya maalmo aan badnayn kadib markii dawladda Federaalka Soomaaliya iyo maxkamaduhu ay saxiixdeen inay heshiinayaan.

 

Ma cadda saamaynta hadalka Xasan Daahir ku yeelan doono heshiiskii Khartoum ay ku yeesheen dawladda iyo maxkamadaha.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this