Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Security. (Mixed News)

Recommended Posts

Cowke   

Ciidanka amaanka ee Garoowe oo xalay qabtay 12 jawaan oo ay ku jirto lacag been abuur ah

 

Posted to the Web Jul 14, 07:52

 

Garoowe:-Ciidanka Booliska ee magaalada Garoowe ayaa waxaa ay xalay ku guulaysteen in ay qabtaan koox wadatay ilaa 12 jawaan oo ay ku jirtay lacagtii been abuurka ee dhawaan la gala baxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.

 

 

Lacagtaan been abuurka ah ayaa waxaa watay koox qowlaysto ah oo doonay say in ay si sharci daro ah ku geliyaan lacagtaan been abuurka ah magaalooyin ka kale sida Garoowe , Boosaaso ,Qardho balse ciidanka Booliska ee Garoowe ayaa qabtay lacagtii been abuurka ahayd iyo kooxdii wadatay.

 

 

Cidanka Sirdoonka ee loo yaqaan PIS ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay daba gal ku sameeyey kooxdii wadatay lacagta been abuurka ah waxaan ay ku soo wargeliyeen laamaha ciidanka Booliska ee Garoowe taas oo suuro gelisay in gacanta lagu dhigo lacagta been abuurka ah iyo kooxdaan qowlaystada ah oo watay gaari ah kuwa lagu raaxsaysto oo ka yimid magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

 

 

Ilaa hadda ma cada tirad dadka saarnaa gaariga lagu qabtay lacagta been abuurka ah balse saraakiisha ciidanka amaanka ee Garoowe ayaa sheegay in

ay saxaafada u soo bandhigi doonaa, Isimada ,Culimada ,Cuqaasha wax garad ka ku kala sugan magaalooyinka Puntllaand ayaa si isku mid ah u diiday lacag taas waxaan ay dadweynaha u sheegeen in maamulka la gala shaqeeyo sidii lacagtaas loo hor istaagi lahaa.

 

Warka oo faahfaahsan kala soco Halgan.net

 

M_M_Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Maxkamada Darajada Koowaad ee Gobolka Bari Oo Xukuno Riday

 

July 14, 2010

 

Maxkamada Darajada kowaad ee Magaalada Bosaaso ayaa maanta la horkeenay Eedaysaneyaal gaaraya 15-eedaysane kuwaasi oo ku kala Eedaysanaa danbiyo kala duwan.

 

Xeer ilaaliyaha guud maxkamada gobolka Bari Maxamuud Maxamed Yuusuf ayaa soo oogay dacwada Eedaysaneyaasha,waxaana uu eeda u kala qaaday laba qaybood.

 

Ugu horeyn waxaa dacwad lagu soo oogay Eedaysane Maxamed Maxamuud Cumar oo lagu soo eedayey inuu dhowaan dil u geystay marxuum lagu magacaabi jiray Maxamed Dalmar Yuusuf kaas oo uu ku dilay tuulada dhurbo ee ka tirsan degmada Caluula ee ka tirsan gobolka Bari ka dib markii uu dhexmaray gacan ka hadal,waxaana uu xeer ilaaliyaha sheegay inuu gacantiisa ku dilay marxuumkaasi isagoo ka codsaday in danbiga uu galay lagu qaado kuna baaqay in lagu xukumo dil toogasho ah iyadoona goobta ay fadhiyeen markhaatiyaal dhawr ah.

 

Guddoomiyaha maxkamada darajada kowaad ee gobolka Bari Sheikh Aadan Sheikh Maxamed ayaa intaasi ka dib lagu soo wareejiyay eeda waxaana uu sheegay in maxkamada ay Eedaysanahaasi ku xakuntay dil toogasho ah maadama uu isna geystay dil toogasho ah,ayna u furantahay rafcaan.

 

Dhanka kale 14-kii kale Eedaysane ee iyagana maxkamada lasoo taagay oo ay ku Eedaysnayeen falalka Burcadbadeednimada iyo shaqaaqo dhowaan ka dhacday gobolka Sanaag ee Puntland in ay ku lug lahaayeen.

 

Xeer ilaalinta ayaa kala noqotay dacwadii lagu soo oogay ee ahayd in ay danbigaasi galeen, waxaana uu xeer ilaaliyaha sheegay in danbigaasi lagu soo eedayey in aanay galin isagoo codasay in lasii daayo.

 

Maxkamada ayaa ugu dambeyntii go’aamisay in lasii daayo Eedeysaneyaashaas oo iyagu dib u helay xorriyadooda.

 

Cabdisalaan Axmed Shire

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Dowlad Goboleedka Puntland oo Maanta la kulmay Taliyaha Ciidamada Badda ee Isbahaysiga NATO

By admin

 

July 14, 2010

 

Boosaaso (AB):- Siciid Maxamed Raage oo ah Wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Dowlad Goboleedka Puntland iyo Mas'uuliyiin kale ayaa Maanta markab dushiis kulan gaar ah waxay kula yeesheen Taliyaha Ciidamada Badda ee Isbahaysiga NATO kaasoo lagu magacaabo Comodore Michiel Hijmans kaasoo dhawaan xilkaasi la wareegay.

 

Kulanka oo ahaa mid uu soo qaban qaabiyay Taliyaha NATO ayaa waxaa uu ka dhacay markab dushiis kaasoo ku sugnaa xeebaha Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari,waxayna labada dhinac isla soo qaadeen arimo la xiriira burcad badeeda ka qowleysata xeebaha gacanka cadmeed iyo tan Soomaaliya.

 

Taliyaha NATO Comodore Michiel Hijmans ayaa la soo hadal qaaday Wasiirka Dekadaha ee Puntland horumar uu sheegay in laga gaaray la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida,waxaana wasiirka dekadaha kulanka kala qeybqaatay wasiir ku xigeenka wasaarada Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maxamed Saalax iyo agaasimaha isla wasaarada kaluumeysiga Cabdiwaaxid Xirsi Joocaar.

 

Mas'uuliyiintii kulanka la qaadatay Taliyaha Ciidamada NATO ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda saxaafada Boosaaso siiyaan warar faahfaahsan oo ku saabsan wixii uu ku saabsan kulanka ay maanta la qaateen Madaxda Puntland.

 

 

allburtyinle.com

Boosaaso-Bari

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Qisaas Dil ah oo Galkacyo Laga Fuliyay

 

Gaalkacyo:Bar-kulan-Dilkaan qisaasta ah ee ka dhacay xabsiga maamulka Puntland ay ku leeyihiin duleedka galbeed ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa lagu filay Cabdullahi Daahir Raage oo ahaa wiil dhalinyaro oo lagu eedeyay inuu horey dil ugu geystay nin lagu magacaabi jiray Ciise Maxamuud Siciid.

 

Goobta ay ka dhacday qisaasta dilka ah ayaa waxaa ku sugnaa odayaal dhaqameed kasoo kala jeeda beelaha wax kala qisaasanayey iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

 

Guddoomiyaha maamulka Mudug Axmed Cali Salaad Faarax oo saxaafada kula hadlay goobta ay ka dhaceysay qisaasta ayaa sheegay in dilkaan qisaasta ah ay ka soo shaqeeyeen odayaasha kadibna lasoo mariyey maxkamada oo xukuntay falkaan qisaasta ah. Axmed Cali Salaad wuxuu kaloo sheegay in falkaan uu u dhacay sidii loogu talagalay oo sharciga waafaqsanaa, iyadoo goobta falkaan uu ka dhacay ay soo xaadireen odayaasha beeelaha guud ee deegaanka, maamulka qeybihiisa kala duwan sida Duqa Magaalada, taliyaha Aaga Daraawiishta iyo xubna kale.

 

Ninka maanta lagu fuliyay dilka qisaasta ah ayaa wuxuu dhowr todobaad ka hor dil ugu geystay gudaha magaalada Gaalkacyo nin lagu magacaabi jiray Ciise Maxamuu Siciid. Waxayna odayaal dhaqameed kasoo jeeda beesha uu ka dhashay ninka maanta la qisaastay ay todobaad ka hor ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan, iyagoo markaas kadib ku wareejiyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

 

Waa markii labaad oo fal qisaas dil ah laga fuliyo waqooyiga magaalada Gaalkacyo mudo dhowr todobaad gudahood. Waxaana la aaminsan yahay in falkaan qisaasta ah uu noqon karaa mid hakin karo falalka dilka ee ku saleysan aanooyinka qabiilka ee ka dhaca magaalada Gaalkacyo ee xarrunta gobolka Mudug.

 

Bar-kulan, Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this