Sign in to follow this  
Gabbal

Barre Hiiraale invites both sides of Government to talks in Kismayo.

Recommended Posts

Gabbal   

Afhayeenka IDJ:Col.Hiiraale Oo Gogol Ugu Fidiyey Kismaayo Labada Dhinac Ee Dowladda

 

Afhayeenka isbaheysiga Dooxada Jubba Col.Bile Cabdille Cabdi oo u waramayey maanta Gedonet ayaa xaqiijiyey in wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta ee DFKMG ah uu gogol u fidiyey magaalada Kismaayo labada dhinac ee dowladda ayada oo fadhigaas la rajeynayo inuu laf dhabar u noqon karo xalka Soomaaliya ee iminka murugeysan.

 

Afhayeenka Isbaheysiga Dooxada jubba ayaa waxaa kale oo uu sheegay inuu dhowaan Wasiirka wasaaradda dib u dhiska iyo dib u dejinta Xildhibaan Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) la hadli doono saxaafada inuu ku soo bandhigi doono fikirkiisa iyo qorshahiisa nabadeed ee labada dhinac ee dowladda oo in muddo ah ku kala fogaa dhanka siyaasadda.

 

Col.Bile Cabdille Cabdi ayaa xaqiijiyey in kulkankii maanta ee labada gole ee Muqdisha ku sugan ee ka dhacay hotel Saxafi uu ka sheegay in asaga iyo madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf xiriir wado dhex maray uuna ka codsaday inuu labada garab ee Jowhar iyo Muqdisho dhex dhexaadiyo lana xaliyo is afgaran waaga siyaasadeed. Col.Barre Hiiraale ayaa waxa uu dhankiisa u soo bandhigay madaxda Muqdisho in ay iyaguna diyaar u noqdaan dhexdhexaadintaas, isla markaasna uu ka shaqeeyo sidii uu isugu keeni lahaa.

 

Haddii taas la waayana waxa uu Col.Hiiraale sheegay in burburkii iyo dagaaladii sokeeye ay dalku dib ugu soo noqdo. Madaxda shirkaas ka soo qayb gashay oo labada gole ee dowladda ka socotay ayaa waxa ay sheegeen in dhinacoodana ay diyaar u yihiin in dhinaca kale ay la kulmaan oo la wado hadlo.

 

Ahmed Timajlic

Gedonet, Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

War deg deg ah Barre Hiiraale oo u sheegay maanta xubnaha labada gole ee Muqdisho in uu la soo xiriiray C/llaahi Yuusuf kana codsaday in uu dhex-dhexaadiyo xubnaha Muqdisho & Jowhar ku sugan(Maxey ka yiraahdeen xubnaha Muqdisho.?)

Muqdisho

 

 

Warar ku dhow dhow shirkii maanta ay hotelka Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole dowladda federaalka ee ku sugsan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wasiirka dib u dhiska & dib u dejinta Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo ka mid ah xubnihii kulankaasi ka qeybgalay in uu ka codsaday xubnaha Muqdisho in ay ka ogolaadaan in uu dhex-dhexaadiyo labada dhinaca dowladda ee ku kala sugan Muqdisho & Jowhar.

 

 

“ Waxaa ila soo xiriiray madaxweyne C/llaahi Yuusuf, wuxuuna iga codsaday in aan dhex-dhexaadiyo labada garab ee dowladda federaalka , idinkana waxaan idinka codsanayaa in aan dhinaciina iga aqbashaan arrintaasi dhex-dhexaadinta ah†ayuu ka yiri wasiirka dib u dhiska & dib u dejinta Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo sheegay in haddii aanan si degdeg ah loo xalin khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka in taasi ay soo dedejin karto burbur ku yimaada dowladda federaalka.

 

 

Xubnaha labada gole Muqdisho ayaa ogolaaday codsiga dhex-dhexaadinta ah ee uu soo jeediyey wasiirka dib u dhiska & dib u dejinta Barre Hiiraale.

 

 

C/shakuur Cilmi Xasan-Dayniile-Muqdisho-Soomaaliya

 

Cabdishakuur48@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this