Sign in to follow this  
Jacaylbaro

You Have 3 Days ,,

Recommended Posts

hadhwanaag 2007-11-23 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Maamulka Somaliland Cali Maxamuud Axmed [Cali Sandule] ayaa xaaran ku tilmaamay go’amaadii ay shalay isimada Gobolka Sool ka soo saareen Shirkii ber-yahanba uga socday Magaalada Boocame gobolkaasi,isla markaana ugu baaqay inay muddo sadex Cisho gudahood kaga noqdaan go’aamadooda oo ay Cafindoonaan.

 

Sida waxa uu Guddoomiyuhu ku sheegay dood ay Idaacada VOA ay maanta u qabatay isaga iyo Guddoomiyihii hore Maamulkii ******teeniya Ibraahim Jaamac Daad ee lagaga itaal roonaaday gacan ku haynta Magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool. taas oo ay wakhtigan ka taliyaan Xukuummada Somaliland.

 

“Go’aankii iyo baaqii ay ka soo saareen waxaanu ka soo saarnay go’aan iyo Xukun, odayaasha Isimada ahna Sadex Cisho ayaan u qabanaynaa inay kaga noqdaan go’aanka ay gudoomiyeen” ayuu yidhi Guddoomiyaha Sool Cali Sandule oo u soo jeediyey Isimadii ku shiray Boocame inay sadex Cisho go’aankooda kaga noqdaan,isla markaana ay Cafis u fidin-doonaan

 

Guddoomiyaha Gobolka Sool Cali Sandule waxa uu ku tilmaamay isimadii ku shiray Boocame inay ula mid yihiin kooxihii Embaghati ee ay qeybi ku shirtay Ereteria, waxaanu yidhi “Nimankaa Shiray waxaanu hadda u aragnaa nimankii Embaghati qeybtii Eriteria ku shiray ayey noola mid yihiin, meeshi ay joogeen ayey ku shiri-waayeen oo waxa ay u baxeen meeshii u kooneysay [boocame]”

 

“Shirkii [boocame] mid loo dhamaa muu ahayn oo ay cid u sheegeen, waxaanu u arkaynay qolo halkaas [boocame] shir isugu tagtay ama Puntland ha ka danbeyso ama meelo kale-ba ha laga abaabulee, waxay soo saarayeen ama ay imika soo saareen midna kuwo na qancinayey, marka hore ee la qabanayo wuxu waa inay Xalaal yihiin oo banaanka la keena oo aanay noqonin wax tuugeysiya. Waxaanu u aragnaa wax tuugeysiya” ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Sool Cali Sandule oo ka hadlayey sida uu u arko Shirkii ay yeesheen Isimada Gobolka Sool ee ka dhacay Boocame inuu yahay Mid Xaaran ah oo la soo abaabulay.

 

 

“Xaq waxay u yeelihiin marka ay Maamulkii halkan [sool] joogay ay waxan ogeysiiyaan oo ay wuxu dadka ka yimaadaan, odayaashaasi inaanay wax aanay xaq u lahayn ama-se aan jirin ay meelaha la tageen waxaad ku garanaysaa maxay la tahriibeen, umaba diidneen haddii ay halkan [Laascaanood] Shirka ku qaban lahaayeen” ayuu yidhi

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Dawlad odayaal uma taliyaan, odayaashu [sool] sharaf ayey leeyihiin soo dhaweynteed ayey leeyihiin, laakin maamul waxa xukuma Dawlada”

 

Guddoomiyaha Gobolka Sool Cali Maxamuud Axmed Waxa uu sheegay inuu Maamulka Somaliland ee Gobolka Sool ay ixtiraamayaan odayaashi reer Sool ee ka qeybgalay Shirkii ka dhacay Boocame.

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi.“odayaasha waxaanu ku ixtiraamaynaa marka ay dadkooda iyo bulshadooda u adeegayaan, niman qabiil iyo isir ugu shaqeynaya ma nihin”

 

“Maamul Goboleedka puntland waxay ka tirsan yihiin meesha la yidhaahdo Muqdisho, oo waad ogtahay inay muqdisho degaan ******, RRA, iyo ********** ayaa dega cid walba way degaan, maxay u xukumayaan haday isir wax ku doonayaan anaguna Somaliland ayaanu nahay oo Waqooyi iyo Koonfur ayaanu kala ahaan jirnay” ayuu Cali Sandule.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Idaacada BBC-da laanteeda Afka soomaaliga ayaa waraysi uu kaga waramayo wixii ka soo baxay shirka Boocame waxay la yeelatay Garaad Cabdisalaan Xassan oo ka mid ahaa ka qayb galayaashii shirkaas,waxaa isna jawaab ka bixiyey hadaladaas gudoomiyaha gobolka Sool Calisandulle.

 

 

Cali Sandule oo ka mid ah masuuliyiinta beesha *********** ee ka tirsan maamulka Somaliland ayaa waxa uu sheegay in isimadu aanay go'aanka umada lahayn,ayna mudo 3 casho gudahood ah uga noqdaan go'aamadaas.

 

 

afnugaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

sandule.jpg

 

Laascaanood(jidbaale.com):-Guddoomiyaha Maamulka Midnimo-diidka ah ee ku sugan gobolka Sool Cali Sandule ayaa ku tilmaamay Issimada *********** niman awoodi kari waayey in ay magaaladoodii ku shiraan oo cidhifka ugu danbeeya u cararay.

 

 

Wuxuuna ku tilmaamay niman sida mucaaradka imbigaati ku ah ee aSmara ku shiray, wuxuuna u qabtay Issimada MUddo sadex maalmood ah in ay go'aankaas kaga noqdaan.

 

Hanjabaadan ka soo yeedhay guddoomiyaha Maamulka midnimo-diidka ah Cali Sandule ayaa ka danbaysa go'aankii ay soo saareen issimada *********** kuwaas oo u qabtay 10 maalmood ragga u dhashay *********** ee la shaqeeya maamulka Midnimo-diidka ah.

 

 

jidbaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this