Sign in to follow this  
me

Target: Gaalkacyo

Recommended Posts

me   

Galkacayo:Ciidamo ka Amarqata Madaxwayne C/laahi Yuusuf iyo Col:Abdi qaybdiid oo heegan la geliyey

Warkii 10-Apr-2008 iyo Qormadii: Afnugaal News Disk

 

 

Sida ay nagu soo gaadhayaan wararka ka imaanaya xarunta Gobolka Mudug ee Galkacayo waxaa heegan sare la geliyey maleeshiyo kakala amar qaata Madaxwaynaha Somalia Mudane: C/laahi Yusuf iyo Col: Cabdi qaybdiid, kuwaas oo ku kala sugan Waqooyiga iyo Koonfurta magaalada Galkacayo.....................

 

 

Arintan ayaa timi ka dib markii ay galkacayo soo gaadheen warar sheegaya in xoogaga La dagaalama Dowlada Somalia iyo ciidamada Ethiopia ay qorshaynayaan weerar ay ku qabsadaan magaalada galkacayo oo ah magaalo aad muhiim ugu ah dowlada federeelka ee Somalia .

 

 

 

Ciidamadan heeganka la geliyey ayaa ubadan ciidamo beeleed si toosa uga amar qaata Madaxwayne C/laahi yusuf kuwaas oo degan Airport-ka magaalada Galkacayo iyo ciidamo uu leeyahay Col: Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid oo iyana Jooga xaafada Koonfureed ee magaalada Galkacayo , Sidoo kale waxaa iyana diyaar garoow ku aadan cabsida laga qabo Weerarka yimaada Xoogaga Islaamiyiinta ku jira qaar ka mid ah ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland gaar ahaa qaybta gobolka Mudug.

 

 

 

Kooxaha ka soo horjeeda dowlada Federaalka iyo Ethiopian ka ayaa marba marka kasii danbaysa kusii awoodaysanayay Gobolka Mudug iyadoo warar ku inaatsi ku darayaan in hubku ugasoo dago xeebaha Gobolkaasi ayaa waxa ay kusoo dhawaadeen magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug iyagoo ujira wax ka yar 25km.

 

 

 

Waxa ay soo dhaafeen magaalada Bandiiradley oo ah halkii uu horay uga dhacay dagaalkii lagu jabiyay Xoogagii maxaakiimta ee fadhigoodu ahaan jiray Gobolada dhxe markii ay dalka soo galeen ciidamada aadka ufaraha badnaa ee Dalka Ethiopia kuwaas oo Mogadishu galay markii ugu horaysay taariikhda Soomaaliyeed.

 

 

 

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa la dhigay inta badan xarumaha Maamulka halka kuwa ka amar qaata Madaxwayne C/laahi yuusuf iyo Col: Cabdi qaybdiid ay joogaan Airport-ka iyo kaantaroolka Koonfureed ee magaalada Galkacayo .

 

 

 

 

 

NB: Kala sodo Afnugaal.com wixii ka soo kordha Magaalada Galkacayo

 

 

 

Afnugaal News Disk

 

Galkacayo Puntland Somalia

 

Info@afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this