Sign in to follow this  
Juje

Adiga ma dhisan kartiid, lakiin aniga wa dhisan kara..!

Recommended Posts

Juje   

Dadka degan degmada Karaan oo cabasha xoogan ka keenay dhul si sharcidaro ah loo dhisay xili la duminayo dhismooyinkii sharcidarada ahaa.

Dadka degan degmada Karaan oo ahaana dad u fir fircoon amarada ka yimaado maamulka Gobolka Banaadir ayaa aad uga cabanayo dhismo sharcidaro ah oo laga wado halkii ahaan jirtay Iskuulka degmada karaan kasoo ku dhagan shaldhiga degmada Karaan .

Meesha dhisamha sharcidarada ka socota ayaa waxey ku dhagan tahay ama ay ku dhinac talaa saldhigii Karaan taasoo ay ka fajicisay dadka deegaanka wax ay wax uga qaban la yihiin dhisamaan sharcidarada ah Boliiska iyo maamulka gobolka Banaadir iyadoona goobahii kale ee sharcidarada ahaa la dudumiyey kuwa dhimana la sugayey in la dhameystiro.

 

Dhismahaan ayaa loo aaneynayaa nin ganacsado ah oo aan la sheegin magaciisa ,dadka reer Muqdisho ayaa qabo in waxa goobaha laga duduminayo ay yihiin dadka masaakiinta ah kuwaas oo aan heysan qarashaad ay isaga furdaamiyaan dadka waxa duminayo iyadoona taas daliil u tahay gooba badan oo dumis ahaa dib looga dhaafay walina hoowlahii shaqo leysaga wato iyadoo laga dudumiyey dad badan oo masaakiin ah .

 

Goobaha sharcidaro ah kuna yaalo meela badan oo ah dhismo guud ayaa wali leyska dhisanayaa iyadoo horey amar digniin ah lagu bixiyey in aan la dhisan waxaana ka mid ah dhismahaasi guri ka soo jorjeeda hoteelkii Istaadiyoom Muqdisho dhulkaas oo milkigeda laheyd wasaaradii hore ee Badroolka iyo guryo kale oo ku yaalo suuqa bakaaraha goobta daawada guryahaas oo intabdan la mariyey rinjigii dumiska ahaa kadibna dib looga tirtiray kadib markii la bixiyey qarashaad .

 

Cabashada ka imaanyesa dadka reer Muqdisho ee ah dhismaha sharcidaradaha ee aan la dumineynin ayaa waxaa looga digayaa maamulka gobolka in ay dadka simaan oo laga wada dumiyo hadii kalana leysaka wadadhaafo sababtoo ah sharciga waa loowada simanyahay cid ka sareysana ma jirta oo aan midka alle aheyn .

 

Maxamed Nuur Cabdi Dayniile,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this