Sign in to follow this  
General Duke

Battles rage in Mogadishu over the port...

Recommended Posts

DAGAAL XOOGAN OO DHIMASHO IYO DHAAWAC GEYSTAY

OO KA QARXAY DEGMADA SHIBIS

 

Abaarihii 3:00 galabnimo galabta ayaa waxa uu dagaal xoogan ka qarxay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaa uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray maliishiyooyinkii dagaalamayey iyo dadka deegaanka.

 

Dagaalkan oo ka bilowday agagaarka Beexaani ayaa ka bilowday labo maliishiyo oo kala taabacsan C/qaadir Beebe iyo dhalinyarada degmada Shibis oo garab ka helayey ganacsato uu hormuud u yahay nin lagu magacaabo Cabdi Cadde, iyadoo uu dagaalkaasi geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira, iyadoo in ku dhow 6 qofood ay ku naf weyday halka in ka badan sagaal qof ay ku dhaawacmeen.

 

Dhinaca kale waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo uu ugu horeeyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka, wuxuuna sheegay in dagaal wax faa’iido ah laga gaareyn, sidoo kale waxaa baaq kaa la mid ah u jeediyay kooxaha dagaalamaya Guddoomiyaha dhaqdhaqaaqa Bulshada rayidka C/laahi Maxamed Shirwac.

 

Daagaalkan oo laga wada dareemay Muqdisho dhawaqa rasasta la isku adeegsanayey oo aheyd mid aad u xoogan, iyadoo rasaastaasi ay isweydaarsanayeen labada dhinac hakatay maqribnimadii inkastoo ay wararku sheegayaan inuu socdo abaabul dagaal.

 

Cali Muxiyaddiin Cali alisomali@hotmail.com

Midnimo Information Center

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal ka dhex qarxay maleeshiyada C/qaadir beebe iyo maleeshiyo farriisin ku leh xarunta shirkadda isgaarsiinta Nation Link iyo warar kale

 

Duhurnimadii maanta ayaa waxaa dagaal uu mar kale ka dhex qarxay maleeshiyada C/qaadir Cabdi Xasan (Beebe) ee farriisinkoodu yahay nawaaxiga Beexaani iyo maleeshiyooyin farriisin ku leh xarunta shirkadda isgaarsiinta Nation Link oo ay wehliyaan dhalinayarada degan xaafadaha Beexaani, waxaana la sheegayaa in dagaalkan la isku adeegsaday rasaas xoogan iyo hubka noocyadiisa kala duwan illaa iyo haddana ma soo ifbixin tirada sida rasmiga ugu geeriyootay dagaalkaasi oo soconayey ilaa maqribnimadii ayaa iskiis isaga joogsaday.

 

 

Maleeshiyooyinka labada dhinac ayeysan aheyn markii ugu horreysay oo ay isaga hor yimaadaan deegaanka Shibis ee magaalada Muqdisho, waxeyna horey ugu dagaalameen halkaasi iyadoo gacan ka hadalkooduna ka bilowdo dhinaca canshuurta oo ay maleeshiyada C/qaadir beebe ku soo rogaan suuqa Maanabooliyo taasoo ay ka biyo diideen ganacsatda Suuqaasi, dagaalka ayaana weli soconaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaaladii ka socdey Waqooyiga Muqdisho oo istaagey khasaaro xoogan oo uu keenay

Muqdusho-20.December.2004

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Caawa fiidkii uu istaagey Dagaal xoog leh oo Galabta ka qarxay Xaafadaha Beexaani,Shibisiyo Boondheere ee Waqooyiga Magaaladas.

 

Dagaalkaas ayaa dhexmarey Maleeshiyada Hogaamiye Kooxeedk C/qaadir Beebe oo dhawaan ku soo biirey Masraxa Dagaalka Soomaaliya, iyo Ciidamo ay iska leeyihiin Qaar ka mida Ganacsatada Magaaladaas.

 

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay ka gadaal markii Koox Maleeshiyo oo daacad u ah C/qaadir Beebe ay jidka u galeen Nin ka mida Ganacsatada sida wayn looga yaqaan Muqdisho oo lagu magacaabo Cabdi Cadde, taasi oo keentay in Dagaalka markii dambe ay si wayn u soo galeen Maleeshiyo kala taabacsan Kooxaha hardamaya.

 

Goob joogayaal ku sugnaa aagga dirirtu ka dhacdey ayaa u sheegay Warqabadka SBC in dagaalka markii dambe ay si xoog leh u soo galeen Ciidamada Ganacsatadii dhawaan isu daydey Furida Dakedda Muqdisho oo C /qaadir Beebe ugu ciil qabey amuurtii lagu xiray Dakadda , waxaana sidoo kale dagaalka qayb wayn ka qaatey Ciidamada Shirkadda Isgaarsiinta Nation Link oo ka mid ah Shirkadaha Isgaarsiinta Muqdisho.

 

Ciidamada Gawaarida dagaalka ee shirkada Nation Link ayaa sida la sheegay waxay dagaalka galeen ka dib markii Kooxaha taabacsan C/qaadir Beebe ay weerar kadis ah ku soo qaaden Xarunta Shirkada Nation Link ay ku leedahay Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

 

Wararka dagaalka khasaaraha uu keenay ayaa aad u adag, iyadoo ay muuqato saameynta dagaalku uu ku yeeshay, Wariyayaal ka tirsan Idaacada SBC oo isu Hawley inay tagaan goobaha Dagaalka, waxaase Wariyayaasheenu ay sheegayaan in ugu yaraan 11 qof ay ku dhinteen dagaalka, halka 15 kalana ay ku dhaawacmeen,

 

Khasaaraha Dadka Rayidka ah ka soo gaarey Dagaaladii maanta ayaa la sheegay inay keeneen Madaafiic habow ah oo ay iswaydaarsadeen Kooxihii dagaalamayey.

 

Dagaalkii maanta ayaa waxaa ku geeriyoodey Ganacsade caanka ah Waqooyiga Magaalada Muqdisho oo lagu magacaabi jirey Xaaji Maxamed Dheere.

 

Beelaha Waceysle iyo ***** ****** Maleeshiyadoda ayaa si wayn ugu lug lahaa dagaalka iyadoo warar goor dambe soo baxayna ay sheegayaan in Maleeshiyada C/qaadir Beebe laga awood roonaadey oo laga qabsadey goobihii ay ku sugnaayeen ee dagaalku ka bilowdey.

 

Iska horimaadkii maanta ayaa iskii u istaagey Caawa fiidkii iyadoo aysan jirin cid kala dhexgashay Kooxihii dagaalamayey.

 

Warar Caawa inaga soo gaarey Muqdisho ayaa sheegaya in Caawa laga dareemayo Waqooyiga Muqdisho dhaqdhaqaaq hub uruusi ah oo ay wadaan Kooxaha dagaalamaya.

 

Wariyayaasha Idaacada SBC

ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalkan oo ka bilowday agagaarka Beexaani ayaa ka bilowday labo maliishiyo oo kala taabacsan C/qaadir Beebe iyo dhalinyarada degmada Shibis oo garab ka helayey ganacsato uu hormuud u yahay nin lagu magacaabo Cabdi Cadde, iyadoo uu dagaalkaasi geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira, iyadoo in ku dhow 6 qofood ay ku naf weyday halka in ka badan sagaal qof ay ku dhaawacmeen.

Allaha u naxariisto dadka ku geeriyooday this senseless war underpinned by greed of some so called business people.

 

Tragic! Even before Gedi comes to the parliament for vote of confidence, another warlord is born in the name of Cabdi Cadde. It wasn't that far when warlord Beebe was born in similar circumstances. It won't take long before they remand place in the parliament.

 

I wonder whether the problem is these individuals or they are by product of our culture which is more receptive in warlord ship.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

lol i gues this really puts the lid on any hopes ina yey had of setting a foot in muqdisho, news has it that baydhabo is teatering on the brink with different warlords and millitias streaming in there so that seams to be no go area for him as well i wonder if the international community will help him find a city. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol i gues this really puts the lid on any hopes ina yey had of setting a foot in muqdisho,

On the contrary it could be the end game for the Mogadishu warlords.

 

It is not as deep rooted as it once was, if you see all the latest battles are small groups within subclans who are fighting out of pride.

 

The President insha Allah will be in the capital soon.

Share this post


Link to post
Share on other sites

i wonder if the international community will help him find a city.
:D

Why you not suggest one? Maybe Bureo! I'm sure its safe and he can revive its economic dynamic before the civil war. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this