Sign in to follow this  
xiinfaniin

Somaliland: alshabaab to blame for Lascano unrest

Recommended Posts

Maamulka Gobolka Sool oo ku eedeeyay Xarrkatul Shabaab iyo Xisbul Islaam inay ka dambeeyaan ammaan-xumada ka taagan Gobolkaas

 

Khamiis 11, Feb, 2010 (HOL) Maamulka Gobolka Sool ee Somaliland ayaa maanta ku eedeeyay Xarrkatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam inay mas'uul ka yihiin amaan-darrooyinka ka jira gobolkaas oo ay ku muran yihiin iyaga iyo Puntland.

 

Guddoomiyaha Gobolka Sool ee maamulka Somaliland Maxamed Cabdi Dhimbil oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay qabteen dhowr qof oo ku lug lahaa falal isugu jiray qaraxyo iyo weerarro qorsaheysan oo gobolkaas ka dhacay.

 

"Caddeymo ayaa u haynaa in Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam ay abaabuleen falalka ammanka wax loogu dhimanayo ee ka taagan Gobolka Sool, waxaana soo bandhigaynaa dhawaan" ayuu yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay hayaan dad xiriir la leh dhinacyadan oo lagu qabtay Gobolka Sool xilli ay dhaceen qaraxyada iyo weerarrada, ayna dhawaan soo taagi doonaan Maxkamad.

 

Gobolka Sool ayaa labadii todobaad ee ugu dabeeyay waxaa ka dhacayay falal isugu jira qaraxyo iyo dilal lala beegsanayay madaxda ciidamada iyo mas'uuliyiinta kale ee gobolkaas oo ay gacanta ku hayso Somaliland.

 

Ururka Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaab ayaan ka jawaabin eedda kaga timid Maamulka Somaliland iyo sidoo kale inay lug ku leeyihiin falalka ammaandarro ee ka taagan Gobolka Sool.

 

Maamulka Somaliland ayaa horay ugu eedeeyay Xarrakatul Shabaab qaraxyo laba sano ka hor ka dhacay Magaalada Hargeysa, kuwaasoo lala beegaday Safaaradda Itoobiya, Madaxtooyada iyo Xarunta Hay'adda UNDP.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by xiinfaniin:

^^Soo tuu ina cali shire Ceerigaabo xukummi jirey maaha
:D

dee wa xiligi Casri jaahiliga , ina cali shire waatii darawishtu ka eryadeen sanaag. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

oo horta waxan maqlay Ina Cali Shire waxa so xiray Haji Muse Farax kadib markii Seylechees lagu jiidaay oo xagaas lagu xiiray mar labadna waxa la keenaay somaliland markas ba Xaji Muse Farah ( Ina Gare ) lo diibaay laakinse ma hubo wuxu Ina Gare Ku Samayey Cali Shire. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jacaylbaro:

xaajiguw aa maxay shadaadiintuu sheegayaa sowkii ina godane taageersanaa ,,,
:D

Anigu maan tageersanayn Godane laakin wuxu dhamay Kuwa. 4.5 wax ku qeybsaday, eeh awoowgood dafiray Isagu laakin Irhaabinimo wax ku noqday :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

SD, Xaaji Muse raciyaddii Ingiriiska buu ahaa, ina cali shire ingiriiskay ishayyeen. Markii ingiriisku soo qabtay baa raciyyadu daawasho ugu timid. waa taarikh dheer

 

sidii Napoleon baa jasiirad keligii lagu xiray :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by xiinfaniin:

^^War ingiriiskaa masaafuriyey markii durriyadu gacan siisay
:D

Ina cabdulla xassan muxu yidhi

Duco awliyaad bu qabba degaha turwaye

wa niman gaalada dal dala. :D

 

Ma dhameya gabayga

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this