Sign in to follow this  
Meiji

Mogadishu University: entry exams start

Recommended Posts

Meiji   

Boqolaal arday oo maanta u fariistay Imtixaanka ogolaashaha Jaamacadda Muqdisho

 

August 16, 2009(HOL): Waxaa maanta u fariistay Imtixaanka ogolaashaha Jamaacadda Muqdisho boqolaal arday oo kasoo qalin jabiyay dugsiyada sare ee dalka iyo dibadda, una soo gudbay waxbarashada sare (Jaamacadeed).

 

Imtixaankan oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Muqdisho ayaa waxaa ardayda ka muuqday sida ay ugu hamuun-qabaan uguna heelan yihiin u soo gudbidda marxaladda Jaamacadeed; arday walba ayaa ku galayay Imtixaanka kuliyadda uu doonayo inuu ku biiro.

 

Madaxa Qaybta Imtixaanaadka ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Maxamed Xasan Nuur ayaa ku boorriyay ardayda Imtixaanka galayay inay dadaal dheeraad ah muujiyaan isagoo dhanka kale u mahadceliyay waalidiinta Soomaaliyeed ee u doortay jaamacadda Muqdisho inay ubadkoodu wax-ka-bartaan.

 

Sidoo Dr. Max'ed wuxuu u mahadceliyay qaybaha kala duwan ee warbaahinta Soomaaliyeed, isagoo ku amaanay kaalinta ay ka qaateen horumarinta waxbarashada dalka.

 

Jaamacadda Muqdisho oo aasaasay 1997-kii, ayaa waxay leedahay 7-kulliyadood iyo 21-taqasus oo cilmiyada kala duwan ah, waxaana ka qalin jabiyay 12-Dufcadood, iyadoo dufcaddii 13-aad ay noqonayaan kuwa Imtixaanka u fariistay.

 

Jaamacaddu waxay xiriir la leedahay Jaamacadaha caalamka; waxayna dhawaan kaalinta 40-aad ka gashay ururka Jaamacadaha Qaaradda Afrika.

 

jaamacadda3.jpg

 

jaamacadda6.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this