Sign in to follow this  
A_Khadar

Telefishankii Maamulka Somaliland Oo Lacag la'aan Hawada Uga Baxay

Recommended Posts

A_Khadar   

Hargeysa,(lasanod Online)- Telefishan-ka Somaliland ayaa hawada ka maqan labaatankii cisho ugu danbeeyay, taasoo sida la sheegay ay ka danbaysay markii ay Wasaaradda Warfaafintu..

 

 

kari weyday inay bixiso kiradii la siin jiray shirkada leh satellite ka Thaicom oo uu ka diiwaangashan yahay Telefishanka Somaliland.

 

Kiradan oo dhan bishiiba $ 30,000 oo doolar ayaa sida la sheegay Wasaaradda Maaliyaddu ay sheegtay inaanay bixinayn oo aanay ku jirin miisaaniyadda Wasaaradda Warfaafinta.

 

Telefishanka oo ay ciladi hore uga timid Transmitter-kii uu hore ugu shaqay jiray ayaa xukuumada cusubi ay si degdeg ah ugu soo iibisay transmitter mustacmal ah oo qiimahiisa dhan yahay $ 120,000 oo doolar, isagoo sida dad aqoon u lihi ay sheegeen in lagu heli karayay wax ka yar $ 30,000 oo doolar.

 

Dhinaca kale warar kale ayaa sheegaya in sababta uu hawada uga maqan yahay Telefishanka ay tahay cilad ku timid qalabka satellite ka u gudbiya, kaas oo lacagtii lagu dayac-tiri lahaa aanu telefishanku haysan.

 

Telefishankan yaa ahaa isha ugu muhimsan ee maamulku barnaamijkiisa iyo wararkooda kasoo gudbiso.

 

 

 

 

 

Wariye: Farah D. Jama

admin@lasanod.com

Xafiiska Wararka Lasanod Online. Hargeysa, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this