Jacaylbaro Posted November 25, 2008 Hargaysa,(Qarannews)- Wargayska ugu faca weyn wargaysada ka soo baxa Jamhuuriyada Somaliland ee Jamhuuriyo ayaa maanta 17'toban jirsaday, wargayskaasi oo ah wargays madax banaan waxa uu soo maray maraxalado kala duwan isaga oo ah wargays madax banaan isla markaasna dhex ka ah siyaasda Somaliland, wargayskani oo intii uu jiray abuuray wariyayaal iyo tafatirayaal hana qaaday, kuwaasi oo ku kala baahsan badiba saxafadaha kala gadisan ee dalka, sidoo kale waxa uu ka midka yahay saxaafada sida joogtada ah uga hawl gasha gudaha iyo dibadaba isla markaasna akhristayaasha ku hadla afka Somaliga gaadhsiisa dhacdooyinka caalmka iyo kuwa geeska Afrika siiba wararka Somaliland, iyada oo wargayska xaruntiisu tahay caasimada Somaliland ee Hargaysa. Hadaba Wargeyska Jamhuuriya oo sanad guuradiisii 17-aad xsusay maanta, waxa ay shahaado sharaf gudoonsiiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, sidaasina waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray afhayenka madaxtooyada Somaliland, warsaxaafdeedkaasi oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakada Qarannews, warkaasi oo dhamaystirana waxa uu u qornaa sidan hoos ku xusan. Madaxweynuhu, hadal kooban oo uu munaasibadaasi shahaado sharafta kaga gudoomay Wargeyska Jamhuuriya ka jeediyay, waxa uu ugu mahad naqay Wargeyska iyo maamulayaashiisa garashada ay garteen in ay shahaado sharaf ay siiyaan. Waxa aan aad u rajaynayaa in horumar aad gaadhi doontaan , iyada oo aad tihiin Wargeyska ugu da'da weyn Wargeysyada ka soo baxa Somaliland, waxase aan idinku dar daarayaa in had iyo jeer aad noqotaan kuwo qoraalkiinu ku salaysan yahay Runta iyo xaqiiqada hadba jirta, waxaanan idiin rajaynayaa in aad noqotaan mustaqbalka Wargeys caalamiya oo adduunka meelo badan laga akhristo". Munasibadaasi oo ay ka soo qayb galeen Mulkiilayaasha, Maamulayaasha , Tifaftirayaasha iyo Weriyayaasha waxa ay shahaado sharafta ku qeexeen in uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu si sharaf leh u mutaystay hanaanka dimuqraadiyada, isaga oo ah Madaxweynihii ugu horeeyay ee doorasho xor iyo xalaal ah ka hir galiyay dalka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted November 25, 2008 I love Jamhuriya. Their stuff are doing a good job. I remember when I was growing up in Hargeysa, the teacher in our Afsomali class would always bring an article and challenged us to read it in front of the class. I also love their 'dhanxiir' column. It's very creative and orginal. Waqar! Quote Share this post Link to post Share on other sites
AfricaOwn Posted November 25, 2008 I thought the Jamhuriya was a huge critic of him? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 26, 2008 Yes it is ... and it happened many of their journalists were arrested different times. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted November 26, 2008 There would be no more Jamhuuriya Suxufiyiin arrests!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 26, 2008 Believe me ,, it will happen again and again. Welcome to Africa ,, Quote Share this post Link to post Share on other sites