Sign in to follow this  
bambo

Trouble in KIsmay ? True or Fals

Recommended Posts

bambo   

Ilo wareedyo xog ogaal ah oo kusugan magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inuu khilaaf weyn soo kala dhexgalay Abaanduulaha guud ee ciidamada huwanta ee gacanta kuhaya magaalada Kismaayo Col Aden Koojaar iyo Wasiirka Gaashaandhigga Col Barre Hiiraale oo hadda kahor gacanta kuhayn jiray magaalada Kismaayo.

 

Khilaafka labadan masuul ayaa sida lasheegayo waxuu salka kuhayaa, kadib markii ay ciidamada huwantu gacanta kudhigeen magaalada ayaa Col Barre Hiiraale waxuu iskudayay inuu abaabulo maleeshiyo beeleed gacanta kudhiga xarumaha waaweyn ee dawladda iyo waliba dekada, garoonka iyo waliba saldhigga boooliska magaalada Kismaayo.

 

Hase yeeshee Col Koojaar oo ah abaanduulaha guud ee ciidamada dawldda Ethiopia iyo kuwa DFKS ayaa arintaas hor istaagay, isla markaasna ay ciidamadiisu hub kadhigis kusameeyeen maleeshiyadii Barre Hiiraale una sheegeen inaysan mar danbe isku dayin inay kudhaqaaaqaan falal noocan oo kale ah hadii kale uu xabsiga ku uruurin doono.

 

Sidoo kale Col Koojaar ayaa sida lasheegayo hor istaagay maamul kooban oo uu wasiirka Gaashaandhigga uu doonayaay inuu kasameeyo magaalada Kismaayo, kaasoo kusalaysnaa nidaamkii hore ee burburay ee dooxada jubba.

 

Intaas kadib waxaa lasheegayaa inuu Barre Hiiraale xiriir lasameeyay m/weyne C/laahi Yuusuf Axmed una sharaxay sida wax udhaceen, balse garowsha kama uusan helin oo waxaa loosheegay inaysan dawladdu udirsanin hawshaash.

 

Labadan masuul ayaan isku si u arkin hawsha iyo nidaamka shaqo cidda kuhaboon in looga danbeeyo iyo waliba sida ugu haboon ee nin walbaba u gudan lahaa waajibaadkiisa, taasoo hadii laraaci lahaa aan dhaliseen muran iyo is qaqabsiga hadda jira.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this