Sign in to follow this  
Jumatatu

Government Strikes Gold....!

Recommended Posts

Jumatatu   

This article proves the capability of our government and the level of their naivity as some would say, but as for many like me they are cheap criminals who have been one way or the other elected to lead Somalia but are on a fast track to make fortune out of the situation...

 

 

Lataliyaha khaaska ah ee Ra'iisulwasaare Ghedi ee arrimaha baarista iyo soosaaridda batroolka oo ku xiran xabsiga Oslo

 

Sabti, September 10, 2005(HOL) - Jariiradda maalinlaha ah ee aad loo qadariyo lana yiraahdo Dagsnaeringsliv "Business Daily" ee kasoo baxda magaalo madaxda Norway, Oslo, ayaa caddadkeedi; 197 ee soo baxay 27 August 2005 waxaa ku soo baxay maqaal cinwaankiisu ahaa marki ingriis lagu turjumo " The Oil Baron's Wild Ride" waxey uga hadleysey nin noorwiiji ah oo magaciisa layiraahdo Magne Adreas Meier oo boolisku xabsiga dhigeen sababo la xiriira dembiyo dhaqaale oo ey kamid yihiin 1) Sarrifid jeegag been abuur ah 2) U dirid BankGiro been abuur ah sharikado badan oo noorwiiji ah taas oo uu uga khiyaameeyey lacag malaayiin ah. iyo dembiyo kale oo khiyaamooyin iyo been abuurid la xiriira. Magaalkaa dheer ee ku saabsanaa Magne Andeas Meier waxaan kasoo qaadaneynaa inta Soomaalida ka khuseysa, waana sida hoos ku qoran:

 

Magne Andeas Meier sannado badan ayuu ku riyoonayey sidii uu kheyraadka qaaradda Afrika gacanta ugu dhigi lahaa, khaas ahaan batroolka, dahabka iyo dheemanka. Si uu riyadiisaas u meel mariyo wuxuu magaalada London ku asaasey billowgii desember 2002, sharicad uu ugu magac daray <> oo ey shirko ku noqdeen ganacsade Hindi ah oo, magaciisana la dhoho Rakesh Rajan degganna London. Maal gelinta ey ku sameeyeen sharikadda Inverse International waxey aheed £100 oo keli ah waxaana cinwaan looga dhigey guriga Rajan oo cinwaankiisu yahay Clarendons Garden ee London. Ujeedada sharikaddan laga lahaa waxey aheyd in gacanta lagu dhigo xuquuqda baarista iyo soosaaridda batroolka Afrika, ka gadaalna laga gado xuquuqdaas sharikadaha waaweyn ee batroolka ee caalamka.

 

Magne1.jpg

 

 

Inverse International waxey u kacdey sidii gantaalki kadin markii labo todobaad asaaskeedi kedib wasiirka macdanta iyo tamarta ee Somaliland Mr. M. A. Farah uu ku dhawaaqey in uu heshiis ballaaran la galay Inverse International iyo Magne Andeas Meier, heshiiskaas oo ku wajahan baarista iyo soosaarka batroolka dhulka Somaliland. Wuxuu mudane Farax caddeeyey in sharikadihii hore ee u imaan jirey ey ahaayeen dallaaliin laakiin hadda ey heshiis la galeen "professionalki" oo Inverse International ey tahay shirkad weyn oo adduunka dacalladiisa batroolka kasoo saarta. Mr. Magne Meier Isna wuxuu ballan qaadey inuu doollar ku kharqin doono Somaliland oo uu faqrinimada ka saari doono, kana shaqeyndoono sidii dowlad loogu aqoonsan lahay.

 

Magne Meier iyo Saaxiibkii Rajan waxey kusoo laabteen London si ey u iibiyaan heshiiskii ey lasoo galeen Somaliland lakiin cid ka gadata wey waayeen. Madaxdi Somaliland marki ey wax hadal ah ama lacagihii uu ballanqaadey Mr. Meier ka waayeen wey kansaleen heshiiskii ey la galeen Inverse International ltd. Mr. Meier si uu xoogaa dhaqaale ah u soo saaro wuxuu billaabey in uu gado saamiyo ey laadahay sharikad been abuur ah ee uu ugu magac darey SUDACO oo uu leeyahay waa sharikadda batroolka ee dowladda Sudan oo private laga dhigayo, Arrinkaas oo dhaqsi u fashilmey isna. Heshiisyo kale oo ku wajahan xuquuqda baarista iyo soosaarka batroolka ee uu lasoo galey dowladda Mauritania iyagana waxba waa ka naaso caddaa waayeen.

 

 

Magne2.jpg

 

Mr. Meier wuxuu ku soo laabtay Oslo markii irdihi oo dhan isasoo xireen, waxaase calafkiisi isbedeley marki uu la kulmey wiil dhallinyaro ah oo soomaaliyeed magaciisana layiraahdo Liibaan Cabdiraxmaan oo Oslo deggan. Liibaan wuxuu Norway degganaa muddo toban sano ah beryihii horena taxi ayuu wedi jirey haddana wuxuu ka ganacsadaa kaararka telefoonada ee dibedaha lagu waco. Liibaan oo ey isxigaan madaxweyne Cabdullahi Yusuf wuxuu ku riyoonayey inuu "General Consul" ama safiir Somalia uga noqdo Norway. Mr. Meier wuxuu u sheegey Liibaan inuu arrimahaas ka caawin karo oo uu jecelyahay Afrika, ganacsi badan iyo saaxiibo badan oo heersare ahna ku leeyahay qaaradda. Waxaa kale ee uu u sheegey inuu xuquuqda baarista iyo soosaaridda batroolka Somaliland isagu leeyahay. Waxaa kale ee uu u sheegey in qunsuliyadda soomaaliyeed uu ugu deeqayo xafiis, uuna aqoonsi uga raadindoono dowladda Norway oo uu saaxiibbo badan ku leeyahay. Waxaa kale ee uu ugu deeqay in si uu u caawiyo dowladda soomaaliyeed uu diyaar u yahay inuu lataliye u noqdo madaxdeeda.

 

Bishi May ee sannadkan ayey Mr. Liibaan iyo Mr. Meier u duuleen Nairobi si ey ula kulmaan madaxda Dowladda Fidraalka ah, waxaana gacmo furan kusoo dhaweeyey Ra'iisulwasaare Cali Maxamed Ghedi. Mudane Ghedi wuxuu isla maalinti ku xigtey soo saarey dekreetto uu Liibaan ugu magacaabayo qunsulka soomaaliyeed ee Norway, Mr. Meierna lataliyaha khaaska ah ee Ra'iisulwasaaraha ee arrimaha baarista iyo soosaarridda batroolka iyo macdanta.

 

Marki Mudane Liibaan iyo Mr. Meier ey Oslo kusoo laabteen waxey kulan la yeesheen wasaaradda arrimaha dibedda ee Norway si loogu aqoonsado Liibaan qunsulka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Norway. Wasaaradda arrinaha dibedda wey ka guddoontey waraaqihii magacaabista waxeyna u sheegtey in siyaasadda Norway ee Soomaaliya ku aaddan waqtigan ey tahay sug oo arag maaddaama dowladdii cusbeed kala qeybsanatay labo magaalana kala deggantahay oo aanu hadda qunsulka cusubi hawlgeli karin ee ey baxnaani doonaan bal sida xaal noqdo arrimaha Soomaaliya.

 

Mr. Meier wuxuu daabacdey business card uu ku qortey inuu yahay lataliyaha ra'iisulwasaaraha Soomaaliya iyo Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Norway. Sidii uu ballan qaadeyna wuxuu gurigiisa xafiis ka siiyey Liibaan. Kadib markii Mr. Meier isku deyey inuu sarrifto jeek been abuur ah oo qiimihiisu ahaay € 381 758;- ayaa billowgi August lagu xirey magaalada Oslo oo uu xabsiga weyn ku sugaa maxkamad. Liibaan waa laga saarey xafiiskii uu siiyey Mr. Meier, warqad uu wasaaradda arrimaha dibedda Norway u direyna wuxuu ku sheegey inuusan wax lug ah ku laheyn dembiyada lagu haysto saaxiibki Mr. Magne Andreas Meier oo uu isagu weli yahay qunsulka Somalia ee Norway.

 

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this