Sign in to follow this  
Xaq

Puntland and Galmudug militias clash in Galkacyo

Recommended Posts

Xaq   

Dagaal u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan Maamullada Puntland iyo Gal-Mudug oo ka socda Magaalada Gaalkacyo

http://www.hiiraan.com/news/2009/Oct/wararka_maanta29-7885.htm

Khamiis, October 29, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee Xarunta u ah gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in uu goor dhaweyd halkaas ka qarxay dagaal u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan Maamullada Puntland iyo Gal-Mudug ee Waqooyiga iyo Koofur Magaaladaas ka kala taliya.

 

Dagaalkan oo ka socda Xaafadda Godka Cusbada ee Magaalada Gaalkacyo ayaa sida la sheegay ka dhex bilowday Ciidamada Dowladda Hoose ee Puntland iyo Maleeshiyooyin dhinaca Gal-Mudug ka soo jeeda oo ka carooday howlo lagu burburinayay sandaqado iyo guryo si sharci darro ah looga dhisay waddooyin ay gaadiidka iyo dadka maraan oo bartamaha Magaalada marta, wuxuuna kaddib dagaalka u sii gudbnay in ay ciidamada labada maamul dagaalka si buuxda u soo galaan, dagaalkana uu sii xoogeysto.

 

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo aan yareyn oo labada dhinac ah ayaa la soo sheegayaa in uu dagaalkan geystay, hayeeshee ma jirto in cid xaqiijin karta tirada rasmiga ah ee dagaalka ku dhimatay ama ku dhaawacantay, waxaana taas ugu wacan iyadoo weli uu dagaalka socdo.

 

Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo saacadihii la soo dhaafay ay mas’uuliyiin ka tirsan labada maamul ay dhinaca Warbaahinta isu marsiinayeen eedeymo iyo hadallo lid isku ah oo ku saabsan in uu dhinacba kan kale ku eedeynayay in uu ku soo gardarrooday.

 

Wixii ku soo kordha dagaalka ka socda Magaalada Gaalkacyo kala soco halkan haddii Alle idmo

 

Maxamed Cali Royter, Hiiraan Online http://www.hiiraan.com/news/2009/Oct/wararka_maanta29-7885.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this