Sign in to follow this  
Jacaylbaro

From dhibaatayn To Another Dhibaatayn

Recommended Posts

Ciidamadii ka baxay gudaha Dalka Somalia ee u ruqaansaday dalka Ethiopia ayaa waxa ay markiiba culays saareen shacabka Soomaalida ah ee ku dhaqan gudaha Dalka Ethiopia kuwaas oo ay dhibaato xoogan ku hayaan muddadii yarayd ee ay u gudbeen xadka Ethiopia kana baxeen gudaha Dalka Somalia.

 

Ciidamadan ayaa waxa ay markii dhibaato xoogan u gaysteen shacabka Soomaalida gaar ahaana Gobolada Wardheer iyo Shilaabo oo ay kusoo rogeen magaalooyina inaysan wax soo gelin waxna ka bixin taas oo dadkii shacabka ahaa ku keentay dhibaato xoogan oo aysan qaadi karin.

 

Magaalooyinka Wardheer iyo Shilaabo ayaa waxaa laga soo sheegayaa inay hadda ku sugan yihiin ciidamo Ethiopian ah oo aad ufara badan kuwaas oo dhibaatooyin kala gedisan ku haya shacabka degan magaalooyinka iyo waliba shacabka reer guuraaga ah ee kunool dhulka baadiyaha ah.

 

Dhibaatooyin laga soo sheegayo dhulka Ismaamulka Somaalida ayaa ah mid si wayn xaalada deegaankaasi wax uga badashay iyadoo ciidamadii ka baxay dhulka Somalia ay hadda hawlgalo kala gedisan ay ka wadaan dhulka Soomaalida Ethiopia taas oo ay dad badani iswaydiinayaan waxa keenay hawlagaladan nooca ah xilli aysan jirin wax dagaal ah.

 

Isku soo wada duuboo hawlagaladan ka bilaabmay dhulka ismaamulka Somaalida ah ayaa waxaa lagu macnaynayaa inay tahay muujin awood ciidan kadib markii ciidamada Ethiopia ay ka maqnaayeen dhulkaasi muddo gaadhaysa labo sano iyadoo intaasi ay halkaasi hawlgalo ka wadeen jabhada u dagaalanta xoriyada shacabakaasi ee ONLF.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Dhibaato has been what our people has known all along. I am sure we will get through this latest one. I am happy Mogishu is safe for the women and children to seek refuge. Meeshaa intay haysteen dhib weyn ayaa dadkayga soo gaadhay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this