Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa NW Somalia: Bomb set of near Police HQ

Recommended Posts

Qarax Caawa Ka Dhacay Hargeysa Iyo Qaar Ka Mida Ciidamada Qaranka Oo Laga Soo Raray Fadhiisimadoodii Gobolka Sool

April 13th, 2008 [News] |

 

Hargeysa (Somaliland.Org) – Qarax xoogan ayaa caawa abaaro ilaa 9:30 fiidnimo laga maqlay agagaarka taliska guud ee ciidamada bileyska Somaliland ee caasimada Hargeysa.

 

Qaraxaasi oo dhawaqiisa aad looga maqlayay isla markaana aad u laxaad weynaa lama oga ilaa hada cid wax ku noqotay iyo khasaaraha uu geystay toona laakiin dad ku dhow aagaasi qaraxu ka dhacay waxay xaqiijiyeen in qaraxu aanu ahayn meel ka fog xarunta taliska guud ee ciidamada bileyska Somaliland ee caasimada Hargeysa. Taliyaha guud ee ciidamada bileyska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay baanay noo suurto gelin in aanu helno.

 

Inkasta oo aan weli laga la shaacin cida ka dambaysay qaraxaasi iyo ujeedada ka dambeysa hadana qaraxani waa kii afraax ee mudo bil ah ka qarxa caasimada Hargeysa.

 

Waxayna xukuumada Riyaale hore ugu eedaysay qaraxyadaasi xisbiga ugu weyn axsaabta mucaaradka ah ee KULMIYE. Dhinaca kale ciidamado ka mid ah ciidamada qaranka ee jiida hore ee fadhiisimada gobolka Sool iyo kuwo la sheegay inay ka yimaadeen dhinaca galbeedka Somaliland ayaa soo gaadhay ilaa xalay caasimada Hargeysa.

 

Waxaana wararka ka imaanaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ay sheegayaan in kolayo gaadiidka tiknikada ah oo ka yimi dhinaca gobolka Sool ay u soo dhaafeen maanta gelinkii dambe dhinaca galbeedka Somaliland,halka qayb ka mid ah ciidamadaasina la sheegay in la dejiyay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer lama oga ujeedada iyo sababta ciidamadaasi looga soo raray fadhiisimadoodii jiida hore ee gobolka Sool ilaa iyo hadana lama garanayo xaalada waqtigan keentay in looga soo raro fadhiisimahoodii.

 

Liibaan M.Shire

 

Somaliland.org Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaalada Hargaysa Oo Hoy U Noqotay Qaraxyada

 

Waxaa soo badnaya Qaraxyada ka dhaca Magaalada Hargaysa ee Xarunta Maamulka Lamagac Baxay Somaliland,iyadoona qarixii u danbeeyay uu xalay fiidkii ka dhacay Magaaladaas isagoona ahaa mid aad u xoogan sida ay saxaafada u xaqiijiyeed dad ka dhawaa goobta uu ka dhacay,

 

Qaraxaan oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa uu ka dhacay xalay fiidkii ka dhacay meel an ka fogayn xarunta taliska Booliiska Magaalada Hargaysa,

 

Dad goobjoogayaala ayaa sheegay inuu qaraxaan ahaa mid aad u xoogan inkastoo uusan gaysay khasaare saas u badan oo ay yareed khasaaraha uu gaystay,

 

Qaraxaan ayaa waxaa uu noqonayaa kii 4-raad oo ka dhaca Xarunta Maamulka Somaliland ee Hargaysa,

 

Shacabka ku dhaqan Hargaysa ayaa waxaa ay yihiin kuwo hadal haynta qaraxyadaan ay ku soo badanayaan iyagoona ku jahwareersan cida qaraxyadaan ka danbaysa,

 

Ciidamada Booliiska Magaalada Hargaysa oo Qaraxa xalay uu ka dhacay meel an xaruntooda ka fogayn ayaa waxaa ay soo qabqabteen sida ay saxaafada u xaqiijiyeen dad goobjogayaal ah dad dhowra oo looga shakisanyahay kharaxaan,

 

Qaraxyadaan ayaa imaanaya xili golaha murtida Maamulka Somalialnd ay xili siihayntiisa u kordhiyeen MadaxweynahOODA iyo ku xigeenkiisaba,iyadoona ay arintaa waxaan dhici karin ku tilmaameen labada xisbi ee kala ah UCDU IYO KULMIYE oo arintaan ku tilmaamay arinaan marnaba dhici karin,

 

 

Xafiisla warqabadka allmudug.org ee dalka malaysia saciidnadaara@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^LOL

 

How many times were you disappointed by a seemingly serious situation take a positive turn? I think our old friend Nayruus found out the hardway. Where is he btw?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this