Sign in to follow this  
MoonLight1

Shariif Hassan loses his citizenship.

Recommended Posts

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo laga qaaday Baasaboorkii Kenyatiga ee uu heystay.

 

 

Thursday, 21 May 2009

 

Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Maaliyada Dowladda Soomaaliya Shariif

Image

 

Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta la shaaciyay in laga qaaday Baasaboorkii Dalka Kenya, oo uu inta badan ku safri jiray.

 

Laanta Socdaalka Dalka Kenya ayaa sheegtay inay gebi ahaanba kala laabatay Baasaboorkii dhalashada Kenyatiga ee uu horay u heystay Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaasoo ahaa kan kaliya ee uu safarada dibada ku tagi jiray.

 

Sida ay qortay Wargeyska Daily Nation oo ka soo baxa Magaalada Nairobi ayaa cadadkiisii maanta lagu shaaciyay in Shariif Xasan oo ka mid ah Wasiirada gacanta midig ee Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa lagala noqday Baasaboorka, kadib markii sida la sheegay uu qaatay Baasaboorka sare ee Diblomaasiga Dowladda KMG ee Soomaaliya, kaasoo ah Baasaboor sharciyeysan oo lagu tagi karo dal kasta.

 

Laanta Socdaalka Kenya ayaan u ogoleyn qof heysata dhalashada Kenya in aanu qaadan karin dhalasho dal kale ama Baasaboor uu leeyahay dal kale, waxaana hadii uu qaatana ay ka qaadeysaa baasaboorka oo gebi ahaanba ay kala noqoneyso, taasoo ahaa shuruudaha u yaala qofka qaadanaya Baasaboorka Kenyaatiga.

 

 

Shariif Xasan ayaa ka mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyed ee Kenya ku leh howlaha ganacsi, waxaana ka hor inta aanu ku soo biirin masraxa siyaasada uu aha ganacsatada waa weyn ee sida weyn uga ganacsan jiray Dalka Kenya, inkastoo sanadkii 2004-ta uu noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, shirkii Embaghati ee lagu soo dhisay Dowladdii TFG-da.

 

Qaar ka tirsan Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa heysta Baasaboorka Kenyaatiga, iyadoona xubnaha ugu badan ee heysta Baasboorkaas ay isugu jiraan siyaasiyiin iyo ganacsato, waxaana shaqsiyaadka caanka ah ee heysta Baasaboorkaas ka mid ah Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Xigasho Daily Nation

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this