Sign in to follow this  
Saalax

Madaxweyne Rayaale oo Xadhiga ka Jaray Dhisme Cusub oo lagu Kordhiyay Hay’adda Shaqaa

Recommended Posts

Saalax   

Madaxweyne Rayaale oo Xadhiga ka Jaray Dhisme Cusub oo lagu Kordhiyay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

 

Sunday, 06 December 2009

 

 

Daawo Sawirada

Madaxwayhaha JSL Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta xadhiga ka jaray dhisme cusub oo loogu talo galay machadka tababarka shaqaalaha dawlada oo ay hay’ada UNDP ka hir galisay xarunta hay’ada shaqaalaha ee magaalada Har...sa.

 

Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin oo munaasibadii furitaanka dhismaha cusub, hadal kooban ka jeediyay ayaa ka waramay baahida loo qabo macadka tababarka shaqaalaha dawlada waxaanu xusay in macadka loogu talo galay si kor loogu qaado xirfada aqooneed ee shaqaalaha, si shaqaaluhu adeeg hufan ugu fidiyaan bulshada, waxa kale oo uu tilmaamay in loo baahan yahay macalimiin aqoon wanaagsanle oo ka hawl gala macadkan.

 

“Mahada Kowaad waxaan siinayaa Hay’ada UNDP oo maalgelisay machadkan halkan ka dhisan, oo aan filayo la’aanteed inaanu machadkani hirgaleen, U jeedada kowaad ee uu machadkani sameyn doono waxa weeyaan dadku maxay ku kala sareynayaan oo ay darajo ku kala helayaan, waa aqoonta ay baryaan ee ay machadkan kala soo baxaan, imika waxa jira dad badan oo shaqaalaha Dawlada ah oo gaboobay, waxaanu isla soo qaadanay sida loogu sameynayo patient [Lacagta bisilka ah], lacagta qofka hawlgabka ah la siinayo waa in imika la sii bilaabaa, maaha inaynu imika uun lacag siinayno, laakin waa inuu barnaamujku meesha inoo yaala shaqaaluhuna uu is-bedelayaa kolba waa inay kuwo dhalin-yar ahi meesha soo gaalan, waxa kale oo loobaahan yahay in machadkan loo helo macaclimiin tayo leh, oo wax barta oo fara badana waa in loo helaa.”ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi“Run ahaantii marka aan ka sheekeeyo taariikhdiisa machadkan, UNDP waxaanu beriga weydiisanay in machadkii SIDAM uu dalkeenani yeesho oo halkan laga furo, Markaa waxaanu ka doorbidnay inta la dhisayo inaynu sugno in jaamacada tababarka lagu sii bilaabo inta laga dhisayo, taasina waa al-xamdulilaah maanta haday noo hirgashay oo maaragtaanay aynu machadkii aynu maanta furnay oo uu inoo dhisan yahay,” ayuu yidhi Madaxweyna Rayaale.

 

Mar uu Madaxweyne Rayaale Ka hadlayey u jeedada loo dhisayi machadkan shaqaalaha Dawlada waxa uu yidhi “U jeedada loo dhisayo machadkan waxa-weeyaan in tababar lagu siiyo shaqaalaha Dawlada lagu siiyo , adee...aal ayey u yihiin bulshada ee si ay adeeg wanaagsan bulshada ugu qabtaan, oo la suurtageliyo in shaqaalaha xirfad iyo mihnad lagu kordhiyo Si tayadooda loo hagaajiyo oo ay noqdaan kuwo si fiican ugu adeega bulshada ee ay ka midka yihiin ee ay u shaqeynayaan.”

 

“Xukuummad ahaan waanu isku noqon doona hay’ada in siyaasad loo sameeyo xukuummada, iyo Strategy-yada aynu ka rabno mustaqbalka inaynu gaadhsiino dadkeena aynu wax ku barayno iyo u jeedada aanu ka leenahay”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

 

 

288pm36.jpg

 

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waan akhriyey warqadaha aad qorteen qaar waxay ka hadlayaan shaqaalaha oo kale in caafimaadka iyo waxbarashada la yareeyo, horta kuwaasi yaraan maayaan ee way badanayaan, caafimaadka baahidiisu way sii badanaysa, baahida waxbarashadu way sii kordheysa weli literacy-ga dhinaca aqoonta weli meel hoose ayeynu joognaa, in la kordhiyo ayaa loo baahan-yahay, markaa waa inaanu ogaana wakhti kasta waxaanu qaban karno, tacliinta ilaa intee ayaa inoo dhiman waa inaynu gaadhsiino, caafimaadka ilaa intee ayaanu dadka gaadhsiinay, ilaa intee ayaa inoo dhiman inaynu ka shaqeyno ayay u baahan tahay, waxaan isleeyahay wakhtiga la soo bilaabay iyo halka la marayo wax badan ayaa la qabtay, wadankani maanta ilaa maalintii la soo galay waxa uu ku socda qori isku dhiib uuna sii socon doona”

 

Md. Rayaale mar uu la hadlayey wasaaradaha waxa uu yidhi “Wasaaradaha waxaan ku amrayaa inay dadku u kala sareyn doonaan sida ay u kala sareeyaan, u jeedada kowaad ee uu machadkani sameyn doono waxa weeyaan, dadku maxay ku kala sareynayaan ee ay darajada ku kala helayaan? Waa aqoonta ay bartaan ee ay kala soo baxaan machadka. U jeedada aanu tiigsanaynaa waxa-weeyaan in dadka wax barto, kii wax-barta inuu xaq u yeesho inuu ka shaqeeyo xafiiska ugu sareeya,”.

 

Guddoomiyaha Machadka Shaqaalaha Dawalada Maxamed Mixile Boqore oo isna halkaas ka hadlay ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyey noocyada tababarada ay bixiyaan, waxaanu yidhi “Tababarada aanu bixinaa waxa weeyaan maamulka iyo maareynta, Xisaabaadka guud, habka hanti dhowrk ah qorsheynta iyo xoghaymaha, kobcinta dhaqaalaha, hogaaminta awoodeynta iyo kartigelinta haweenka, habka maamulka hantida qaranka, ta technology-yada, luuqada Ingiriisiga, Iyo habka horumarinta Dawladaha Hoose”.

 

 

25kr79k.jpg

 

 

Guddoomiyaha hay’ada Shaqaalaha Dawlada Somaliland C/raxmaan Ismaaciil Cadami oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi“Qorshaha machadkan maa waxa loo dhisay shaqaalaha Dawlada iyo dawladaha Hoose, iyo kuwa private-ka qorshaha waxa machadka ugu jira inay ku tababartaan si la iskula jaan-qaado madaxda dawlada ee Sarsare,”

 

“Wiixi intaa ka danbeeya intaa ka danbeeya ee ama ah shahaadada Degree-ha hore ama ka danbe waxa balanqaaday oo kafaalo-qaaday College-ka tababarka Shaqaalaha Dawlada ee Dalka Ethiopia, oo ay imika ku jiraan 11 qof, sanadkan cusub ee bilaabmayana waxa ta...a 15 qof”ayuu yidhi Guddoomiyaha hay’ada Shaqaalaha Dawlada” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cadami.

 

 

Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada Md. C/raxmaan Ismaaciil Cadami ayaa isna furitaankii dhismahan ka waramay qorshayaasha ay ugu talo galeen macadka shaqaalaha dawlada iyo hawlaha wali ka dhiman dhamaystirka macadka.

 

2rwwyac.jpg

 

 

Dhinaca kale wasiirka cadaalada Axmed Xasan Cali Casoowe ayaa isna maanta xadhiga ka jaray xabsiga dhexe ee magaalada Har...sa oo ay hay’ada UNDP isna dib u dhis iyo dib u habayn ku samaysay waxaanu ka waramay baahida loo qabo furitaanka jeelka iyo sida uu wax uga tari doono baahidii maxaabiista,

 

waxaanu wasiirku u mahad naqay hay’ada UNDP oo uu shee... inay gacan ka ...sato, caawimana u fidiso Wasaarada Cadaalada.

 

Masuuliyiinta Dawlada JSL ayaa inta badan ku faana, mashaariicda ay hay’adaha samafalku ka hirgaliyaan dalka. Isla markaana bulshada ku beer laxawsada waxqabadka hay’adaha.

 

 

Sallaxleynews Desk

Hargeysa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this