Sign in to follow this  
Koora-Tuunshe

(Daawo Sawirada) Maxaabiistii laga soo qabtey dagaalkii shalay ee ka dhacay deegaanka

Recommended Posts

Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababey oo dhex marey Ciidamada ladagaalanka xaalufinta degmada Dhahar iyo koox Qowlaysato ah..

 

Dhahar: Sep/07 Saaka subaxnimadii ayaa dagaal ku dhexmaray ciidanka ilaalinta degaanka iyo ladagaalanka xaalufka ee degmada Dhahar iyo koox qowlaysata budhcad ah, halkaas oo labo askari oo ciidanka ilaalinta degaanka ah ku dhaawacmeen iyo nin budhcadda ka mid ah uu dhaawac ka soo gaadhey.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidanka ilaalinta degaanku ay gacanta ku soo dhigeen maxaabiis tiradooda lagu sheegay 10 qof iyo hal baabuur iyo weliba hubkii ay adeegsanayeen budhcaddaasi.

 

Waa markii afraad oo intii labada bilood ee ugu danbeysey ah oo dagaal noocan oo kale ah uu dhex maro ciidanka ilaalinta degaanka iyo budhcaddaas xaalufinta degaanka. taasoo ay ugu danbaysey horraanti asbuucan oo lagu soo qabtay 10 budhcad ah , oo hadda u ku xidhan magaalada Dhahar.

 

Weriye Maxamed Axmed Ciise oo ku sugan magaalada Dhahar ayaa noo sheegay in dhaawacii ciidanka ilaalada lo qaaday dhanka magaalada Ceergaabo si loogu soo daweeyo, halka kii kale ee budhcadda ka dhaawacmayna loo gudbiyey dhanka Sheerbi.

 

 

Source Dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhahar: Ciidamada ilaalinta dhirta iyo deegaanka iyo la dagaalanka xaalufka ee degmada Dhahar ayaa labadii bilood la soo dhaafay si xoogleh uga howlgalay badbaadinta dhirta iyo deegaanka gobolada Sanaag iyo Bari, kusoo oo la filaayay in ay nastaan bisha Ramadaan ee barakaysan, Ayaa howshii wali sidii u wada, kadib markii ay qowlaysatada dib ugu soo noqotey deegaankii laga ceyriyey.

 

Sadexdii todobaad ee lasoo dhaafay ayaa waxaa xabsiga magaalada Dhahar lagu soo xirey ugu yaraan tiro gaareysa dhowr iyo labaatan nin oo maxaabiis ah kuwaasoo qaarna si nabad galya ah lagu soo qabqabtey qaarna dagaal kaga hor yimaaday ciidanka lagadaalanka xaalufinta, maxaabiistaas oo ilaa iyo hada ku xiran degmada Dhahar.

 

Wareysi ayaan waxaan la sameyney qaar ka mid ah maxaabiista Dhahar ku xiran sidan ayayna yiraahdeen. Maxaabiista qaar ayaa ku dooday in ay iyagu wax dambi ah lahayn oo ay aruursanayeen dhuxushii ay ka carareen ciidamda Puntland oo dhulkaasi wax ku gubi jirey.

 

 

HALKAAN KA DHAGAYSO WAREYSIGA

 

 

2517.jpg

1_6.jpg

3_2.jpg

gaarigalagaqabtey.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this