Sign in to follow this  
Saalax

Ahlu Suna Waljamaaca recaptures Dhuusamareeb bad news for Alshabab and its Supporters

Recommended Posts

Saalax   

t9frf3tbye86su4ps04v.jpg

 

Ciidamada Ahlu Suna Waljamaaca oo Dib Ula Wareegey Magaalada Dhuusamareeb Kadib Markii Shalay Ciidamada Al-Shabaab Ay Qabsadeen

GALGUDUUD(OWN)-Ciidamada Ahlu Suna Waljamaaca ayaa dib ula wareegay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud Kadib markii ay shalay ka qabsadeen Ciidamada Al-Shabaab oo magaaladaa weerar kusoo qaaday,

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud iyo deegaanka Mareerguur oo shalay dagaalo xoogan ay ku dhexmareen ciidamada Ahlu Sunna iyo Kuwa Al Shabaab ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladda goobahaasi ay degantahay islamarkaana dib ay ula wareegeen gacan ku heyntooda Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca kadib markii halkaasi ay xalay isaga baxeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

 

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb iyo Mareerguur ayaa waxaa sheegeen in saaka xaaladda Magaalooyinkaasi ay tahay mid degan islamarkaana ciidamo farabadan oo ah kuwa Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca lagu arkayo wadooyinka deegaanadaasi.

 

Dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Mareerguur ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen ku dhawaad 10 ruux oo ka mid ahaa dadka deegaankaasi iyadoo wali aan si rasmi ah loo ogeyn qasaaraha soo kala gaadhay dhinacyadii dagaalamay,

 

 

 

Cabdi Xasan Cilmi.

 

Oodweynenews.com/Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this