Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya Danjire Chen Wendi.

Labada masuul ayaa kulankooda diiradda ku saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashi ay wadaagaan labada iyo ajandeyaal kale oo labada dhinac ahmiyad weyn u leh.

Shiinaha ayaa kamid ah dalalka ugu muhiimsan ee taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya, asagoo ka gacan siiya dhinacyada mashaariicda, amniga, waxbarashada iyo siyaasadda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this