Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Somalida la baxaday somaliland oo ka taagan Buuqii uugu danbeeyay

Recommended Posts

KULMIYE oo xukuumadda ku eedeeyey in ay abaabulayso dagaal sokeeye oo dalka ka dhaca.

 

 

Hargeysa (Jam)- Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa xukuumadda Madaxweyne Daahir Rayaale, si weyn ugu eedeeyey in ay Somaliland gudaheeda ka abaabulayso xaalad-abuur qas iyo kicin ah oo ujeeddada ka dambaysaa tahay in mar labaad dagaal sokeeyo ka dhaco Somaliland.

 

 

Shir-jaraa’id oo ay shalay si wadajir ah xarunta KULMIYE ugu qabteen Afhayeenka Xisbiga KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed, Cabdiraxmaan Cabdulqaadir iyo Maxamed Cabdi Iskeerse, oo ka tirsan Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE, waxa ay kaga hadleen arrimo dhawr oo ay eedeedda dusha ka saareen xukuumadda Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin falal gacan-ka-hadal iyo kicin abaabulid mudaharaad.

 

 

Ugu horreyn, Maxamed Kaahin, oo ka hadlay shirka-jaraa’id waxa uu ku eedeeyey xukuumadda Madaxweyne Rayaale in ay xubno ka mid ah Golaha Wasiirradu tageen Golaha Wakiillada, isla markaana ay hanjabaad iyo cago-juglayn ugu geysteen xubno ka mid ah Xildhibaannada Wakiillada.

 

 

“Golaha Wakiillada waxa aanu ka war haynaa in xubno Golaha Wasiirrada ah ay yimaaddeen oo ay dad soo abaabuleen, oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada lagu yidhi ‘haddii aad golaha furto, baastoolado ayaanu haysanaa, dabaabado ayaanu haysaanaa, lacag baanu haysanaa, dagaal baana ka dhacaya, oo ninka ugu horreeya ee dhimanayaa adiga ayuu noqonayaa, oo Gobollada Barina dagaal ayaanu ka ridaynaa,†ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

 

 

Isaga oo tafaasiil ka bixinayey cidda waddanka sharciga u yaal burburinaysa waxa uu intaa raaciyey; “Waxa xaaladdan abuuraya oo sharciga waddanka duminaya ragga xukuumadda ku jira ee abaabulay xubnaha ay qabiilka iyo isku isirka yihiin ee xildhibaan Cali-barre kula dagaalamay meesha [Golaha Wakiillada]. Wasiirkii maalintii hore Cali-barre la dagaalamay ee yidhi halkan [Hargeysa] shandad yar oo xun inta aad la timi ayaad doonaysaa in aad waxayaga carqaladayso, waanu ku garaaci, oo waanu ku dili. Ummadda Somaliland waxa aanu u caddaynaynaa in Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo xukuumaddiisu ay maanta qaranka gudihiisa ka abaabulayaan xaalad-abuur dagaal oo ujeeddadoodu tahay in Somaliland uu mar labaad dagaal sokeeye ka dhaco. Waxa markhaato ka ah baarlamaanka hortiisa waxa shalay ka dhacay, waxa ka markhaati Sool, markii arrinteedii dhowaan la soo gebagebeeyey in ay go’aankii la gaadhay ka been sheegeen isaga [Rayaale] iyo xukuumaddiisu, oo ay go’aan foojari ah Radio Hargeysa ka sii daayeen, waxa markhaati ah ka maanta la leeyahay Mudane Qaybe nin Golaha Wasiirrada ah ayaa ku yidhi Tuke oo qoladiina ah, markii uu ku gubayey dadka reer Gabiley dawlad ******* ah oo dalka ka jirtay ayaa caynkaa samaynaysay, annaguna maanta ayaanu ***** nahay oo dawladda haysanaa oo haddii aad farofarayso Qayboow waanu kugu gubaynaa, kugu dilaynaa - oo kaasi waa kuma? Tukaha uu sheegayo ayaa maalintaana ka xigay oo Isaaqna muu ahayn cid kalena muu ahayne midiidinka u xun ee dadka lagu laayo ayuu ahaa, markeeda iyo waqtigeedana magacyadooda waanu sheegi doonaa…†ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

 

 

Waxana uu xukuumadda ku eedeeyey in Ciidanka Booliska ee ay hore ugu adeegsadeen xisbiga KULMIYE ay maantana u adeegsatay Golaha Wakiilalda, taas oo uu sheegay in ay sharci-darro tahay oo Boolisku sida uu Distoorku dhigayo tahay in ciidanka bilayska aanay Wasiirka Daakhiliga, Taliyahooda, Madaxweynaha iyo Wasiir kale toona si gaar ah u isticmaali karin.

 

 

Maxamed Kaahin, waxa kale oo uu ka hadlay in xisbiga KULMIYE diyaar u yahay in uu qaybgalo tartanka doorashada Golaha Wakiillada oo aanu diidanayn, balse uu Madaxweyne Rayaale mar kasta oo doorashadu soo dhowaato bilaabo cay iyo carqalad uu ku horjoogsanayo qabsoomidda doorashada Wakiillada.

 

 

Sida oo kale, waxa iyaguna Maxamed Kaahin kadib, shirka-jaraa’id ka hadlay Cabdiraxmaan Cabdulqaadir iyo Maxamed Cabdi Iskeerse, oo labaduba ka tirsan Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE, kuwaas oo tafaasiil ka bixiyey in aanu jirin sharci u diidaya Mudaneyaasha Golaha Wakiillada in ay Madaxweynaha u soo jeediyaan mooshin maamuus-ka-xayuubin ah, iyada oo ay xuseen in Distoorka Somaliland iyo hannaanka dimoqraadiga ah ee dalku ku socdo ay labaduba oggolaanayaan in Madaxweynaha mooshim maamuus-ka-xayuubin ah ku soo oogi karaan Mudaneyaasha Wakiilladu, waqti kasta oo la soo jeediyo.

 

 

“Mudaneyaasha Golaha Wakiilladu xaq bay u leeyihiin in ay Madaxweynaha ku soo oogaan maamuus-ka-xayuubin, markaa haddii xukuumaddu diido oo ishortaag ku samayso soo-jeedinta waxa ay noqonaysaa inqilaab ay xukuumaddu ku samaysay Golaha Wakiillada,†sidaa waxa yidhi Cabdiraxmaan Cabdulqaadir, oo ka hadlayey xaqa golaha wakiilladu u leeyihiin soo jeedinta maamuus-ka-xayuubinta Madaxweynaha.

 

 

Mr. Cabdiraxmaan, waxa uu ka hadlay mudaneyaasha golaha wakiilladu in 80% ay ka tirsan yihiin xisbiga UDUB ee xukuumadda, soo-jeedinta mooshinna ay xaq u leeyihiin, iyada oo sida uu sheegay Cabdiraxmaan ay aqlabiyadda xildhibaannadu ka tirsan yihiin UDUB, haddana xukuumaddu xisbiga KULMIYE ku eedayso in uu ka dambeeyo mudaneyaasha soo jeediyey maamuus-ka-xayuubinta Madaxweynaha.

 

 

Waxa kale oo uu sheegay in xildhibaannada wakiilladdu haddii ay go’aansadeen in ay maamuus-ka-xayuubin u qaadaan Madaxweyne Rayaale ay xaq u leeyihiin, balse ay khalad tahay in mudaneyaasha loogu hanjabo Hargeysa.

 

 

“Madaxweynuhu khudbaddiisii 18 May, waxa uu yidhi $1500 doollar ayuu KULMIYE ku baayacay mudaneyaasha Golaha Wakiillada, si ay u oggolaadaan maamuus-ka-xayuubin in la igu qaado, si la ii rido, markaa horta haddii $1500 doollar la igu ridayo maba aan moodayn in lagu rido’e waa hore ayaan anigu soo ururin lahaa,†ayuu hadalkiisa ku soo koobay Cabdiraxmaan Cabdulqaadir.

 

 

Maxamed Cabdi Iskeerse, ayaa isaguna sheegay in Madaxweynuhu sidii shacbigu u doortay aanu ugu hambayn, isla markaana uu Madaxweyne Rayaale dadkii doortay abaal-gud uga dhigay in uu xumaan iyo wax aanay geyin gadhka u geliyo.

 

 

Mr. Iskeerse, waxa kale oo uu sharraxaad ka bixiyey dhacdadii shalay lagula kacay qaar ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee ka soo jeeda Gobollada Bariga in ay ahayd mid foolxumo ah oo abuuri karta qas iyo fawdo ku timaadda degenaanshaha iyo nabadda ay Somaliland ku naaloonayso.

 

 

“Xukuumaddu yaanay diidin soo-jeedinta maamuus-ka-xayuubinta ee mudaneyaasha wakiilladu u soo jeediyeen Madaxweynaha xaq bay u leeyihiin. Waxa la sheegayaa shalay in rag mudaneyaal ah oo ka soo jeeda Gobollada Bariga lagu dhirbaaxo magaalada dhexdeeda. Markaa haddii taasi dhacday dhirbaaxooyin kale ayaa dhici doona’e ee xukuumaddu ha ogaato. Horseed niman la yidhaahdo oo dhallinyaro ah ayaanu leenahay oo aan cidina ka badin ciyaala-suuqnimo iyo handadaad la sameeyo ee xukuumaddu ha oggaato in waxa aanu dhawraynaa uu yahay qaynuunka,†ayuu yidhi Maxamed Cabdi Iskeerse, isaga oo ka hadlaya falalka qalafsan ee ay xukuumaddu ku kacayso, waxa uu intaa ku daray; “Annagu aqbali mayno in mudaharaad iyo dad la soo abaabulay ay xukuumaddu nagu soo kiciso, waayo, waxa la sheegayaa in Gabiley ay xukuumaddu dad mudaharaada ka abaabulayso. Haddii taasi dhacdo kuwo kale oo diidan ayaa ka horiman doona ee miyaan isku-dhac imanayn. Waxa aan leeyahay xukuumaddu abaabulka ha joojiso oo yaanay qas iyo xumaan horseedin,†ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Iskeerse.

 

 

 

 

Jamhuuriya Online

Printable version

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaan Cali-barre waxa gacan-saaray nin weyn oo reer Hargeysa ahâ€

Hargeysa (Jam)- Xarunta Golaha Wakiillada oo hadda fasax ku jira ayaa shalay waxa la keenay ciidamo badan oo Boolis ah oo ay ku jiraan ciidammada Baadhista Dembiyada (CID), iyada oo uu jiro dareen shaki laga qabay in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Md. Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) uu dib u furo Golaha oo la xidhay isaga oo dibadda kaga maqan 9kii bishan May, 2005.

 

 

Ciidammadaas oo ay hoggaaminayeen saraakiil uu ka mid yahay Hoggaanka Hawlgelinta Booliska Somaliland, Cadbdillaahi Fadal, ayaa waxa ka cadhooday mudaneyaal badan oo ka tirsan Golaha Wakiillada, kuwaas oo ay u arkeen in xukuumaddu ku farogelinayso Golaha Wakiillada oo hadda uu ka taagan yahay khilaaf saameeyey tin iyo baar Golaha, kaas oo salka ku haya mooshin koox mudaneyaal ahi ku dalbadeen in xilka laga xayuubiyo Madaxweyne Rayaale.

 

 

In ka badan 30 mudane oo ka tirsan Golaha Wakillada ayaa shir-jaraa’id oo ay qabteen shalay waxa ay ku eedeeyeen oo ay ku tilmaameen xukuumaddu in ay doonayso in xoog kaga hortagto.

 

 

Sida oo kale, waxa xildhibaannadaasi cambaareeyeen fal nin rayid ahi ku gacan-saaray Md. Cali Maxamuud Aadan (Cali-barre), oo ka tirsan Golaha Wakiillada.

 

 

“Arrintii maanta [shalay] Golaha ka dhacday waxa ay ahayd mid aad u fool-xun oo cay ah, waayo, nin xildhibaan ah ayaa lagu gacan-saaray, iyada oo ay goobta joogeen ciidamo dhan oo Boolis ah oo wax loo soo dhoobay aan la garanayn. Sida oo kale, waxa Golaha ka dhacday kalmado ah ‘Daaroodku ha naga tago,’ iyada oo loola jeedo xildhibaannada beelaha Warsangeli iyo *********** ee Somaliland. Taa macnaheedu maxay ahayd?†Sidaa waxa yidhi Afhayeen u hadlay xildhibaannada, Md. Foodyare. Isaga oo sii faahfaahinaya arrinta waxa uu intaa raaciyey; “Xildhibaanka waxa gacan-saaray nin ka mid ah dadka reer Hargeysa ee aan anigu aadka ugu hanweynaa. Ina Cabdi-dhoore, ayaa la yidhaahdaa, ninkaa wax tallaabo ah lagama qaadin, taasina waxa ay noo caddaynaysaa in ninkii la doonayo la dilo, sharcigu aanu qabanayn. Laakiin, arrinkaaxukuumaddu waxa ay ka qabato ayaa nooga yaalla, waayo, waa mid xildhibaanka dhawrsanaantiisii iyo qarankaba sharaf-dhac ku ah.â€

 

 

Md. Foodyare, waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland u xusul-duuban tahay in ay muddada yare e ka hadhay waqtiga doorashada Wakiillada loo cayimay ka hor boobto hantida ummadda iyo doorashada, nabadgelyadana wax u dhinto.

 

 

“Laakiin,†ayuu yidhi; “sida Distoorka ku cad Golaha Wakiillada ilaa maalinta u dambaysa cidda ilaalinaysaa waa xukuumadda, haddii taasi dhici waydo waxa ay noqonaysaa in aan doorasho xalaal ahi dalka nabadgelyo uga dhicin.†Waxana uu xukuumadda ku tilmaamay mid awood-darran oo aan ilaalin Karin shuruucda iyo Distoorka Qaranka.

 

 

“Taana waxa ka marag ah dadka Madaxweynaha ku xeeran oo loo adeegsanayo in sharciga iyo nabadgelyada lagu burburiyo iyo xukuumadda madaxdeeda ka tirsan haddii uu ummadda iyo qaranka dembi ka galo oo aan la qabanayn,†ayuu yidhi Md. Foodyare, waxana uu intaa raaciyey; “Fuleyaasha dhiigya-cabka ah ee Ina Rayaale ku meersanoow ha gaadhsiinina arrinta meel aanay gaadhsiisnayn, haddii ay gacan-ka-hadal noqotana kuwa ugu horguranaya xamasta idinka ayey noqonayaan.â€

 

 

Md. Cabdirisaaq Warsame Xayir, oo isna shirka-jaraa’id ka hadlay waxa uu faahfaahin ka bixiyey fadhiyada Golaha iyo awoodaha Shirguddoonka Wakiilladu sharci ahaan sida ay ugu kala xadaysan tahay Xeer-hoosaadka Golaha iyo Distoorka Qaranka Somaliland.

 

 

“Dhammaan fadhiyada Golaha Wakiilladu waaa kuwo Distoori ah, xeer-jajab iyo rabitaan qofeedna kuma dhisna,†ayuu yidhi Md. Xayir. Waxana uu intaa raaciyey; “Waxa nasiib-darro ah in iyada oo sharcigii ina horyaallo aftahanno iyo xeer-jajab aynu isticmaalno.â€

 

 

Md. Xayir, waxa kale oo si adag u difaacay hadalka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ku sheegay in uu keligii leeyahay go’aan-ka-gaadhidda qoraal mooshin 43 Mudane u gudbiyeen oo ay ku dalbadeen in fadhi aan caadi ahayn goluhu yeesho.

 

 

“Go’aanka wadareed ee uu ku dooday Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada waa awood uu iska leeyahay Guddoomiyaha Goluhu,†ayuu Md. Xayir ku soo gunaanaday hadalkiisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this