Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Dagaal dhexmaray ilaalada Africa Oil

Recommended Posts

Sadax maalin ka hor ayey aheyd markii ciidamo ka wada tirsan ilaalada shirkadda ku howlan baarista kheyraadka Maamul Goboleedka Puntland ee Africa Oil ay ku dagaalameen gudaha Degmada Ufayn oo ah deegaanka uu ka socdo howlaha sahminta shidaalka, waxaana dagaalkaasi ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaalada shirkadda.

 

Sida ay inoogu warameen xubno ku dhow dhow xafiiska Africa Oil ee magaalada Boosaaso waxay sheegayaan in ciidamo ka tirsan ilaalada shirkadda oo aan mudo labo bilood ah helin wax mushaar ah ay ku qaadeen weerar lama filaan ah shaqaalihii shirkadda xili ay ku guda jireen howsha shidaal baarista, waxaana shaqaalahaasi la weeraray ka mid ahaa Ajaaniibta ku sugan Boosaaso, iyadoo dagaalka mudo kadib uu qabooway.

 

Arintan oo ka dhalatay dhaqaale la'aan soo wajahday ciidamada shirkadda Africa Oil, waxaana markii danbe arintan soo dhex galay xubno ka tirsan xafiiska shirkadda iyo maamulka Puntland gaar ahaan dad ku dhow dhow Madaxweyne Cadde Muuse oo arinta qaboojiyay.

 

Warku wuxuu intaa ku darayaa in maanta ciidamada iyo shaqaalaha kale ee shirkadda ay heleen qeyb ka mid ah lacagihii ay ku doodayeen ciidamada ee dagaalka ka bilowday, iyadoo hal bil mushaarkeed ay heleen, waxaana mushaarka ciidamada midkiiba uu bishii xaq u leeyahay in uu qaato Labo Boqol oo Dollarka Mareykanka, inkastoo ay kala sareeyaan ciidamada hadana kala lacag badan yihiin, balse taasi ay tahay qeybta ugu yar ee ciidamada ay helaan.

 

 

Radio Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this