Sign in to follow this  
Deeq A.

Kadib imaatinka Muqdisho ee SWAN maxay tahay shaqada adag ee hortaalla?

Recommended Posts

Deeq A.   
James-Swan.jpeg?fit=2048%2C1364&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – James Swan oo dhawaan si kumeel-gaar ah loogu soo magacaabay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa soo gaaray Muqdisho, xilli xasaasi ah.

Mr Swan ayaa markaan xafiiska si KMG usii hayn doono, waxaana uu dhameystiri doonaa howsha xafiiska UNSOM oo la qorsheynayo in sanadkan dib u eegis lagu sameeyo.

Magacaabidda KMG ee Swan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa kadib markii dhowaan dowladda federaalka Soomaaliya ay dalbatay in la xiro xafiiska UNSOM.

Ninkan oo lagu xasuusto doorkii uu kulahaa doorashadii adkeyd ee murankeeda soo jiitamayay illaa 15-kii May 2022, ayaa waxaa xilligaan horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horeyso isku soo dhaweynta madaxda Soomaalida ee sii kala fogaanaya.

Shaqada adag ee xilligan hortaalla ayaa ah u kala dab-qaadida dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedka Puntland, xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan hannaanka doorashada oo si weyn mucaaradka u diidan yihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradka ayaa kal horey isku seegay arrimaha dastuurka, kadib markii uu baarlamaanka marsaday hanaan doorasho oo mucaaradka uu diiday, halka uu dhawaan heshiis “aan kala daneyso ah” uu la gaaray afar madax goboleed.

Xasan iyo afarta madax goboleed ee Axmed Madoobe, Qoor-Qoor, Guudlaawe iyo Lafta-gareen ayaa bishaan Villa Somalia ku gaaray heshiis u muuqday muddo kororsi dadban, taasi oo laftigeeda ay ka qeylo dhaamiyeen madaxweynayaashii hore ee Farmaajo iyo Sheekh Shariif.

Isku soo wada duubo, Swan oo horay xilka Ergeyga QM ee Soomaaliya u soo qabtay sanadihii 2019-2022, si fiicana u yaqaana madaxda Soomaalida ayaa waxaa hadda hortaalla sidii uu dhinacyada isugu soo jiidi lahaa, si miiska wada-hadalka la iskugu yimaado, waana mid kamid ah shaqooyinka adag ee imaatinkiisa uu markaan la koowsanayo.

The post Kadib imaatinka Muqdisho ee SWAN maxay tahay shaqada adag ee hortaalla? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this