Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Deegaanka degmada Caynaba ayaa shalay xilkii ka qaaday Maayerkii Caynaba iyo Maayer ku xigeenkii.

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Deegaanka degmada Caynaba ayaa shalay xilkii ka qaaday Maayerkii Caynaba iyo Maayer ku xigeenkii.

Fadhi ay shalay yeesheen Golaha Deegaanka degmada Caynaba ayay ku doorteen Maayerka cusub iyo Maayer ku xigeen degmada Caynaba, shira shalay oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Saraar Maxamed Cismaan Xaaji Axmed.

Fadhiga ay yeesheen Golaha Deegaanka degmada Caynaba waxa ay ku doorteen Maayar cusub iyo Maayar ku xigeen.
IMG-20240526-WA0044.jpg
Maayarka cusub ee loo doortay Magaalada Caynaba Maxamed Haybe Maxamuud ayaa u mahadnaqay golaha deeganka ee doortay.Waxaanu yidhi”Waxa aan u mahadcelinaya Xildhibaanada Golaha Deegaanka Magaalada Caynaba
ee aan ka midka ahay ee xilka ii igmaday, iyo Maayarkii hore oo isaguna runtii soo shaqeeyay waana sunaha dawladnimo in laysa soo doorto iyo in xilka layska qaado,”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this