Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland ayaa dood ka yeeshay tarmarta dalka iyo sidii maalgeshi loogu sameynlahaa.

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland ayaa dood ka yeeshay tarmarta dalka iyo sidii maalgeshi loogu sameynlahaa.

Fadhigii shalay ee golaha guurtida Somaliland, oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Guurtida mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayay mudaneyaashu waxay dood ka yeesheen xaalada tamarta ee dalka, waxaaney xuseen in shirkadaha bixiya adeegga laydhka ee gaarka loo leeyahay ay gaadhsiiyeen magaalooyin kala duwan oo dalka ah, balse waxa ay tilmaameen in laydhku qaali ku yahay bulshada JSL, isla markaana dadka awoodooda dhaqaale hooseyso ay tahli kari la’yihiin qiimaha laydhka qaaliga ah.
Sidoo kale mudaneyaashu waxa ay sheegeen in ay laga maarmaan ay tahay sidii bulshadu wakhtigan u heli lahayd tamar qiimaheedu uu hooseeyo, waxaaney ka codsadeen shirkadaha bixiya adeega Laydhka inay qiimaha ay hoos u dhigaan.
Geesta kale xildhibaanadu waxa ay siwada jir ah uga dalbadeen masuuliyiinta shirkadaha Laydhku in bulshada il naxariisle ay ku eegaan, waxaanay fareen masuuliyiinta shirkaddaha Laydhku inay bulshada reer Miyiga ah gaadhsiiyaan adeega laydhka.
Dhanka kale waxa ay xukuumadda Somaliland ugu baaqeen in ay dalka keento shirkado shisheeye oo dalka maalgeshi ku sameeya tamarta dalka si shirkadaha bixiya adeega Laydhku bulshaweynta JSL uga jabiyaan adeegyadaasi Laydh ee ay siyaan.
Mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland ayaa shir guddoonka golahooda ka dalbaday in loo yeedho masuuliyiinta Komishanka tarmarta Somaliland, si wax looga weydiiyo adeegbixinta Laydh ee dalka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this