Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku Dhowaad 700 Ruux oo Ku Geeriyootay Dhul Go’ Ka Dhacay Dalka Papua New Guinea

Recommended Posts

Deeq A.   

Qayaastii 670 ruux ayuu ku naf waayay dhul go’ baaxad leh oo ku dhuftay dalka Papua New Guinea sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta maxalliga ah iyo hay’adaha caalamiga ah, xilli sidoo kale uu socdo gurmad xooggan.

Dhul go’an oo lagu tilmaamay musiibo bini’aadantinimo oo baaxad leh ayaa sameeyay dhul cabbirkiisa lagu qiyaasay ilaa afar garoon oo kuwa kubbadda ah, oo ku yaalla tuulada Kaokalam oo 600 kmr u jirta magaalada ee Port Moresby.

Serhan Aktoprak oo ah madaxa ergada Qaramada Midoobay ee jasiiradda Koonfurta Baasifiga ayaa sheegay in tirada dhimashadu ay sii kordhi karto, in ka badan 150 gurina ay ku dumeen dhul go’an oo ka dhacay degmada Kaokalam ee dalkaas.

Kooxaha gurmadka degdega ah ee ku sugan Papua New Guinea ayaa ayaa ku howlan daad-gureynta dadka ay waxyeeladu gaartay, iyadoo dhul aad u badan oo aan xasiloonayn uu halis galinayay dadaalka samata-bixinta.

Dawladda ayaa qorshaynaysa inay inay si rasmi ah u codsato taageero caalami ah oo dheeraad ah, ayadoo baaxad dhulka go’ayna uu la egyahay qiyaastii 4 garoon oo kuwa kubadda ah.

Muuqaal laga soo duubay goobta uu dhul go’u ku dhiftay ayaa muujinaya god ballaaran oo dhoobo ah iyo dhagxaan oo ku yaal meel buur ah oo dheer iyo dadka deegaanka oo isku dayaya inay raadiyaan dad badbaaday.

Si kastaba ha ahaatee waxaa weli socda gurmadka iyo daad guraynta dadka ay waxyeeladu gaartay, waxaana isi soo taraya wararka dhacdadan la xariira.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this