Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta kulan xasaasi ah oo Gedo ku dhexmaray saraakiil Kenyan ah iyo…

Recommended Posts

Deeq A.   
Gedo.png?fit=1455%2C1419&ssl=1

Garbaharey (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidanka difaaca (KDF) ee ku sugan degmada Ceelwaq ee gobolka Gedo iyo saraakiil Soomaali ah oo uu horkacayo madaxweyne ku-xigeenka dowlad-gobaleedka Jubbaland ayaa halkaasi ku yeeshay kulan xasaasi ah.

Kulankan oo ahaa mid mira-dhal ah ayaa waxa uu ka qabsoomay xerada ciidanka Kenya ay ku leeyihiin Ceelwaq.

Kulanka ayaa intii uu socday waxa diirada lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa amniga iyo xasiloonida degmada iyo sidoo kale sidii ay ciidanka Kenya usii labo jibaari lahaayeen dadaalkooda.

“Madaxwayne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland ayaa ugu mahad-celiyay madaxda, saraakiisha ciidanka iyo shacab-weynaha dowlada aan dariska nahay ee Kenya doorkoodu naf-hurnimada ah ee ay ka qaadanayaan dib usoo celinta nabadi iyo xasiloonada Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada dowlad-gobaleedka Jubbaland,” ayaa lagu yiri bayaan ay Jubbaland kasoo saartay kulankaan.

Waxaa madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku wehlinayay kulankaan wasiirka arimaha gudaha Jubbaland, wasiirka amniga, wasiirka dekadaha iyo gaadiidka bada Junbaland iyo  wasiiru-dowlaha wasaarada amniga Jubbaland iyo taliyaha ciidanka daraawiishta Jubbaland ee gobalka Gedo.

Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdigiisa oo shalay gaaray degmada Ceelwaq ee gobalka Gedo, ayaa sidoo kale wuxuu halkaasi kula kulmay maamulka iyo saraakiisha amniga ee degmadaasi.

Si kastaba, Kenya oo xiriir hoose oo xoogan la’leh dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa si weyn u taageerta Axmed Madoobe, ayada oo sidoo kale ay ciidamo dheeraad ah oo milatarigeeda ay ku sugan yihiin gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, kuwaasi oo taageera hoggaanka Jubbaland, sidoo kalena qayb ka ah dagaalka Shabaab.

The post Xogta kulan xasaasi ah oo Gedo ku dhexmaray saraakiil Kenyan ah iyo… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this